Waatan
warbixin dheer oo Faysal Cali Sheekh oo katiran wargaysa
Jumhuuriya uu ku eegayo xaalada waxbarasho, caafimaad
iyo mida nololeed ee afar degmo (Sallaxlay, Balaygubadle,
Farawayne iyo Allaybaday) oo katirsan
gobolka Hargeysa, kuna teedsan xadka isku xidha
Somaliland iyo Eithopia.
DEGMADA FARAWAYNE:
Axaddii toddobaadkan ee 21 May, 2006, abbaaro
2:00 duhurnimo ayaanu gaadhnay degmada
Faraweyne. Degmadaas oo uu hoos yimaaddo degaan
ballaadhan oo ah in ka badan 30 tuulo
waxa ka jirta abaar ba’an. Magaaladu ma laha biyo dhulka
hoostiisa laga soo saaray, waxaanay dhinaca biyaha ku
tiirsan tahay balliyo faro-ku-tiris ah, kuwaas oo
dhammaantood xilligaa madhnaa. Shacbiga ku dhaqan
degmada Faraweyne waxa ay ka cabbaan booyado biyaha ka
keena meelo kale. Ma jiraan roobab nacfi leh oo ka
da’ay, waxana xoolaha ku dhaqan degaankaas halakaysay
abaar ba’an, isla markaana waxa ay dadka iyo duunyada ku
dhaqan degaamada Faraweyne u baahan yihiin gurmad
deg-deg ah.
Degmada Faraweyne waxay ka arradan tahay dhammaan
adeegyada bulshada. Ma jiraan xafiisyo hay’adaha
dawladda dhexe ee Somaliland uga furan, marka laga reebo
kastamka maaliyadda iyo ganacsiga oo ku jira guri
sandaqad ah oo aan qalabaysnayn, waxana waqtigaa ku
sugnaa dhawr qof oo shaqaale ah.
Dakhliga kastam ka hor intii aan la joojin booyadaha
shidaalka, waxa maalintii soo 65 milyan Sl.Sh.
Haddana waxa ka soo xerooda maalintii ilaa 14
milyan.
Waxa jira saldhig Boolis oo ah guri cariish ah (Dergad)
dhinacyada ka daloosha. Ma jirto meel qof maxbuus ah
lagu xidho.
Shacbiga ku dhaqan degmada Faraweyne waa xoolo-dhaqato
reer-guuraa ah oo hadba dhinac u hayaama. Ma jiro
ganacsi muuqda oo ka jiraa, balse waxa jira dadweyne
xoolo-dhaqato ah oo ka kala yimaadda degaanada miyiga ah
ee ku dhow-dhow Faraweyne oo maalintii camira magaalada,
balse galabtii ka caraaba.?
Dhinaca maamulka dawliga ah waxay ka mid tahay
degmooyinka Somaliland ugu maamulka liita.
Guddoomiyihii, ku-xigeenkii iyo Xoghayihii dawladda
hoose ee degmadu midkoodna ma joogin Faraweyne waqtiga
aan safarka ku tegay. Waxa la ii sheegay in ay ku maqan
yihiin dhinaca caasimadda Hargeysa, isla markaana aanay
degmada saldhigin maalin wax ka badan. Dhammaan
adeegyadii iyo hawlihii dawladda hoose ee degmaduna
waxay u muuqdaan kuwo ragaadsan oo fadhiid ah.
Dhinaca caafimaadka, waxa ka furan degmada Faraweyne hal
MCH oo hal qof ka shaqeeyo.
Waxbarashada: guud ahaan waxa degmada ka dhisan 9 dugsi
oo ay wax ka bartaan 580 arday. Waxa ka
hawlgala 27 macallin, kuwaas oo ay afar
keliya Wasaaradda Waxbarashadu gunno siiso, balse
23-ka macallin ee kale waxba ma
qaataan. Gunno yar oo ay dawladda hoose siin jirtayna
may arag lixdii bilood ee u dambeeyey.
Degmada Faraweyne ma laha xarun lagu quudiyo ardayda (feeding
Center), taasina waxay keentay in arday badani
ka tagaan waxbarashada, iyaga oo qaarkood subaxdii
dugsiyada u soo lugeeya masaafo aan ka yarayn
10km.
