Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

Warbixin: GUDDIDA  GUUD EE UHWA AYAA MAANTA LABADA DUGSI EE MAGAALADA  ALLAYBADAY U QAYBIYAY BUUGAAG IYO QALAB WAXBARASHO, Allaybaday , 17.Augus.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Waxa maanta  labada Dugsi ee kala ah Dugsiga H/Dhexe ee Sh. Qaalib iyo Madarasada Alfurqaan buugaag iyo qalab waxbarasho  u qaybiyay Guddida Gudaha ee UHWA, Buugaagtaasi iyo qalabkaa ay u qaybiyeen labadaasi Dugsi ayaa iskugu jiray buugaag daabacan oo ay u qaybiyeen Iskuulka  H/Dhexe ee Sh. Axmed Qaalib iyo waliba buugaagta wax lagu qorto ee looyaqaano  exercise book iyo qalimo, sidoo kale waxa ay Madarasada Alfurqaana lasiiyay buug ah Exercise book, taasi oo sida ay guddidu sheegtay in ay ugu talagaleen in loo qaybiyo ardayda danyarta ah ee aan iibsan karin buugaag, hadaba guddidu waxa ay sheegeen in ay buugaagtan kasoo qaadeen Xafiiskii hore ee UHWA ay Hargaysa ku lahaan jirtay.

Islamarkaana maanta ayay  u qaybiyeen qaybtii u horaysay Labada Iskuul ee Allaybaday, waxa kale oo ay sheegeen in ay u qor shaysan tahay   in ay  iyana usoo qaybin doonaa  dhamaan Iskuulada Degmada, taasi oo ay yidhaahdeen iskuul walba waanu u dhignay wixii qayb ah ee aanu ugu talo galay sidaasina waxa yidhi Xoghaye Maxamed Xashi Cadur oo isagu qaybinaayay Buugaagtaasi.

Qaybintaasi kadib waxa uu kulamo la yeeshay Maamulka Labadaasi Dugsi isaga oo kala hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen isku xidhnaanta Maamulka iyo gudidoodan cusub, waxa xusid mudan oo ay kulan in badan socday Guddida yeesheen Maamulaha Madarasada Alfurqaan taasi oo ay kawada hadleen waxyaabo farabadan oo khuseeya hawlaha madarasada taasi oo ay ka mid ahayd in uu xidhiidhkoodu ka bato guddidan cusub iyo Maamulka Madarasada siddii uu markii hore ahaa taasi oo uu Maamulaha Madarasadu Axmed Aadan xirsi sheegay in 3 sano ka hor ay imika ugu xigtay waxa loo keeno madarasada taasina aad ayaan ugu faraxsanahay ayuu yidhi, dhinac kale waxa uu Xoghaye Maxamed  kala hadlay Maamulka Madarasada in badalka laga daayo ardayda  madarasada dhamaysa sobobtoo ah buu yidhi imika waxa aynu yeelanay ayuu yidhi Dugsi sare oo si fiican u shaqeeya islamarkaana lacag la’aana, markaasi waxa haboon ayuu yidhi in ardayga Madarasada ka baxa iyo ka Dugsiga Sh. Axmed Qaalib ka baxaaba ay toos iskuulka Sare ay u galaan ayuu yidhi, taasi ayay waxbarashada deegaankeenu ku hana qaadaysaa waayo ayuu yidhi dalka imika waxa la isku qiimeeyaa inta kasoo baxda Dugsigooda sare islamarkaasi haddii aynu Nasiib u helay in aynu Dugsi sare yeelano waa in aynaan ardayda kala halaynin ee waa in aynu sida ay tahay uga faa’idaysanaa ayuu yidhi Xoghaye Maxamed, islamarkaasi  wuu laqaatay Maamulaha Madarasadu isaga oo waliba Maamuluhu raaciyay taasi waa mihiim ardayda waxa u fiican in ay iyaga oo guryahooda jooga waxbartaan waayo waalidkooda ayaa ka warhaya, balse ardaygu marka uu meel kale tago waxa lumaysa ka warhaytii waalidka waxaana in badan dhacda ayuu yidhi in uu ardaygu dib ugu soo noqdo Allaybaday taasi ay kadanbayso laba arimood oo kala ah, Duruuf dhaqaale aw geed in uu waxbarashada kaga hadho, iyo isaga oo ay isqaban waayaan dadkii uu dulsaarka ku ahaa maadaama oo uuna reerkoodii la joogin. ugu danbayntiina Maamuluhu waxa uu yidhi waa in aynu ku dadaalaa siddii aynu u kobcin lahayn waxbarashada ubadkeena tusare iyo tuhoosaba.

Baahida Madarasada ayaa iyaga aad u badan sida uu sheegay maamulu Alfurqaan, baahida ugu weyn waa : Dhismaha hoose oo dumaaya, hadii aan dhawaan la dhisin iyo macalimiinta mushaarka ka qaadata UHWA oo yar marka loo eego ardayda dhigata, hada waxaa mushaar qaata 6 macalin, se waxaan suganaa in sannadkan ugu yaraan laga dhigo 8 macalin, waana codsi ku socda dhamaan 18 jaaliyadood ee qadhaanka bixiya. 

Hadaba guntii iyo gabagabadii waxa ay isla garteen Maamulka iyo Gudiduba in ay sifiican oo hufan uwada shaqeeyaan.

 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com