Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

 

Dib Unoqo

WARAYSI DHINACYO BADAN OO LALA YEESHAY QORAAGA XASAN CABDI MADAR
April 20, 2007 - 09:21 AM by hargeysa


News


Su’aal.

Marka hore bal warbixin kooban naga sii taariikh-nololeedkaaga?.

Jawaab.  Waxan ku dhashay meel uun ka mid ah dhulka somalida xilli ku aaddan 1969. waxbarashada dugsi dhexe ilaa jaamacad waxan ku qaatay Muqdisho.Machadkii maamul horumarinta iyo maamraynta ee SIDAM ayaan ku qaatay waxbarsho xisaabaadka iyo maamulka ah. Markii goor barqo lagu kala yaacay Xamar ayaan sidii cid walba ku dhacday dib ugu soo laabtay degaankii la ii tirinayey. Xerada qaxootiga ee Harta-sheikh iyo tuulada Durya ayaan ka bilaabay nolol hor leh . sannadkii 1993kii ayaan waxbarasho kale u tegay Jaamacadda Addis Ababa, kuma raagine badhtamihii 1994kii ayaan dib ugu laabtay Hargeysa halkaas oo haddana inkastoo noloshu adkayd aan ugu dambayn qodimada ku aastay ilaa maantana aan degganahay.


Shaqooyinkaygu waxay u badnaayeen dhinaca hay’adaha caalamiga ah laga soo bilaabo 1996 ilaa 2007, sidoo kale waxan waqti ku qaadan jiray dhinaca qoraallada sheekooyinka gaagaaban iyo qormooyin taxane ah oo kuu soo bixi jiray wargeysyada Xorriya, Jamhuuriya,, Codka Hargeysa, Dhambaal iyo Maandeeq.waxan kale oo aan isla muddadaas ahaa macallin xisaabaadka iyo iyo maamulka ka dhiga machaddada RSIDAM, AIDAM iyo Jaamacadda Hargeysa.Dhinac waxan ka ahaa arday oo waxbarasho xagga maamulka ah MBA ayaan ku diyaariyey aqoon dirsad sannadkii 2004. Labadii sano ee ugu dambeeyey waxan u baydhay jaad kale oo waxbarasho dhinaca maamul wanaagga iyo nabadaynta ah taasoo aan fursad u helay inaan koorsooyin gaagaaban ku soo qaato waddamada Ghana, Switzerland iyo Sweden.Runtii waa waxbarasho aan aad u xiiseeyo ilaa maanta aan ku dhex jiro taasoo malahayga ay iigu wacan tahay waqti badan oo noloshayda ka mid ah oo aan ku soo qaatay duruufo colaadeed,qaxooti iyo barakac iga helay gobolkan geeska Afrika.

Su’aal. Marka laga reebo buuggii la magacbaxay “Sirta Guurka” ma jiraan buugaag kale oo aad soo saartay?

Jawaab. Waxa jiray buugaag yaryar oo inkastoo xajmigoodu koobnaa haddana xilligoodii aad loo akhrisan jiray. Waxa ka mid ahaa buuggii iigu horreeyey Qalbi Lula, waxa xigay Jacaylkii shanta qaaradood, Maad Barane ha u bogin, iyo Ninkii helaa nasiib leh

Su’aal. Goorma ayaa kuugu horreysay oo aad dareentay inaad xiisaynayso soo saaridda buug?

Jawaab. Ilaa markii aan ku jiray dugsiga dhexe xiisaha qoraalku wuu igu sugnaa, anigoo dugsi dhexe dhigta ayaan ururin jiray sheekooyinka soomaalida, qori jiray oo niyadda ka rabi jiray sidii buug qoraal ahi uga soo bixi lahaa iskuna deyey inaan dad badan u bandhigo.. ugu dambayn sannadkii 1987kii ayey ii suuro gashay inaan soo bandhigo buuggii iigu horreeyey oo ahaa sheeko la odhan jiray Qalbi Lula, inkastoo uu ahaa buug aad u kooban haddana wuxu ahaa mid dhallinyaradu aad u akhristo, dabeeto waxa ii suuro gashay inaan qoraallo ku biiriyo bog toddobaadle ahaa oo wargeyskii xiddigta Oktoobar. Buuggaas oo magaciisu ahaa Cilmiga iyo Nolosha waxa uu ii fududeeyey ninkii boggaa diyaarin jiray C/qaaadir M wacays .

