|
llay-baday (Haatuf): Magaalada Allaybaday waxay ka mid tahay
meelaha sannadihii u dambeeyey ka dalacay heerkii tuulanimo, una
dalacay heer degmonimo, waxayna Allaybaday markii ugu horaysay u
dabaal-degtay curashadeedii degmonimadeeda Febarweri12, 2002,
maalntaas oo ku weyn xusuusta dadka reer Allaybaday, laakiin
marka laga soo bilaabo tan iyo maalintaa waxa magaalada
Allaybaday ka muuqda isbedel.
Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay Maxamed Xasan ayaa khamiistii
toddobaadkii ina dhaafay warbixin nooga soo diray guud ahaan
xaaladda Allaybaday, gaar ahaana muuqaalka maalmihii u
dambeeyey, waana tan warbixintii oo aanu soo koobnay:
”Marka aad eegto muuqaalka guud ee magaalada Allaybaday waxa ku
yaal dhismayaal tiro badan, isla markaana uu muuqaalkoodu qurux
badan yahay, kuwaas oo u badan meherado ganacsi, sida Bakhaaro,
makhaayado, Kaalmo Shidaal iyo weliba xarumo isgaadhsiineed oo
dhowaan ku soo kordhay, sida Telesom, isla markaana waxa ku taal
saylad ganacsi oo xoolaha nool lagu kala iibsado. Hawl-wadeen ka
tirsan dawladda hoose ee Allaybaday ayaa ii sheegay in tiro koob
ay ku sameeyeen dhismayaasha dadweynaha ay noqdeen ilaa 896
guri.
Dhinaca kalena laga soo bilaabo tan iyo markii ay dawladda
Itoobiya xidhay ganacsiga xuduudaha ee u dhexeeya Somaliland iyo
Itoobiya waxa magaalada Allaybaday ka muuqday dhaqdhaqaaq cusub
oo dhinaca ganacsiga ah.
Kooxo dadka ganacsatada ah ayaa maalmihii ina dhaafay bilaabay
inay dhismaayal ganacsi ka kiraystaan Allaybaday, sidoo kale
waxa magaalada Allaybada, taasina waxay cirka kuu shareertay
qiimaha lagu kiraysto bakhaarada iyo meheradaha kale ee
ganacsiga.
Waxa maalmahan soo gelayey gaadiid sida badeecado ganacsi,
kuwaas oo la sheegay inay ka kala yimaadeen furdadaha Berbera
iyo Boosaaso, waxayna baabuurtaasi rarkii ay sideen ku rogeen
Bakhaarada Allaybaday.
Dadka socotada ah ee Magaalada Hargeysa iyo nawaaxideeda uga
safra dhinaca Itoobiya iyo kuwa dhinaca Itoobiya ka imanayaba
waxa uu markii hore intii aanay dawladda Itoobiya xadka xidhin
marinka ugu weyn ee ay ka gdu-bi jireen waxa uu ahaa
Harta-sheekha, laakiin inkasta oo aanay taasi ilaa hadda ahayn
mid shaac-baxsan, hadana magaalada Allaybaday waxay maalmahan u
muuqataa marinka cusub ee ay dadku isaga gudbaan.
Dadka ka imanaya dhinaca kililka 5aad oo aan qaar ka mid ah la
sheekaystay ayaa ii sheegay in ciidanka Itoobiyaanka ah ee
xuduudka fadhiyaa ay u sheegeen in qofkii doonaya inuu ka
shaqaysto xuduudda labada dal u dhexaysa uu soo samaysto ruqsad
ganaci (Liisan), waxayna sheegeen inay ruqsadaasi ku kacayso
3000 oo lacagta (Birr)Itoobiya ah. Laakiin gabadh ka mid ah
dadka ku nool xerada qaxootiga ee Dul-cad (Bariga Itoobiya) oo
aan kula kulmay Allaybaday ayaa werwer badan ka muujisay
xaaladda isu socodka labada dhinac (Somaliland & Itoobiya),
waxayna, iyadoo ka waramaysa waxa ay kala kulantay xadka markii
ay dhinaca Itoobiya ka soo socotey tidhi “Markii aanu
Harta-sheekha Baska ka soo raacaynay kaantarool dhexda ku yaal
oo ay joogeen ciidamo Itoobiyaan ahi ayaa nalagu joojiyey,
waxayna na waydiiyeen Waraaqo aqoonsi, dabadeedna waxaan u
sheegay inaan ahay qaxooti, laakiin waxay askartii ii sheegeen
inaanan dib ugu soo noqon aniga oo Mustawaqe (Taysaro
Itoobiyaan) sita mooyaane”.
“Dawladda Itoobiya waxay dalkeeda kala dagaalamaysaa
koontarabaanka, waxaadna arkaysaa baabuur aan lambar lahayn oo
buug lahayn Itoobiya gelaysa, taasna way ka fajaceen”sidaa waxa
yidhi Maxamed Samaale Ducaale oo ka mid ah odayaasha Allaybaday
oo tilmaamaya sida uu u arko xidhitaanka xuduudka.
Dhinaca kalena masuuliyiinta maamulka Allaybaday ayaa
toddobaadkii hore kulamo la yeeshay saraakiisha ciidanka
Itoobiya ee xuduudaha fadhiya, waxaana la sheegay inay labada
dhinac ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen
dhaqdhaqaaqa isu socodka labada dhinac.
Xigasho: Haatuf News.
|