Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

Allaybaday oo aad looga dabaal degay ka dib markii ay noqdaan degmo cusub.

Dib Unoqo

 

 
Xaflad balaadhan oo loogu dabaal dagayay degmada cusub ee Allaybaday ayaa shalay lagu qabtay fagaare ku yaal degmadaa isla markaan waxa xafiiskii u horeeyay ka furtay ururka siyaasaded ee UDUB. Xafladan oo mudaba la diyaarinayay ahaydna mid li weyn looga soo shaqeeyay ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin xukumada ka socday xildhibaano wakiilada iyo guurtida ka socday ururada siyaasada qaar ka mid ah wallow laga reebay oo aan lagu marti qaadin ururada siyasada ee SAHAN iyo ASAD.

Wasiir ku xigeeenka Wasaarada Kaluumaysiga oo halkaa ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadnaqay Madaxweyne Cigaal, ku xigeenkiisa Riyaale iyo Wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland.

   Suldaan Axmed Nuur Samaale oo ah suldaanka Beesha Allaybaday oo halkaa ka hadlay ayaa u sheegay madaxdhaqameedyada xafladan ka soo qayb galay inay u sheegaan Beelaha ay madaxda u yihiin isku tashiga iyo wada shaqeynta inay danta guud ku jirto taasoo Bulshada u horseedi doonta horumar iyo nolol caafimaad qabta. Isagoo Suldaanku sheegaya horumarka ay Allaybaday gaadhay ee ka dhigay maanta degmo iskeed isku maamusha waxa uu farta ku fiiqay Baliyada waaweyn ee Deegaankaa laga hir galiyay, kuwaaso laga waraabiyo Beeraha iyo khudaarta, Suldaanka oo yara milicsaday dhinaca siyaasadda ayaa wuxuu yidhi "Aniga iyo Suldaanada aanu isku aragtidanahay waxaanu u aragnaa SAHAN iyo ASAD inay dadka dib u celin iyo qax ku wadaan", Suldaanku waxa kale oo uu sheegay inay dhamaan ururada siyaasada ku marti qadeen xafladda marka laga reebo labadaa urur siyaasadeed ee SAHAN iyo ASAD. Waxa isna halkaa ka hadlay Suldaan Cabdiraxmaan Sh. Muxumed oo yidhi " Muddo badan ayaad xiiqsanaydeen oo aad lahaydeen Allaybaday waa degmo waana dalkiiniiye sidaad u gashaan ayaanu eegi doonaa".

 Waxa isna halkaa ka hadlay Xaaji Cabdi Waraabe oo ka mid ahaa marti sharaftii lagu casuumay xafladan reer Allaybaday qiimaha weyn ugu fadhidda ayaa sheegay in Suldaanada iyo Siyaasiyiinta loo ogaa wacyi gelin balse buu yidhi ay mushkilad tahay haddii ay iyaguu noqdaan kuwo wacdi u baahan. Xaflkadan reer Allaybaday waxay degmadan cusub ugu wanqaleen 12 neef oo Geel ah iyo 30 neef oo Adhi ah iyadoo sidii dhaqanka ahaydna ay 5 Faras ku gaaf wareegayeen Madashii ay xafladu ka socotay.

Waxa ugu damabyn xafladaa ka hadlay Xoghayaha ururka UDUB Cabdi Aw Daahir oo noqday ururkii ugu horeeyay ee xafiis ka furta Allaybaday oo degmo loo aqoonsadey, waxa isna halkaa hadal ka jeediyay Xoghayaha Guud ee UCID Mr. Axmed Muuse Geedi (Sanjab).

 Xigasho: UCID

 

 

   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com