Su’aal. Inta badan dadka wax qoraa waxay ku kala duwanyihiin xiisaha iyo rabitaankooda. Hadaba adigu Xasan ahaan dhinacee ayaad isleedahay waad xiisaysaa oo aad jeceshay inaad wax ka qorto.

Jawaab. Xiisuhu ma yara, awoodduse ma weyna; Dhinacyada arrimaha bulshada, dhaqanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda

Su’aal. In badan ayaa lagu arkaa wargeysyada iyo mareegaha Internetka, qoraallo aad qortay oo xanbaarsan sheekooyin kooban oo sarbeeban aad na u xiise badan. Sheekooyinkaasi, ma waxay ka dhashaan kolba dareenka aad la kulanto? Mise waa sheeko aad adigu iska Alifto?

Jawaab. Qoraalladaasi runtii waa kuwo ku qotoma dareenka markaa taagan, shalay taagnaa, berrina taagnaan doona haddii aan lala iman dadaalkii wax lagaga qaban lahaa xaaladdaa iyada ah. Waxan ka xusuusan karaa sheeko gaaban oo sannadkii 1995kii ku soo baxday wargeyskii Xorriya ee magaalada Hargeysa, sheekadaasi runtii waxay yeelatay saamayn ka badan tii aan ka filayey.

Sheekadaas oo magaceedu ahaa Qalinshubato, aniguna aan ku sigtay inay naanaysba ii noqoto waa mid ilaa maantadan dadku i weydiiyo. Waxay dadka u gufaysay fooggo siyaasadeed oo ku bannaanaa ilaa maantana ay dareemayaan inay ku baan tahay.

Su’aal. Ma jiraa qoraa soomaaliyeed oo aad xiiseyso buugaagtiisa/buuggiisa ama sheekooyin uu qoray? Haddii uu jiro bal faahfaahin naga sii waxyaabaha aad ku jeclaysatay.

Jawaab. Haa. Way jiraan. Waan xiiseeyaa dhammaantood sabatoo ah way yar yihiin qorayaasha Somalidu, heer la kala doortona may gaadhin, mid kasta qalinka waraaqda isa saaraana wuxu qayb ka soo qufaa qaniimadda af soomaaliga ee dihin, hadiise laga tegi waayo buuggii Adeegto aad baan u jeclaa mase xasuusto qoraagii oo xilli hore ayey ahayd…waxan sidoo kale aad u jeclaan jiray buug sheeko ah oo uu qoray Cabdullahi Abuukar Busuri, buuggaas oo magaciisu ahaa FILAN WAA….waxa kale oo aan aad u jecelahay C/raxmaan Barwaaqo oo qoraalladiisu yihiin soomaali badhax la’, waa macallin laga baran karo af soomaaliga.

Su’aal. markii uu soo baxay buuggii aad qortay ee Sirta Guurka, ee la akhristay maxaad ka dareentay falcelintii dadkii akhristay? Miyey jeclaysteen? Mise dareeno kala duwan ayaa laga qaatay. Bal wax nooga sheeg guud ahaan siday u arkeen dadkii akhristay buuggaa?

Jawaab. Aragtida meesha taallay waxay ahayd in dad badani u haysteen in buugga loogu talo galay dadka aan weli guursan ama ku jira qalqaalo guur halka dhab ahaan aan ugu talo galay labada qolaba gaar ahaan dadka guryaha leh sababtoo ah way fududahay in la guursado laakiin in guurka laga dhigo mid nagaadi oo waara waa arrin u baahan fiiro iyo feejignaan gaar ah…. halkaas bay ahayd halka xoogga aan saarayey.. dad badan oo aan la kulmay ama warkooda helay waxay ahaayeen kuwo kol iyo lababa ku guuldarraystay guurka, waxay badankoodu qireen in waxyaabo loo adkaysan kari lahaa dhaliyeen burburka qoyskooda.. Abbaarta buuggu waxay ahayd sidii lammaanuhu ugu guulaysan lahaayeen jiritaanka guur nagaadi. Waxa inta badan ii soo baxday in dadka akhriyey ahaayeen dhallinyaro aan guursan oo dadka xaaslaydu dareemayeen in buugga loogu talo galay dhallinyarada.

Source: Ururka Qoraaga Somaliland (www.qoraaga.com)


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com