Maxaa
ka taqaana ururka UHWA:
-
Ururka UHWA (Ururka
Horemarinta Waxbarashada ASAASIGA/ALLAYBADAY)
oo la aasaasay dabayaaqadii 2004 ta, 600 qof oo kale jooga
Somaliland, UK, USA, Norway, Finland, Canada, Sweden, Denmark,
Finland, Gulf-state, Malaysia, Jaban, Ethiopia iyo Djibouti
ayaa ka tirsan ururka.
Ururka wuxuu gacanta ku hayaa 11
Dugsi oo ku yaala degmada Allaybaday ee Gobolka Hargeisa.
Sannadkii 2005 wuxuu ugu deeqday waxbarashada Degmada lacag
dhan $ 7,000 oo dollar, Sannadkii 2006 kii lacag dhan $ 15
625 oo dollar. Sannadkii 2007 lacag dhan $ 38,615 oo dollar, waxa kale
oo dhisay 4 Dugsi oo uu ku jira Dugsiga sarre qaybta hore.
Sannadkan hada lagu jira ee 2008 waxa uu gacanta ku hayaa
dhismaha Dugsi Sarre oo Boarding ah oo loo dhisaayo Degmada oo
ku kacaa lacag dhan $ 120,000 oo dollar.
Tan iyo markii
dalka Somaliland uu xoriyaddiisii dib ula soo noqday 1991-kii, waxa
dadka reer Somaliland ku hamiyayeen inay horumar iyo wax-soo-saar
gaadhaan, oo adduunweynu ku qiimeeyo, laguna aqoonsado. Wakhtigaa
ilaa maanta oo lix iyo toban sanno ay ka soo wareegtay wax aqoonsi
ah oo la helay ma jirto, maamulkii iyo dowladnimadiina dalka ma wada
gaadhin. Caqabadaha dowladda is
hortaagayna, welina horgaan waxa ka
mid ah dhaqaale yari iyo ictiraaf la'aan. Maadaama aan dowladda la
ictiraafin, deeq caalami ahna la siinin, waxa batay baahiyihii
aasaasiga ahaa ee bulshada, oo ay dowladduna dabooli kari weyday,
hadday tahay dhan caafimaad, waxbarasho, wadooyin iyo shaqooyin iwm.
Markii ay
bateen baahiyaha dalka ka jira, adeeggii waxbarashona oo aan
habayaraatee ka jirin degaanka aanu ka soo jeedo ee Allaybaday,
dowladdiina ay dabooli kari weyday ayaa muwaadiniinta reer
Allaybaday ee qurba joogga ahi waxay samaysteen ururro samofal oo ay
wax ka qabanayaan baahiyahaa aasaasiga ah ee ay ugu horeysao,
Waxbarashada hoose. Kuwaas oo muwaadiniinta qurba-joogga ah iyo
hay'adaha samafalka ee caalamiga ah ba la kaashaday. Waxaana
muwaadiniintaasi ay kor u soo qaadeen adeeggii waxbarashad ee
Degmada oo hada waxaa ka shaqeeya 11 Dugsi, 7 ka mid ahi waa
shiraacyo la dhisan sannankii hore (2006), 3 dugsi oo si fiican u
dhisan oo hoose dhexe ah iyo Dugsi Sarre oo ku meel gaadha oo aana
wax dhismo ah lahayn wali, se la rajayn in Sannadkan (2007) lagu
dhiso qaybtiisa hore oo ay dawladu balan qaaday, qaybtiisa danbe oo
Qurbajoogtu balan qaaday iyada 6 bilood ee danbe la shiso.
Sidaasi awgeed ayaa dhallinyarada indheergaradka ah ee Degmada
Allaybadayr, kuna dhaqan dalalaka UK, USA, Norway, France, UAE,
Yemen, Denmark, Sweden, Finland, Canada, Saudi Arabia, IYO,
Geeska, Africa iyagoo isku duubban ay go'aan ku gaadheen inay
samaysataan urur samofal oo wax ka qabta baahida waxbarasho iyo
waxyaaba ku saabsan waxbarashada ee Degmada Allaybaday, waxayna
samaysteen ururka UHWA.
