Waraysigii Bakaal
Iyo Waraysi aan la yeeshay Maamulaha dugsiga H/Dhexe ee
Allaybaday,
Cabdi Aw
Axmed
|

Dhismihii Dugsiga
Hoose/Dhexe Allaybaday |
Waraysi:
Su’al: Maamule
marka hore waxa aad tiro koob naga siisaa tirade ardayda
dhigata D/H/DHexe? Imisa ayaa hablo ah Imisa ayaa wiilal ah?
J. Tirada guud ee ardayda
dhigata dusiga H/Dhexe waa 300 oo arday, Waxa hablo ah 97
hablood, Wiilala 203 wiil.
Su’al:
Imisa macalin ayaa dhiga? Magacyada maclimiinta oo
sadexan ii sheeg?
J. Waxa dhiga dugsiga 8
macalin iyo macalimad dhigta dhinaca NRCda magacyadooduna
waa siddan:-
Maamule. Cabdi aw Axmed Xasan
Foosiya sh. Aadan Aamin
Axmedqani sh. Muxumed
Ismaaciil Xasan Liibaan
C/raxmaan Sh C/laahi Aw gab
Cabdi Aw Maxamed Ismacil
Axmedyaasiin Maxmed Daauud.
Maxamed Axmed Cige
Farxiya Maxamed Daauud (NRCda)
Su’al: Xaalada iskuulka ka
waran?
J. Xaalada iskuulku aad ayay
u fiican tahay,Marka loo eego xiliyaddii hore, Xag
Macalimiineed & hanaanka Waxbarasha taasi oo ay ugu wacan
tahay Gunada ay Macaliintu hesho. Taasi oo Macalinka lala
xisaabtami karo marka lasiiyo gunno taasi ayaa wax wayn ka
badashay hanaankii waxbarasha ee iskuulka iyo Guddida
guddaha oo iyana Kormeer dheeraada ku haya hawlaha iskuulka
ayaa iyana wax wayn ka badalay xaalada iskuulka.
Su’al: Macalimiinta ayaa Mushaarka siiya?
J. Macalimiinta waxa Mushaarka
siiya Jaaliyada dibada ee kasoo jeeda degmadan,
Marka laga reebo hal macalin oo wasaarada
Waxbarashadu siiso mushaarka kaasi oo qaatana gunada
jaaliyadana. Ayuun baa ka gunaysan Wasaarada
Waxbarasaha inta kale waxba ka qaataan
W/Waxbaraashada.
Su’al: Taariikhda iskuulka wax nooga sheeg.?
J. Iskuulkan Allaybaday wuxuu
leeyahay taariikh dheer,hadaba waxa aan wax ka odhan doonaa
wixii ka dambeeyay 1988kii . Iskuulku wuxuu burburay
1998kii.burburay kadib waxa dib loo dhisay afar fasal iyo
hal xafiis oo ka mida Iskuulka 1993 kii. Kaasi oo ay dhistay
UNDP. Waxa marlabaad la dhisay qaybtii labaad ee Iskuulka
oo ahayd afar fasal iyo hal xafiis iyana sanadkii
2002.Waxa kale oo la dhisay Hall iyo kitchen loogutalagay in
ay ardaydu wax ku cunto,Taasi oo ay dhistay NRC.
Raashiinkana ay bixiso WFP.Iskuulka guud ahaan waa
siddaasi.
Su’al: Maamule waxa aad nooga
warantaa Baahiyaha ugu way nee Iskuulka haysta?
J. Baahiyaha ugu way nee
Iskuulka haysta waa siddan:-
Dayr malaha Iskuulku markaa
dayr aad buu ugu baahan yahay, Si uu uga difaaco
dadka iyo
xoolaha.
Dhismihii hore
ee schoolka oo u baahan dib udhis ( repairing) in lagu
sameeyo.
Waxa kale oo aanu baahan ahay wax yaabaha fududeeya
Imtixaanaadka ardayda, Sidda Computer iyo Photo
coppy.
Iyo
Buugaagta englishda oo ka kooban grade one ilaa grade
8. waayo buugaagtaasi mahelo. Oo English ah.
Su’al: Dadka deegaanka wax
Caawima ah ma ka helaa Iskuulku?
J. Iskuulku wax Caawima ah ka
mahelo dadka deegaanka.
Su’al:
Dawlad iyo D/HOOSE Wax
Caawima ah ma ka helaa Iskuulku?
J. Dawlada oo ah Wasaarada
Waxbarashada waxa aanu ka helaan agabka waxbarashada ee
loogu talagalay dhamaan iskuulada Somaliland.D/Hoose waxa
jirtay wakhti ay bixin jirtay gunada Macalimiinta, Laakiin
imika waxa aanu ka helaa oo ay bixisaa biyaha cuntada loogu
kariyo ardayda iyo khudrada loogu daro cuntadaasi intaasi
ayaanu Caawimo ka helaa D/H ee allaybaday.
Su’al:
Lacag ardayda maad ka
qaadaan?
J. Maya hada, waxaanu ardayda
lacag waxa aanu ka qaadi jirnay inta dhaqaale ahaan iska
bixin karaysa lacagtaas oo dhan 7000 s/l shilling una
dhiganta =$1
Taasi oo aanu ku caawin
jirnay kolba Macalinkii dhibaataysan,kuwa aan waxba ahaysan
waxba kama aanu qaadi jirin, se hada siday jaaliyad gunada
noogu bilowda waxba kama qaadno.
Su’al:
Jaaliyaddii
dibadu waxa ay u dabaal dagayaan sanad guuradii koowaad
markaa maxaa usoo jeedin lahayd?
J. Marka hore waxa aan u
dirayaa salaam qaaliya. Mar labaad mahad naq aan lasoo
koobi Karin ayaan u dirayaa waxa aan leeyahay runtii wax
wayn baad u qabteen deegaankeena markaa waxaan idin lee
yahay sii libin laaba dadaalkiina oo sanadkaa sanadkiisa
haddii ilaahay yidhaahdo waa in aynu gaadhnaa hormar ka
balaadhan ka manta aynu gaadhnay.
Wariye: Ismail Abdi Hilqad
Allaybaday
Wariya Ururka Horemarinta
Waxbarashada ee Deg. ALLAYBADAY
Allaybaday, Degmad Allaybaday
Gobolka Hargeisa
Somaliland