Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

Maxaa ka taqaana ururka UHWA:

- Ururka UHWA (Ururka Horemarinta Waxbarashada ASAASIGA/ALLAYBADAY) oo la aasaasay dabayaaqadii 2004 ta, 600 qof oo kale jooga Somaliland, UK, USA, Norway, Finland, Canada, Sweden, Denmark, Finland, Gulf-state, Malaysia, Jaban, Ethiopia iyo Djibouti ayaa ka tirsan ururka.

Ururka wuxuu  gacanta ku hayaa 11 Dugsi oo ku yaala degmada Allaybaday ee Gobolka Hargeisa. Sannadkii 2005 wuxuu ugu deeqday waxbarashada Degmada lacag dhan $ 7,000 oo dollar, Sannadkii 2006 kii lacag dhan $ 15 625 oo dollar. Sannadkii 2007 lacag dhan $ 38,615 oo dollar, waxa kale oo dhisay 4 Dugsi oo uu ku jira Dugsiga sarre qaybta hore. Sannadkan hada lagu jira ee 2008 waxa uu gacanta ku hayaa dhismaha Dugsi Sarre oo Boarding ah oo loo dhisaayo Degmada oo ku kacaa lacag dhan $ 120,000 oo dollar.

 

Ururka Samafalka ee UHWA:
 

Ururka  SAMAFALKA waa urur khayri ah oo ka qayb qaadataa howlaha waxbarashada asaasiga ee dadka qaxootiga ka soo noqday ee dalkeeni hooyo, hada waxaaanu gacanta ku haynaa meel badan oo ka mid ah, degaan Galbeedka Hargeisa.

 Magaca ururka:

URURKA HOREMARINTA WAXBARASHADA ASAASIGA/ALLAYBADAY (UHWA)

 

Hawlaha guud ee UHWA qabato waxaa ka mid ah:

  • Abaabul warxbarashada asaasiga ee degaanka uu ururka ka shaqeeyo.

  • Dhisida Dugsiyada Hoose, oo leh meelCunto lagu siiyo Ardayda

  • Guno siinta macaliminta dugsiyada Hoose.

  • Dhisida Dugsi dhexe oo u dhexeeya Tuulooyinka qoxootigu degen yahay.

  • Dayactirka Iskuulada & Macaahidda

 

 

Caroorta yar ee bilaa waxbarashada ah:

Dhalaankeena waxay ku nool yihiin dalkeenii hooyo , waxay badanaaba jooga tulooyin cid ah iyaga oo aan haysan wax waxbarasho oo aas aasiya, badana caruurtaasi xitaa ma haystaan xoolo ay raacaan, waayo dadku xoolo mahaystaan, madaama ay qaxootima dheer ay hada ka soo noqdeen.. 

 

Dawlada wadanka ka jirta iyo Haydaha caalmiyaga ayaan jecel in aanu la gaashao si ay caruurta yar yar u helaan Waxbarashada hoose.. 

 

Ururku wuxuu gacanta ku hayeen dugsi badan oo ay ku jiraan caruurbadan oo qaxootiya ah, caruurta waxaanu u raadinaa 3 arimood:

  1. waxbarasho 

  2. Cunto/raashi (hungurigoodaba),

  3. hoy (Meel ay seexdaan).
     

Caruurta badankooda waxaa laga soo uruuriyay dhamaan dhulka miyada ah  iyo tuulooyinka caruurta  Markii ay dawladeenu  awood dhaqaale oo caruurta ay wax uguqabato ay  way day  ayaanu waxay dantu inagu kaliftay in aanu samayno ururkan. Markaa waxaanu jecel nahay  in qof kasta oo danayna caruurtaa yar ee aanu rabno in aanu mustaqbal u samayno in uu nagal qayb qaato  caawita  caruurta

 

URURKA SAMAFALKA UHWA 

"ILLAYSKA WAXBARASHADA EE BAXAYA, DHANKAA KA IFTN"

Ummadda Muslimka iyo dadka wanaagka jecel waligeed kama marnayn dad khayrka jecel oo gacan lixaad leh ka gaysta mashaariicdan khayriga ah. Sidaas darteed waxaanu ku boorinayaa qof kasta oo bilaadan ah in uu ka qayb qaato mashaaricda khayriga ah.

 

Ururka UHWA waxay ku rajo wayn tahay inay dhamaan caruurta degaan joogtaa ay hesho waxbarasho dhamaystiran oo ilaa heer dugsi sare ah ay ku helaan degaanka ay ku nool yihiin. Mustaqbalkana loo diro jaamacadaha dibada iyo gudahaba ku yaal iyagoo kharashkoodana ay UHWA  ka bixin doonto insha Allah. Ama ay xirfad shaqo u samayn doonto si marka ay caruurtaa qaan gaadhaan  u noqdaan dad is meel marin kara , kana soo baxa waajibkooda.

 

Dugsiga Sarre ee ALLAYBADAY:

Baahi weyn oo loo qabo dugsi saare, Ururkana Waxa uu masuul ka yahay hada 6 dugsi hoose iyo 3 dugsi hoose/dhexe, waxaana dhigta arday ku dhow 1300 arday, waxayna ku nool yihiin degaan 100 km2 ah, dhamaan arday hada wax dugsi sarre oo ay haystaan ma jiraan, sidaa awgeed layaa baahi weyn loo qabaa dugsi saree oo dagaanku yeesho

Gudida Guud ee dagaan joogta ayaa qiimay soo sameeyay, waxaan lagu qiyaasay in uu ku kacaayo dhismuhu: 132 150 $ USA Dollar, Lacagtaa waxaa loo baahan yahay sannadkan gudihiissa, qof kasta oo daneeya horemarinta waxbarashad caruurta wadanii jooga waxaa laga rabaa in uu ku deeqa lacag bar qudha uu bixiyo, si ay himilaasi noogu hirgasho.

 

 

Dhismaha la rabo in oo loo dhiso dugsiga Sarre ee Allaybaday waxa uu ka kooban yahay, 9 qol oo wax lagu barto, 8 qol oo xafiisyo iyo labab ah, labo qol oo libarery ah, hoolkii cuunta, 8 qol oo isku jira jiifkii hablaha iyo wiilasha, Musqulihii, garoonkii kubada, iyo dhamaan waxyaabihii dugsiga u baahan yahan.

 


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com