Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

5 Mashruuc ee soo socda ayuu Ururku hada Gacanta ku hayaa:

1. Dib u haybayta Goobaha waxbarashada:

Dhismihii Hore Dugsiga Hoose/Dhexe ee Allaybaday, kaas oo dib loo dhisay.

Dhismahay waxa uu ku dumay dagaaladii 80 aad ka dhawcay wadankiina.


2. Gunada/Mushaarada Acconka Guud ee Gunada Macalinta : D0518(Dahabshil, Hargeisa)

Acconku Guud oo dhamaan Macalimiinta Degmada wax ka dhiga qadhaan loogu ururiya ayaa laga furay, wadanki gudihiisa iyo dhamaan 15 wadan ee dadka deeqbixiyaashu joogaan.


3. Dhismaha Dugsiga Sare, Waa mushruuca ugu muhiimsan ee UHWA gacanta ku hayso

Dhismaha mustaqbal ee dugsiga Hoyga ee Magaalada ALLAYBADAY.

Dhaqaalaha Dugsiga ku baxaayaa waxaa bixinaaya Qurba joogta iyo dadka gudaha jooga, iyaga oo la gaashanaa, dawlada iyo hayda caalimida ee wax caaw.


4. Dugsiga dhexe ee Qodaalka (Xidhinta)

Dugsi Dhexe oo ay yeeshaan 5 dugsi hoosaad ee ku yaala Qodaalka hoose:

  1. Taysa

  2. Xidhinta

  3. Har Cadaad

  4. Geed Abeera

  5. Gees Dheere


5. Bassas arday lagu qaado:

 

Mashruuca u danbeeyaa waa

iyada oo Bus loo hello arday meelaha waxabarashadu ku jirto aad ugu fog..

Cidii tallo haysa arintaa.. waa ay soo jeedin kartaa.


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com