Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

 GUDOOMIYE KU XIGEENKA KOOWAAD EE GOLAHA WAKIILADA JSL OO SAFAR   KU YIMID DEG. ALLAYBADAY

Dib Unoqo

 

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha  Wakiilada Mudane C/casiis Muxumed  Samaale ayaa shalay safar  ku yimid Deg. Allaybaday,  taas oo dad waynaha Degmadu si aad u diiran ay u soo dhaweeyeen ,safarkan oo ahaa mid uu ugu kuur galayay inta ay leegatahay khasaariihii ay dhawaan Daadadku u gaysteen deegaanada Allaybaday.

Safarkan oo G/xigeenku ka soo bilaabay  tuulada Waaddi xoor, isaga oo gudoomiyuhu soo maray qaar badan oo ka mida Balayadii Daadadku baabiiyeen. sidoo kale mudane C/casiis wuxuu soo eegay guryo badan oo iyana khasaare badani soo gaadheen.

 Waxa kale oo gudoomiye G/ ku xigeenku kulamo layeeshay qaar kamida dadkii ay Balaydoodi ama guryahoodii daadku  khasaareha u gaystay,  intaa kadib waxa uu Mudane C/ casiis baaq u diray Hayadaha caalamiga ah ku wadaniga iyo cid kasta oo caawimo ama waxtar ka gaysan kartaa khasaarahaa soo gaadhay dadka deegaanka Allaybaday.

Waxa kale oo xusay deegankan Allaybaday dadkiisu ka faai’daytaan biyaha roobka kuwaasi oo ay u kaydin jireen balayadii uu daadku baabi’yay, balayadaasi, oo ay uga faaiidaysan jireen  beerista khudaarta kala duwan taasi oo ay degmadu caan ku tahay ama Hodan  wax soo saarka beeraha taas oo aanay hada jirin wax dalaga oo imika beerani isaga oo daadadkii qaadeen wixii hore loo beeray .wax soo saarka deegaan kan oo ahaa mid dabooli jiray baahiyaha  suuqyada dalka ee dhinaca khudaarta. Marar qaar koodna la gayn jiray dalalka jaarka ah.sidoo kale Mudane C/casiis waxa uu  xusay in nimco waliba nusqaan leedahay balse dadku  aanay  ku niyad jabin masiibadan dabiiciga ah balse wax soo saar kooda sii wadaan intii karaan kooda ah.

 

 

By: ISMAIL ABDI HILQAD

 

ALLAYBADAY, SOMALILAND

 

 

 

 

 


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com