
Marka hore waxa
aanu salaan u soo gudbinaynaa dhamaan bahwaynta reer
Allaybaday ee ku bahawday horumarinta waxbarashada
Deegaankooda, salaan kadib waxa aan maanta halkan idiinku soo
gudbin doonaa warbixin kusahabsan shirkaasi aanu Macalimiinta
la yeelanay iyo waxyaabihii aanu ka wada hadalay,

Ugu horayn waxa
aanu macalimiintaasi uga xogwaranay sobobta Xafiiskii Guud ee
Hargaysa in loo raray Xarunta degmada Allaybaday sababta oo ah
dardar galinta waxbarashada iyo Xogogaal in loo noqdo
baahiyaha ka jira dhamaan iskuulada Degmada, waxaanu u
sheegnay macalimiintaasi in aanu ka guddi ahaan aroor walba
aanu kormeer kusoo marnayno iskuulada Degmada isiiba kuwa
Alllaybaday maadaama oo aynu nahay dad meel wada jooga waxna
ukala qarsoonayn, waxa kale oo aanu Maamulada Iskuuladaasi ugu
sheegnay Macalimiintii hortooda in aanu macalinka waajibkiisa
sida ay tahay uga soo bixi waaya aanu talaabo cad ka qaadi
doono, taasi oo aanu u sheegnay haddii markii hore Maamuladu
idiin xilqarin jireen aan maanta wixii ka danbeeya aan la isku
xilqarin doonin ee uu wax ka dhigi doono iskuulada Macalinkii
si fiican xilkiisa u guta oo kali ya ihi. taasi oo dhamaan
macalimiintii shirkaasi fadhiday ay ku qanceen in talaabadaasi
laga qaado macalinkii gaabis noda.

Waxa kale oo aanu
halkan idiinku soo gudbinaynaa baahida ka jirta Dugsiga
H/Dhexe ee Sh Axmed Qaalib kaasi oo ay ka jirto baahiyo isku
jira burbur u baahan dhisme iyo dhisme laba galaas oo u baahan
in lagu soo biiriyo, taasi oo ay ardayda qaar hada dibada wax
ku bartaan ayna laga ma maarmaan tahay in laba fasal la iska
kaashado siddii loogu biirin lahaa Dugsiga, sobobtoo ah waxa
jirta in ay ardayda sanadkan kusoo biirtay iskuulku ay aad u
badan tahay taasi oo ay isugu jirto ardaydii fasalka koowaad
ee sanadka oo la qoray 2 fasal iyo Haayada NRC oo iyana qortay
2 galaas oo mid 35 arday ah markaasi guud ahaan ardayda
sanadka kusoo biirtay Dugsiga SH. Axmed Qaalib waa 4 fasal oo
ulo ah, balse labada ay qortay NRC Macalimiintooda iyagaa
gunada siinaya.

Hadaba sidaasi
awgeed waxa Dugsiga Sh Axmed Qaalib looga baahan yahay in lagu
soo biiriyo laba macalim ugu yaraan.
Sobobtoo ah
tirada fasalada oo ka batay macalimiintii hore u joogtay,
Macalimiintii hore u joogay iskuulku waa 9 macalin tirada
Fasaladuna waa 13 fasal markaasi waxa halkaa ka muuqda isku
dheeli tir la’aan.
Dhinaca
kale Dugsiga Sarre Allaybaday, qalabkii, macalimiintu waa ay
dhanyihiin, waxaa qudhaatay oo ay suganaa qaybtii Qurbo joogtu
dhisaasay, oo ay ku jiraan Boarding-kii mudada dheer la
hadalhayay.
La soco
warbixinta labaad ee Dugsiga H/Dhexe ee Alfurqaan Allaybaday.
.

Salaan ka
timid
Gudida UHWA
Guud
ee Xarunta Degmada ALLAYBADAY
Mohamud Yussuf Cige, Gudoomiye
Fosiya Aw Ciise, G/Xigeen.
Mohamed Haashi, Xoghaye
