
Waxa maanta Dugsiga Sare ee Allaybaday
soo gaadhay Mr. Sandy young iyo C/xakiin Sulub oo labadooduba
kasoo baqoolay dalka U.K. muddana imika kusugnaa dalka,
Safarkan oo ay kasoo kicitimeen Xarunta Gobolka Gabiley ayaa
waxa ku waheliyay Gudoomiye kuxigeenka Golaha Deegaanka
Degmada Gabiley Marwo Khadra X. Gaydh.
Hadaba
socdaalkoodan oo dabaca socday in ay soo kormeeraan Degsiga
sare ee Allaybaday oo ay Qalab waxbarasho ugu deeqeen,
qalabkaasi oo ahaa Computero ay siiyeen Degsiga Sare sanadkii
hore kuwaasi oo ay hubinayeen in ay ugaadheen siddii loogu
talagay loogana faa’idaysto.
Hadaba ugu
horayn waxa ay kulan la yeesheen Gudoomiyaha
Degmada,Maamulaha Dugsiga sare iyo Guddida Guud ee UHWA
Allaybaday.
Kulankaasi
oo ka dhacay Xafiiska UHWA ee Allaybaday waxaana ugu horayn
halkaasi ka hadlay C/Xakiin Sulub Maxamuud oo marka hore
faahfaahiyay ujeedada safarkooda, kuna sheegay in ay tahay mid
ay ugu kuurgalayaan Dugsiga Sare iyo sidda ay usoo gaadheen
Qalab waxbarasho oo ay hore ugu deeqeen taasi oo uu sheegay in
haddii qalin lasoo diro ay adag tahay meelaha qaarkood in uu
ugaadho siddii loogu talagalay, balse waxa uu yidhi
Allaybaday way ka duwan tahay oo way soo gaadheen Qalabkii
aanu ugu deeqnay walow ay wax ka maqan yihiin, isaga oo yidhi
waxa aanu Dugsiga sare ee Allaybaday ugu deeqnay 7 Computer
balse waxa aan arkayaa 5 computer oo iskuulka yaala,
islamarkaana uu Maamuluhu ii sheegay in ay soo gaadheen 5 taa
Computer, waxa kale oo uu C/xakiin aad ugu mahadnaqay
Jaaliyadaha ku hawlan horumarinta waxbarashada oo uu yidhi
waxa ay mudan yihiin ku dayasho.

Waxa kale
oo isna halkaasi ka hadlay Sandy Young oo yidhi Allaybaday
Maanta iigu ma harayso balse mar hore ayaa imid oo lagu
casuumay safarkan maantuna waa kii labaad ee aan Allaybaday ku
imaado, waxaanan rajaynayaa in aan Safaro kalena ku imin doono
Allaybaday, Mr. Sandy waxa uu yidhi waxa aan aad ugu farax
sanahay in aan la kulmo Guddi ka shaqaysa Hawlaha
waxbarashada, waxa kale oo uu yidhi waxa la idiinka baahan
yahay ka guddi ahaan in aad isku duubnaataan si aad horumar u
gaadhaan ayuu yidhi inkasta oo uu yidhi waxa aad haysaan
wadadii horumarka, ugu danbayntiina waxa uu guddidaasi
waydiiyay su’al ah Waa maxay shayga ugu muhiimsan ee aad
rabtaan in aad gaadhaan? waxayna guddidu ugu Jawaabeen waxa
aanu hiigsanaynaa in dayarta Degmada Allaybaday ay noqdaan
kuwo waxna qora waxna akhriya.

Waxa kale
oo halkaasi isna ka hadlay Maamulaha Dugsiga Sare Maxamed
Aadan Daauud waxaanu Maamuluhu Mahadnaq usoo jeediyay Mr.
C/xakiin iyo Sandy oo uu labadoodaba ku amaanay sida fiican ee
ay u caawiyeen Dugsiga Sare ee Allaybaday isaga oo Maamuluhu
yidhi Computeradan aad ku Caawiseen Dugsiga Sare wax wayn ayuu
ka tarayaa Horumarinta waxbarashada Dugsiga isaga oo yidhi
waxa la joogaa wakhti Technologyadu wax walba ay hogaaminayso
waxa kale oo uu Maamuluhu xusay Baahiyaha kajira Dugsiga sidda
dab la’aan maadaama oo uu Dugsigu Magaalada Kadurugsan yahay
kaasi oo aanu lahayn Engine u gaara oo uu Dugsigu leeyahay si
looga faa’ideeyo Computeradan, waxaanu Maamuluhu Hadalkiisii
kusoo koobay oo yidhi waxa aan rajaynayaa in aanay Deeqdani
noqonin tii ugu danbaysay ee aad nasoo gaadhsiisaan balse aad
ka war haysn doontaa Dugsiga sare ee Allaybaday.
Waxa kale
oo halkaasi ka hadashay Maayar kuxigeenka Degmada Gabiley
Khadra Xaaji Gaydh oo marka hore mahadnaq usoo jeedisay
C/xakiin iyo Sandy oo ay ku amaantay qalabka ay ugu deeqaan
Dugsiga sare ee Allaybaday, waxa kale oo ay guddida Cusub ee
UHWA Allaybaday ku borisay in ay ku dadaalaan kobcinta
hawlaha waxbarashada iyo in ay isku duubnaadaan ugu danbayntii
waxa ay tidhi waxa aan Mahadnaq balaadhan usoo jeedinayaa
Jaaliyahada ku hawlan horumarinta dalkooda iyo Deegaankooda.
Waxa kale
oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida UHWA
Allaybaday Maxamuud Yuusuf Cige oo aad ugu mahadnaqay
C/xakiin iyo Sandy oo uu yidhi runtii aad ayaanu idiinku
mahadnaqaynaa maadaama oo aad Dugsigii sare Computero noogu
keenteen.

Waxa ugu
danbaytii halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday
Xasan Shahar oo marka hore mahadnaq usoo jeediyay Sandy iyo
C/xakiin runtii aad ayaan ugu faraxsnahay Qalabka aad ugu
deeqdeen iskuulada dalka gaar ahaan kan Allaybaday, waxaanu
yidhi waxa aan idinka filayaa in aanay deeqdani noqon doonin
tii ugu danbaysay ee aad ugu deeqdaan Degmada allaybaday, waxa
kale oo uu yidhi Gudoomiyuhu runtii sida uu Maamuluhu sheegay
waxa jirta Laydh la’aan xaga Dugsiga sare ah, balse waxa aan
ka Gudoomiye ahaan ugu Deeqayaa Dugsiga Sare hal Engine yar oo
Xafiiskayga yaala, si ay ardaydu uga sii faa’idaysato inta
engine wayn loo helaayo, waxa kale oo uu guddida cusub aad ugu
dhiiragaliyay in ay si ka badan siddii ay guddidii hore u
qaynaysay u shaqeeyaan isaga oo yidhi idinku iskuulada lug
baad ku tagi kartaan markaasi ku dadaala in aad horumar
balaadhan gaadhsiisaan hawlaha waxbarashada ee degmada, ugu
danbaytii waxa uu iyana mahadnaq usoo jeediyay UHWA world wide
oo ku amaanay hawsha wayn ee ay hayaan.