Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

Sannad dugsiyeedka 2008/2009 oo bilaabmay iyo Gudida Cusub oo shaqo gashay. ALLAYBADAY 06.Augus.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

 

Waxa aan halkan salaan qiimo badan uga gudbinayaa dhamaan bahwaynta ku howlan horumarinta waxbarashada degmada ee UHWA Worldwide.

Waxaa wiikan gudihiisa la furay dhamaan 12 Dugsi ee ka jira Degmada Allaybaday. Labadii wiik u danbayse waxay gudida Guud ee Gudaha waday dib u habayn iyo maydhis dhamaan dugsiyada ku yaala Degmada, waxaa aad loo maydhay oo loo hagaajiyay, 3 dugsi ee Magalaada Allaybaday ku yaala iyo kuwa ku yaala tuulooyinka. Tusaale ahaan Dugsiga H/Dh Allaybaday waxaa madhay gudidii rag iyo dumarba taas oo ahay markii u horeysay oo la madhay mudo 12 sanno ah.  Dugsiga H/Dhexe ee Allaybaday waxa u baahan yahay dib u habayn yar, taana Gudida Guud ee Allaybaday joogta ayaa gacanta ku haysta hada. 

Isla wiikan Dhexdiisa waxay Gudida Allaybaday safar shaqo ugu baxeen magaalada Hargeisa si ay ula soo wareegaan dhamaan qalabkii xafiiska iyo maamulka UHWA Worldwide, safarkaa waxaa ka qeyb qaatay, Gudoomiya Guud ee Cusub Mr. Mohamud Yussuf Cige iyo Xoghaye Cusub, Mr. Mohamed Xaashi .

Waxay si buuxda oo ula kulmeen Mr. Ahmed Abdi Bakaal iyo Xoghaye Mustafe Abdi Oday. Waxaa kale goobjooga ahaa agab wareejinga iyo maamul wareejintaa Abdaqni john oo ka socday Jaaliyada UHWA Norway.

Qalabka ay kala soo wareegeen waa sidan :

1.     computer and printer

2.     4 kursi iyo halmiis

3.     kabadh

4.     6 kartoon oo ah exercise book

5.     3 file

6.     Buugaag ah D/Hose dhexe oo daabacan

balse waxa  uu xoghayuhu nagala hadhay Shaabadii  taasi oo uu xoghayuhu yidhi kama maarmayno ee iskaga taga. 

Waxa kale oo aan jecelahay in aan idinla socodsiiyo kulamo isdaba jooga oo  nooqorshaysan in aanu la yeelano Dhamaan Macalimiinta waxka dhiga Dugsiyada Degmada oo dhan, taasi oo aanu kulankii u horeeyay la yeelanay Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga H/Dhexe ee sheekh Axmed Qaalib barina haddii alleh idmo aanu labalan sanahay in aanu lakulano Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Sare iyo Madarasada Allfurqaan ,iyo waalidiinta,

hadaba   kulamadaasi iyo natiijadooda waxa aan idiinku soo gudbin doonaa warbixino kale haddii alleh yidhaahdo. 

Waxaanu u samayn Qorsho maalinba Dugsi lagu maydho, lana faru iyada oo lala kulmaayo ardayda, macalimiinta,  Gudi hoosaadka iyo waalidiinta dugsigaba.

 

Hawl weyn oo tabaruc ah  ayaa naga horeya, noo soo duceeya in ILAAHAY nagu asturo. Amiin

Waxaanu si gaara ugu mahadnaqanaa Gudida Hargeisa oo aad iyo aad noo soo dhawaysey markii aanu kala soo wareegayna qalabka.

Sidaa iyo dhamaan wado shaqayn wacan.

 

Salaan ka timid

 

Gudida UHWA ee Xarunta Degmada ALLAYBADAY 

Mohamud Yussuf Cige, Gudoomiye

Fosiya Aw Ciise, G/Xigeen.

Mohamed Haashi, Xoghaye

 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com