Magaalada Faraweyne waxa ka dhisan hal dugsi oo
hoose/dhexe ah, kaas oo ay wax ku bartaan 86
arday. Waxa ka hawlgala laba macallin, waxaanu
qarka u saaran yahay in uu ku dumo ardayda wax ku hoos
barata, haddii aan dhakhso wax looga qaban. Waxa
dildillaacay inta badan gidaarada dhismaha dugsiga,
waxana soo daatay oo bilifoonadii fasalada. Waalidiinta
dhalay ardayda wax ku barataa dugsigaas iyo dadweynaha
reer Faraweynaba wadnaha ayey farta ku hayaan, iyaga oo
ka cabsi qaba in uu dhismaha dugsigu dhulka galo waqti
ay ardaydu ku gudo-jiraan saacadihii waxbarashada.
Mid ka mid ah waalidiinta ardayda wax ka barata dugsiga
hoose/dhexe ee degmada Faraweyne oo muujinayey dareenka
cabsida leh ee ay ka qabaan in dugsigu ku dumo ardayda
ayaa yidhi; “Waxaan ka baqayaa in uu dugsiga Faraweyne
uu noqdo qubuurihii carruurta, cid u soo socotaana ma
jirto.?
Xafiiska waxbarashada ee degmadu wuu xidhan yahay,
waxana hoos yaalla buugga diiwaangelinta (OB)
ee Booliska. Ma jirto madax u doodda, mana jirto dawlad
korneerta, marka laga reebo xilliga ololeyaasha
doorashooyinka oo ay codka dadweynaha u doontaan.
Isku soo wada duuboo, degmada Faraweyne waxay u muuqataa
meel la ilaaway oo xaalad qalafsan iyo duruuf adag ku
jirta.
DEGMADA ALLAYBADAY:
Inkasta oo ay Alleybaday ka mid ahayd magaalooyinkii ay
sida weyn u burburiyeen dagaaladii xoreynta Somaliland
ee ay xoogaggii SNM kula jireen
taliskii Siyaad Barre, ayaa haddana 15 sannadood kadib
waxay u muuqataa degmo ka soo kabatay haarihii burburka.
Waxa ku soo biiray dhismeyaal door ah.
Alleybaday waa degmo dadkeedu ka faaiidaysteen biyaha
roobabka.? Togga [biyo-fadhiisin] waxay ka xidheen ilaa
64 harro-biyood waaweyn oo ay ku
kaydiyaan biyaha, kuwaas is-daba-taxan qiyaas aan ka
yarayn 20km. Harrooyinkaas ka u yar
dhererkiisu yahay 500 mitir, ka u weynina 1200 mitir.
Balliyadaasi waa kuwo aan gu?iyo jiilaal badankooda
biyuhu ka dhammaan, dad iyo xoolabana laga cabbo, iyada
oo mulkiileyaasha harrahaasna uu ka soo galo dakhli xoog
leh. Waxana la ii sheegay in balliyadu marmarka qaar uu
ka soo baxo adduun gaadhaya 20,000
doollar sannadkii.
Biyaha kaydka ah waxay uga faaiidaystaan beerista
khudaarta kala duwan, taas oo ay hadda degmada
Alleybaday hodan ku tahay. Waxa la ii xaqiijiyey in
bilaha August, September iyo October maalin kasta laga
raro 270 saxaaradood
oo khudaar ah, maalmaha qaarkoodna laga raro 10 baabuur
oo midkiiba sido 10 ton oo rar ah,
iyada khudaartaas ganacsi ahaan loo geeyo magaalooyinka
Hargeysa iyo Gabiley.
Degmada Alleybaday waxa si fiican uga baxa Basasha nooca
cad oo aad u tayo fiican, taas oo kafayn karta guud
ahaan Somaliland oo dhan.
Dadka beeralayda ah ee ku dhaqan degmadu ma haystaan
dhiirigelin, waxana waqtiyada dallagoodu soo golaha
suuqyada ku cidhiidhya oo badhayse ka dhiga khudaarta ka
timaadda Itoobiya, Yemen iyo Soomaaliya.
