Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

Sagaal kamid ah Hay'adah ah iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha A.Gudaha, Maaliyada,Qorshaynta iyo A.Qoyska oo xaalad qiimayn ah utagay Degmada Allaybaday

Dib Unoqo

 Wafti balaadhan oo usugu jira Hay'daha Calami ah ee kusugan Casimada Somaliland ee
Hargeysa iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha Arimaha Gudaha, Maaliyada,Qorshaynta iyo
Arimaha Qoyska oo ayaa maalintii shalay gaadhay Degmada Allaybaday. Ujeedada
Waftiga ayaa ahayd kadib markii roobab waawayn oo maalmihii lasoo dhaafay kada'ayay
Degmada Allaybaday ay khasaare balaadhan ugaysteen dhul beereed iyo haro biyood
fara badan.
  
  Waftiga oo isu qaybiyay sadex kooxood; Koox dhinaca bariga soo qiimaysay iyo koox
kale oo galbeedka baadhitaan kale kusamaysay iyo koox kale oo magaalada dhexdeeda
khasaarihii kadhacay ukuur gashay. Waftiga oo isla maanta soo gaba gabeeyay
qiimayntooda ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, Waxaanay sheegeen inay
inta badan Harihii iyo Dalagii kala duwanaa ay qaadeen daadadkii roobku, isla
markaana khasaare badan uu roobku ugaystay magaalada gudaheeda. Waxaana ay intaas
kudareen in sida ugu dhakhsaha badan leh ay Degmada Allaybaday gargaar deg deg ah
ugu diri doonaan.
  
  Qaylo dhaantan ayaa kadambaysay, markii maalintii doraad uu Maayar Degmada
Allaybaday Mudane Xasan Cabdi Cali qaylo dhaan udiray Dawlada Somaliland iyo
Ha'adaha Caalamiga ahi sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen

Khasaarada baaxada leh
ee degmada kasoo gaadhay Roobabkii waawaynaa ee degmada kada'ay. Khasaaraha
roobabku gaysteen ayaa lagu sheegay in Harro biyood kabadan 70 harood uu roobku
jabiyay, sidoo kalena uu qaatay beero ay kabaxayeen khudaarta noocyadeeda kala
duwan.
  
   
                          

 

Mr: ISMAIL ABDI MOHUMED

Degmada ALLAYBADAY ,          SOMALILAND


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com

 

Webmaster: Fred Hayes