Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

WARAYSI  AAN LAYEESHAY: C/QANI AXMED AW CABDI (C/QANI JOHN) OO KA MID AHAA QURBO-JOOGTII SANNADKA SOO BOOQDAY WADANKA, Allaybaday, 15.Augus.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

1.    S. C/qani waxa aad ka mid tahay qurba joogtii sanadka timid waliba adigu gaar ahaan waxa aan ka timid dalka Norway, hadaba waxa aad maanta Kormeer ku soo martay Iskuulka Degmada qaar ka mid ah, balwaasi aad soo martay kuwayay ahaayeen? 

J. Kolay Anugu runtii waxa aan jeclaa in aan soo wada maro dhamaan iskuulada Degmada, balse wakhtiga ayaa ii saamixi waayay walow aan nasiib u helay iskuulada aan soo maray iyada oo ay Ardaydii wax dhiganayso, iskuulkaa aan soo marayna waxa ay kala ahaa yeen, Hoose/Dhexe Xidhinta, Hoose/Dhexe Sh. Ahmed Qalib. Hoose/Dhexe Al-Furqaan  iyo Dugsiga sare. 

2.    S. Kawaran Xaalada Iskuuladaasi aad soo martay iyo sida aad u arkaysay? 

J. Runtii iskuulada aan soo maray xaaladoodu way fiicnayd si wanaagsana waxbarashadu way u socotay, balse waxa aan soo arkay baahiyo runtii u baahan in hore wax looga qabto tusaale ahaan Dugsiga sare Magaalada aad ayuu uga durugsan yahay islamarkaana malaha tank biyood taasi oo ay Macalimiintii laayihiin wax ay Tamaashiirta isaga maydhaan wax ay ardaydu cabto iska daayoo, waxa iyana ay baahiyo kale ka jiraan iskuulka  H.Dhexe ee Sh. Axmed Qaalib oo runtii  aad ugu baahan dhisme iyo dayac tirba. iyo iyana Madarasada Alfurqaan oo iyana dactir balaadhan u baahan, Qaybta hoose waabay dumasaa, Lacagtii loo ururiyay maxaa loogu dhisilaayahay, ma waxa la sugayaa in ay caruurtu wax ku noqon wayday, Khatar ugu weyn ee schoolada ku arkay waa school dumaaya ee ay ku jiraan ilaa 200 arday oo dhow.. 

3. S. Kolay markii hore fikir ayaad ka ahaysatay hanaanka waxbarashadu usocoto balse maanta hadii aad nasiib u heshay in aad timaad iskuuladii oo waxbarashii socoto, maxaa iska badalay ayaad is odhan kartaa fikir kaagii hore?

J. Runtii Ismaaciilow  horta sidan aan maanta arkay waxa ay ahayd fikir kii markii horeba aan ka haystay waayo waxa aan si joogta ah ula socday markii aan Norway joogtay talaabo kasta oo hore loo qaado, balse maanta waxa aan aad iyo aad ugu farxay sidda ay ardaydu wax u baranayso iyo sida ay macalimiintuba ugu dadaalayaan. 

4. S. Wax aad kulamo la yeelatay Maamulka iyo Macalimiinta Iskuuladaasi aad maanta kormeerka kusoo martay, maraasi maxaad iiga sheegi kartaa waxyaabihii aad kawada hadasheen Maamulka iyo Macalimiintaba? 

J.Kolay waxa aanu kawada hadalay Macalimiinta iyo Maamulkoodaba in ay  waxbarashada  aad u dardar galiyaan inkastoo ay imikaba mudan yihiin  amaan oo aad yaabayso sidda ay wax ugu dhigayaan ardayda waayo inta badan waxa aan aad ugu kuu galayay sida ay waxbarashadu usocoto iskuulada aan soo maray markaasi mid kasta aad ayaan ugu farxay, waxa kale oo ay ii yeesheen Baahiyaha ka jira Iskuuladooda taasi oo aan filaayo in wax laga qaban doono. 

5. S. Waxa kale oo aad kulan la yeelatay Guddida Guud ee ay Xaruntoodu tahay Allaybaday iyaga maxaad kawada hadasheen? 

J.Guddidaasi cusub waxa aanu kawada hadalay sobobta Guddidan Allaybaday loogu soo raray in ay tahay in ay wax wayn ka badalaan siddii ay markii hore usocotay waxbarashadu, maadaama oo ay Macalimiintii meel kala soo toosayaan, markastana wada joogaan, waxa kale oo aan kala hadalay in ay sameeyaan wacyi galin fara badan taasi oo ay maalinba meel ay la shirayaan dadka degan kana dhaadhiyaan siddii ay ardayda iskuulkada loo keeni lahaa. Iyo in wada shaqayn buuxda ay la yeeshaan Guddo iyo dibadba. 

6.Wax jirta in Iskuulada dhamaan marka laga reebo kuwa Allaybaday in ay sanadkii 3 xaad wada galeen isla markaana ay dhamayntii Dugsiga Hoose ay uga hadhsan tahay sanad qudh ahi, islamarkaana haddii aan sidda ugu dhakhsaha badan loo helin Dhisme yaal kale oo lagu biiriyo ama Dugsigii Boarding ahaa ee Qodaalka uu halis ku jiro qorshaheenan aan inta badan soo wadnay markaasi ka C/qani ahaan  sidee loo xeli karaa arintaasi ? 

J. Kolay su’aashaasi waa mid meesha taala oo mudan in la iswaydiiyana balse kama maqno Maskaxda 18 jaaliyadood ee ku hawlan horumarinta waxbarashada, waxaanan filayaa in qorshaaasi sida ugu dhakhsaha badan loo gali doono guddo iyo dibadba. 

7. S. Ugu danbaytii maxaad usoo jeedin lahayd dhamaan 18 jaaliyadood iyo dhamaan ciddii kale oo ku hawlan horumarinta deegaanka Allaybaday, se Adiga Abdiqani ahaa sideebaa ugu qayb qaatadaa mashruuca, se maxaa ku ku soo kordhisay horemarinta degmada aad ka soo jeedo ? 

J. Marka hore waxa aan usoo jeedinayaa cid kasta oo ku hawlan horumarinta waxbarashada degmada Allaybaday amaan, marlabaad waxa  aan aad ugu mahad naqayaan dhamaan jaaliyadaha ku howlan horumarinta Deegaankada ee xaga waxbarashada oo aan leeyahay Aduunkii aan soo diraynay inaga muu khasaarin runtii balse dadkeenii iyo dalkeenii iyo deegaankeenii ayaan wax muuqda ugu qabanay, markaasi in aan ka badino mooyaane ayaynaa ka yaraynin kana daalin hawsha aan hayno oo aakharo iyo aduunkaba in anfici doonta.

Suaasha ah anigu sidee uga qaybqaataa mashruuca, waa suaashii muhiim, kolay anigu Arday ayaan ahay, se qadhaanka ardaydu bixiso ee ay jaaliyada Norway bixiso waan bixiyaa, se maanta waan soo arkay qadhaanka yar ee aan bixiya waxa uu taro, oo waan libilaabin doonaa markaa noqdo, dhinaca Horemarinta Degmada, waxaan rajayn in aan u dhaami doona odayaasha 40 sanno u maqnaa degmada ee ilaa had wax la taaban karo aan degmada ka qaban.

Waad mahadsnatahay.

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com