Haddaba, Alleybaday oo haatan ku jirta xilli-roobaad
barwaaqo ah, marka aynu taariikhdeeda dib u jaleecno,
waxa aqalkii u horreeyey dhismihiisa la taagay sannadkii
1954.
Cumar Maxamed Iimaan, waa 80 jir, waana
odaygii ugu horreeyey ee udub ka qotomiya Alleybaday oo
aan la kulmay, ayaan weydiiyey xilligii u gurigaa dhisay
iyo dhulku sida uu ahaa waqtigaas, isaga oo taariikhdaa
ka sheekaynayana waxa uu yidhi; aqalkii u horreeyey
waxaan ka dhisay 51 sannadood ka hor, Nawriis Arbacaad.
Aqalka waxaan ka dhisay dergad dhinacyadu laban
[jaajuur] yihiin. Waxaan ku iibin jiray shaaha, caanaha,
timirta iyo hilibka. Labadii sannadood ee u horreeyey
siddeed guri ayey ahayd, sannadkii saddexaadna 20 aqal
ayaa lagu daray.?/
Oday Cumar waxa uu sheegay in degaanku xilligaa ahaa
dhul-xoolaad, hawd jiq ah, oo ay ku noolaayeen libaaxa,
goodirka, gorayada iyo garanuugta. sarkaal Ingiriis ah
ayaa na yidhi; waa dhulkii xoolaha ee ka daaya dhismaha,
waanuna ka diidnay,?ayuu yidhi Cumar Maxamuud.
Dhinaca kale, xilligii aanu gaadhnay Alleybaday waxaanu
xafiiskiisa ku kulanay Guddoomiyaha Degmada,
Xasan Cabdi Cali, waxaanu
nooga warramay xaaladaha maamul, waxbarasho iyo
nabadgelyo ee Alleybaday, isaga oo sheegay in ay degmada
ka furan yihiin 9 dugsi hoose/dhexe oo ay lacag-la’aan
wax kaga bartaan 504 arday,
macallimiinta ka hawlgalana uu midkiiba qaato bil kasta
$50, oo ay bixiyaan qurbo-joogga reer
Alleybaday, dawladda hoosena ay ka caawiso qayb
macallimiinta ka mid ah oo ay gunno siiyaan, shidaalka
iyo isku-xidhka hawlaha imtixaannada. Dugsiga
hoose/dhexe ee Sh. Axmed Qaalib ee degmaduna leeyahay
goob cunto loogu sameeyo ardayda (feeding center).
Dhinaca caafimaadka Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ay kor
u qaadeen adeegyada caafimaadka ee degmada, isla
markaana ay ka shaqeeyaan xarun caafimaad (Health Post),
oo ku taalla tuulada Waalid-xoor,
MCH tuulada Laaye, MCH Xidhinta
iyo MCH-ka Alleybaday.
Xasan Cabdi Cali, Waxa uu intaa ku
daray oo uu yidhi; Nabadgelyada dhulka Qadowga oo
xilliga gu’ga ugu badnaan jirtay waanu xallilay, labadii
qof ee dhul isku qabsadana waanu kala wareegnaa,
waxaanuna ka dhignaa dhul-daaqeen.?Waxa kale oo uu
sheegay in ay Dawladda Hoose ee Alleybaday gacanta ku
hayso dhismaha hool lagu qabto shirarka, isla markaana
ay dhowaan bilaabmayso dhismaha xarun weyn oo xoolaha
lagu tallaalo oo 4km ah, taas oo ay dawladda hoose
dhulka bixisay, dhismahana ay iska kaashadeen
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo hayadda
Qaramada Midoobay ee cuntada iyo beeraha (FAO).
Dhibaatada ugu badan ee degmada Alleybaday haystaa waxa
weeye dhinaca waddooyinka oo xilli-roobaadka uu istaago
isu-socodka gaadiidka. Inkasta oo waxoogaa ay bannaysay
dawladda hoose jidka isku xidha Arabsiyo
iyo Alleybaday, haddana waxtar ku filan
may noqon, waxaana jidkaasi dhibaato ku hayaa
isu-socodka degaanka.
La soco cadadka dambe qayb kale oo aad u xiiso badan oo
ka warramaysa xaaladda guud ee degmooyinka
Balligubadle iyo Sallaxlay
Jamhuuriya online