Su’aal.
Marka hore bal warbixin
kooban naga sii taariikh-nololeedkaaga?.
Jawaab. Waxan ku dhashay meel uun ka mid ah dhulka somalida
xilli ku aaddan 1969. waxbarashada dugsi dhexe ilaa jaamacad
waxan ku qaatay Muqdisho.Machadkii maamul horumarinta iyo
maamraynta ee SIDAM ayaan ku qaatay waxbarsho xisaabaadka
iyo maamulka ah. Markii goor barqo lagu kala yaacay Xamar
ayaan sidii cid walba ku dhacday dib ugu soo laabtay
degaankii la ii tirinayey. Xerada qaxootiga ee Harta-sheikh
iyo tuulada Durya ayaan ka bilaabay nolol hor leh .
sannadkii 1993kii ayaan waxbarasho kale u tegay Jaamacadda
Addis Ababa, kuma raagine badhtamihii 1994kii ayaan dib ugu
laabtay Hargeysa halkaas oo haddana inkastoo noloshu adkayd
aan ugu dambayn qodimada ku aastay ilaa maantana aan
degganahay.
Shaqooyinkaygu waxay u badnaayeen dhinaca hay’adaha
caalamiga ah laga soo bilaabo 1996 ilaa 2007, sidoo kale
waxan waqti ku qaadan jiray dhinaca qoraallada sheekooyinka
gaagaaban iyo qormooyin taxane ah oo kuu soo bixi jiray
wargeysyada Xorriya, Jamhuuriya,, Codka Hargeysa, Dhambaal
iyo Maandeeq.waxan kale oo aan isla muddadaas ahaa macallin
xisaabaadka iyo iyo maamulka ka dhiga machaddada RSIDAM,
AIDAM iyo Jaamacadda Hargeysa.Dhinac waxan ka ahaa arday oo
waxbarasho xagga maamulka ah MBA ayaan ku diyaariyey aqoon
dirsad sannadkii 2004. Labadii sano ee ugu dambeeyey waxan u
baydhay jaad kale oo waxbarasho dhinaca maamul wanaagga iyo
nabadaynta ah taasoo aan fursad u helay inaan koorsooyin
gaagaaban ku soo qaato waddamada Ghana, Switzerland iyo
Sweden.Runtii waa waxbarasho aan aad u xiiseeyo ilaa maanta
aan ku dhex jiro taasoo malahayga ay iigu wacan tahay waqti
badan oo noloshayda ka mid ah oo aan ku soo qaatay duruufo
colaadeed,qaxooti iyo barakac iga helay gobolkan geeska
Afrika.
Su’aal. Marka laga reebo buuggii la magacbaxay
“Sirta Guurka” ma jiraan buugaag kale oo aad soo saartay?
Jawaab. Waxa jiray buugaag yaryar oo
inkastoo xajmigoodu koobnaa haddana xilligoodii aad loo
akhrisan jiray. Waxa ka mid ahaa buuggii iigu horreeyey
Qalbi Lula, waxa xigay Jacaylkii shanta qaaradood, Maad
Barane ha u bogin, iyo Ninkii helaa nasiib leh
Su’aal. Goorma ayaa kuugu horreysay oo aad dareentay
inaad xiisaynayso soo saaridda buug?
Jawaab. Ilaa markii aan ku jiray dugsiga
dhexe xiisaha qoraalku wuu igu sugnaa, anigoo dugsi dhexe
dhigta ayaan ururin jiray sheekooyinka soomaalida, qori
jiray oo niyadda ka rabi jiray sidii buug qoraal ahi uga soo
bixi lahaa iskuna deyey inaan dad badan u bandhigo.. ugu
dambayn sannadkii 1987kii ayey ii suuro gashay inaan soo
bandhigo buuggii iigu horreeyey oo ahaa sheeko la odhan
jiray Qalbi Lula, inkastoo uu ahaa buug aad u kooban haddana
wuxu ahaa mid dhallinyaradu aad u akhristo, dabeeto waxa ii
suuro gashay inaan qoraallo ku biiriyo bog toddobaadle ahaa
oo wargeyskii xiddigta Oktoobar. Buuggaas oo magaciisu ahaa
Cilmiga iyo Nolosha waxa uu ii fududeeyey ninkii boggaa
diyaarin jiray C/qaaadir M wacays .
