Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

XAFLAD WEYN FURITAANKA SANAD DUGSIYEEDKA 2008—2009 AYAA LAGU QABTAY MADARASADA ALFURQAAN ALLAYBADAY. 08.Augus.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

 

Waxa madarasada Alfurqaan lagu qabtay xaflad sifiican looga soo shaqeeyay oo loogu talagalay in lagu furo

Sanad Dugsiyeedka Cusub ee 2008—2009, taasi oo ay kasoo qayb galeen guddida sadexda iskuul ee Magaalada,

waalidiin,xubno ka mid ah Gudidii hore ee Gudaha sida Xoghayihii hore Mudane Daauud Xuseen

iyo Muuse Daakir,iyo Macalimiinta Madarasadaa iyo waliba dadwayne kale ayaa kasoo qayb galay

Xafladaasi lagu furaayay sanad Dugsiyeedka Cusub ee Madarasada Alfurqaan.

 

Xalfadaas oo ahayd mid aad iyo aad loo aabubayl waxaa ka soo qayb galay dhamaan inta badan dadweynaha

magaalada Allaybaday, waxaa la waayay meel laga fadhiisto, Dadku waxay u badnaayeen, waalido,

dumar, arday iyo Odayaasha magaalada. Badanaa dadka magaaladu xiiso dheeraada ayay u qabanaa

waxbarashada Madarasada, maadama ay leedahay, cilmi diina iyo Cilmi maadiya labadaba, ardayda ka soo

baxdaan ay inta badan edeb iyo waxbarasha ka fiican yihiin ardayde kale ee dugsiyada kale ka soo baxda,

taas ayaa ugu wacan xiisaha dheeraad ee loo qabo furitaan, xidhitaank iyo dhamaan hawlaha ka socda Alfurqaan Allaybaday.

 

Hadaba ugu hore waxa halkaasi ka hadlay Maamulaha Madarasada Alfurqaan Axmed Aadan  Xirsi

oo aad uga waranmay faa’idada Waxbarashada iyo sida ay tahay in loogu dadaalo,waxa kale oo

uu ka waranmay xaalada guud ee Madarasada isaga oo yidhi dhinaca waxbarashada meel fiican ayay

maraysaa, balse kolay baahiyo way jiraan taasina waxa aan rajaynayaa in aynu iska kaashan doono wax ka qabashadeeda ayuu yidhi,

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Muuse Cabdi Cali( muuse daakir) oo ka mid ahaan jiray Guddidii hore ee

Gudaha waxaanu muuse hadalkiisii ku bilaabay oo yidhi aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta ka qayb

qaato furitaanka  sanad Dugsiyeedka Cusub ee Madarasada  aniga oo wada jecel in aan ka qayb qaato

xaflad kasta oo lagu qabanaayo iskuul ka mid ah iskuulada Degmada, hadana tan ayaan maanta nasiib u helay

ayuu yidhi in aan ka qayb qaato,waxa kale oo uu yidhi Anigu ka Muuse ahaan waxa aan ka mid ahaa

Aasaasayaashii Madarasadan Alfurqaan,waxaana jira in ay qayb wayn ka qaadatay horumarkan ay

degmadu ka gaadhay xaga waxbarashada oo waxa jirta in ay ka duwan yihiin ardaydii Madarasadan kasoo

baxday ardayda kale ee dalka  iyaga oo sidda muraayada ugu muuqda guud ahaan dalka JSL ayuu yidhi,

waxa kale oo uu yidhi waxa la inooga baahan yahay in aynu ku dadaalo waxbarashada isaga oo yidhi

waxa socda dadaal lagu doonayo in ubadkeena wax lagu baro taasi oo ay xilkooda isasaareen qurba joogta

reer somaliland ee degmadan Allaybaday kasoo jeedaa  markaasi inana waxa la inooga baahan yahay

ayuu yidhi dadaal dheeraad ah si aynaan u dayicin ayuu yidhi fursadaasi waayo ayuu yidhi maahmaah ayaa

tidhaahda( Oportunity knocks the door at once at every man’s door but not twice) markaa haddii aynu maanta

dayacno fursadani waxa hubaal ah in aynaan dib u helaynin, waayo meela ma jirto ayuu yidhi waxbarasho bilaash ah taalo,

markaasi waa in aynu ku dadaalaa siddii aynu dadaalkaasi walaalaheen aynaan u lumin lahayn ayuu yidhi,

Ugu danbayntii waxa uu mahad naq usoo jeediyay Guud ahaan UHWA WorldWide,

isaga oo yidhi waad ku mahadsantihiin hawsha aad wadaane ha ka daalina.

Sh. Muuse Daakir waxa aad ugu dheeraada faaidada ay leedahay waxbarashada iyo isaga mahadnaqweyna u soo jeediyay

cid walba ooo ka qeyb qaadata mashruucan Barakaysan ee UHWA, Gaar ahaan qurbo joogta bixisa qadhaanka joogtada ah.

 

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay xubno  ka mid ah Waalidiinta oo iyana aad ugu dheeraaday sida loogu baahan yahay in loogu dadaalo waxbarashada.

 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com