Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

BADHASAABKA CUSUB EE GOBOLKA GABILAY  AYAA SHALAY GALAB SOO GAADHAY MAGAALADA ALLAYBADAY. 29.July.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Waxa shalay galab soo gaadhay Magaalada Allaybaday Wafti balaadhan oo uu hor kacaayay Wasiiru dawlaha Hawlaha Guud Md.Aadan Ruush,waftigaa ayaa ay ka mid ahaa yeen Badhasaabka cusub ee Gobolka Gabiley iyo Badhasaabaka Gobolka Maroodi Jeex, cuqaal,xildhibaano  iyo Madax kale.

Hadaba waxa uu waftigaasi xalay u dhaxay magaalada Allaybaday saaka subaxnimadiina waxa ay Fagaaraha Khayriyada Allaybaday kula kulmeen dadwaynaha reer allaybaday oo si diiran uso dhaweeyay waftigaasi,Wafti oo halkaasi qudbado uga jeediyeen dadwaynihii isugu soo baxay fagaarahaasi,

Horayna waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Mr. Xasab Shahar oo ka waramay xaalada guud ee Degmada Allaybaday.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay badhasaabka Gobolka Maroodi jeex Mr.Cali Asad oo ugu horayn mahad usoo jeediyey dadwaynaha ku dhaqan Degmada Allaybaday isaga oo ku amaanay sidii wanaagsanayd ee ay ula soo shaqeeyeen , waxaanu ka codsaday inay sidaa iyo si ka wanaagsan ula shaqeeyaan badhasaabka cusub ee gobolka gabilay waxa kale oo uu yidhi Degmada Allaybaday iyo Degmada Gabiley waxa ay hore uga wada tirsanaan jireen Gobolka Maroodi jeex, hadaba marka laga yimaado Degmada Gabiley, Allaybaday waxa ay kaalinta koowaad kaga jirtay dhamaan degmooyinka kale ee Gobolka  iyada oo isku filaansho ka gaadhay ayuu yidhi dhinac beeraha,ugu danbayntii waxa uu yidhi waxa aan si wayn ugu soo dhawaynayaa Badhasaabka cusub Md Maxamed Axmed Xabiib taasi oo aan kusoo dhawaynayo Gobol cusub oo maanta seedka loo dhigayo, waxaanan u rajaynayaa in uu horumar gaadhsiin doono Gobolka ayuu hadalkii kusoo koobay,

 

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Badhasaabka Cusub ee Gobolka Gabiley Md. Maxamed Axmed Xabiib  waxaanu yidhi Allaybaday waxa ay gaadhay horumar balaadhan isaga oo yidhi shalay waxa aan soo maray Bustaan ka mid ah Bustaanada Allaybaday kaasi oo ay ka muuqatay sida ay Reer Allaybaday ay ugu dadaalayaan xaga waxsoosaarka beeraha taasi oo ay idiin sahlayso ayuu yidhi majirto Degmo ay ku yaalaan in ka badan 150 Dhaam, taasina waa waxa Allaybaday horumarka gaadhsiiyay ayuu yidhi, waxa kale oo uu yidhi waxa la inooga baahan yahay maadaama oo aynu nahay Dadwaynihii Gobolka Gabilay in aynu iska kaashano Guddo iyo Dibadba siddii aynu u horumarin lahayn Gobolkeena.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabilay Mr. C/risaaq Sh Aadan waxaanu  C/risaaaq halkaa kasoo jeediyay sidda loogu baahan yahay in gacmaha la isku qabsado horumarinta Gobolka, taasi oo uu yidhi markaasi ayaa horumar lagaadhi karaa.

Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay Wasiiru dawlaha  Hawlaha guud Md Aadan Ruush waxa uu usoo jeediyay dadwaynaha Gobolka Gabiley in ay la tartamaan Gobolada kale ee dalka, waxa kale oo uu usoo jeediyay Badhasaabka Cusub in uu gacan ka gaysto Degmada Allaybaday oo uu yidhi wali waxa kasii muuqda Khasaarihii uu roobkii sanadkii hore soo gaadhsiiyay isaga oo yidhi waxa uu jeexay dooxyo u baahan in Cagaf lagu aaso.

Dhinaca Siyaasada Dadweynaha magaalada Allaybaday, waxay aad u soo dhawayn gobolka cusub iyo masuuliyiinta loo magacaabay, se waxa la isweydiinayaa Gobolka Weynaha Gabiley xeeb ma yeelan doona, oo ma maamuli doonaa labada degmo ee waqooyiga ku yaala, Cali-Xaydh iyo Lughayo ? Su,aashaa Jawaabteeda waxaa laga sugayaa Badhasaabsankan Cusub iyo Wasaarada Arrimaha gudaha ?

Gobolka Gabiley ma waxa uu ka koobnaa doonaa uun, Degmooyin Wajaale, Allaybaday iyo Gabiley ?

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com