Su’aal. Inta badan dadka wax qoraa waxay ku kala
duwanyihiin xiisaha iyo rabitaankooda. Hadaba adigu Xasan
ahaan dhinacee ayaad isleedahay waad xiisaysaa oo aad
jeceshay inaad wax ka qorto.
Jawaab. Xiisuhu ma yara, awoodduse ma
weyna; Dhinacyada arrimaha bulshada, dhaqanka, dhaqaalaha
iyo siyaasadda
Su’aal. In badan ayaa lagu arkaa wargeysyada iyo
mareegaha Internetka, qoraallo aad qortay oo xanbaarsan
sheekooyin kooban oo sarbeeban aad na u xiise badan.
Sheekooyinkaasi, ma waxay ka dhashaan kolba dareenka aad la
kulanto? Mise waa sheeko aad adigu iska Alifto?
Jawaab. Qoraalladaasi runtii waa kuwo ku
qotoma dareenka markaa taagan, shalay taagnaa, berrina
taagnaan doona haddii aan lala iman dadaalkii wax lagaga
qaban lahaa xaaladdaa iyada ah. Waxan ka xusuusan karaa
sheeko gaaban oo sannadkii 1995kii ku soo baxday wargeyskii
Xorriya ee magaalada Hargeysa, sheekadaasi runtii waxay
yeelatay saamayn ka badan tii aan ka filayey.
Sheekadaas oo magaceedu ahaa Qalinshubato, aniguna aan ku
sigtay inay naanaysba ii noqoto waa mid ilaa maantadan dadku
i weydiiyo. Waxay dadka u gufaysay fooggo siyaasadeed oo ku
bannaanaa ilaa maantana ay dareemayaan inay ku baan tahay.
Su’aal. Ma jiraa qoraa soomaaliyeed oo aad
xiiseyso buugaagtiisa/buuggiisa ama sheekooyin uu qoray?
Haddii uu jiro bal faahfaahin naga sii waxyaabaha aad ku
jeclaysatay.
Jawaab. Haa. Way jiraan. Waan xiiseeyaa
dhammaantood sabatoo ah way yar yihiin qorayaasha Somalidu,
heer la kala doortona may gaadhin, mid kasta qalinka
waraaqda isa saaraana wuxu qayb ka soo qufaa qaniimadda af
soomaaliga ee dihin, hadiise laga tegi waayo buuggii Adeegto
aad baan u jeclaa mase xasuusto qoraagii oo xilli hore ayey
ahayd…waxan sidoo kale aad u jeclaan jiray buug sheeko ah oo
uu qoray Cabdullahi Abuukar Busuri, buuggaas oo magaciisu
ahaa FILAN WAA….waxa kale oo aan aad u jecelahay C/raxmaan
Barwaaqo oo qoraalladiisu yihiin soomaali badhax la’, waa
macallin laga baran karo af soomaaliga.
Su’aal. markii uu soo baxay buuggii aad qortay ee
Sirta Guurka, ee la akhristay maxaad ka dareentay
falcelintii dadkii akhristay? Miyey jeclaysteen? Mise
dareeno kala duwan ayaa laga qaatay. Bal wax nooga sheeg
guud ahaan siday u arkeen dadkii akhristay buuggaa?
Jawaab. Aragtida meesha taallay waxay
ahayd in dad badani u haysteen in buugga loogu talo galay
dadka aan weli guursan ama ku jira qalqaalo guur halka dhab
ahaan aan ugu talo galay labada qolaba gaar ahaan dadka
guryaha leh sababtoo ah way fududahay in la guursado laakiin
in guurka laga dhigo mid nagaadi oo waara waa arrin u baahan
fiiro iyo feejignaan gaar ah…. halkaas bay ahayd halka
xoogga aan saarayey.. dad badan oo aan la kulmay ama
warkooda helay waxay ahaayeen kuwo kol iyo lababa ku
guuldarraystay guurka, waxay badankoodu qireen in waxyaabo
loo adkaysan kari lahaa dhaliyeen burburka qoyskooda..
Abbaarta buuggu waxay ahayd sidii lammaanuhu ugu guulaysan
lahaayeen jiritaanka guur nagaadi. Waxa inta badan ii soo
baxday in dadka akhriyey ahaayeen dhallinyaro aan guursan oo
dadka xaaslaydu dareemayeen in buugga loogu talo galay
dhallinyarada.
Source: Ururka Qoraaga Somaliland
(www.qoraaga.com)