
Waxaa shalay soo
gabagababeeyay koob in muddo ahba ka socday Garoonka Xoriyada
Magaalada Allaybaday koobkaasi oo ay ku loolamayeen kooxaha
ka jira Degmada Allaybaday iyo Wajaale, koobkaasi loogu
magacdaray Maalinta Waxbarashada Degmada ee 21 july ayaa uu
dhigay oo bixayay dhamaan kharashka ku baxay Gudoomiye
kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada JSL, Mudane C/casiis
Maxamed Samaale.
Hadaba waxa ay
ciyaar aad u dag oo ahayd final dhexmartay labada
kooxood ee kala ah Omar International Wajaale iyo Tigers
Allaybaday ay isugu yimaadeen Ciyaartii finalka, ciyaartan
ayaa ahayd mid aad u heersaraysay oo labada kooxoodba soo
bandhigeen ciyaar wanaag iyo baas gaagaaban oo ah nooca loo
yaqaano one touch.
Ciyaartaasi
labada kooxood dhexmartay ayaa ahayd ciyaar hufan oo ku
dhisnayd weerar iyo weerar celis, taasi oo ay ciyaartaygii
labadaasi kooxood ay muujiyeen ciyaar wanaag ayna ku
dadaalayeen siddii uu mid waliba u hanan lahaa koobkaasi,
ciyaartan labada kooxood dhexmartay ayaa ahayd mid si wayn loo
sugaayay.
Hadaba ciyaartan
ayaa waxa ay qaybtii hore ku dhamaatay hal gool oo ay
keensatay Kooxdii Omer goolkaasi oo uu u dhaliyay inanka uga
ciyaara kooxdaasi afka hore ee la yidhaahdo Maxamuud yuusuf
laguna naanayso (dhucda) balse markii la isku soo noqday
ciyaartii ayay kooxdii tigers garoonkii lasoo galeen dardar ka
badan tii markii hore taasi oo ay in badan isku dayeen in ay
dhaliyaan goolka kooxda kale , balse waxa ay kooxdii Omerna
ku dadaalaysay in aan laga dhalin goolkaasi ay dhaliyeen taasi
oo ay aad u akdaysteen dufaaca, balse kooxda Tigers may samrin
ilaa laga afuufo siidhigii ciyaarta halkaasina ay Kooxdii Omer
International ay bilowdo Damaashaad ay ugu damaashaadayaan
Hanashada koobkan lagu xusaayay Maalinta waxbarashada Degmada
Allaybaday ee 21 july. Oo ay ku hanteen 1:0 eber, halkaasina
waxa lagu gudoonsiiyay Koobkii kooxdii Omer International,
Waxaana la gudoonsiiyay, Koobkii iyo qalab sporta oo loogu
tallo kalay kooxda badisay.

