Hadaba markii
aan Madarasadaasi tagay waxa aan la kulmay Maamulaha
Madarasadaasi Sh Muuse Aw Daauud Iriir waxaanan ugu
horayn waydiiyay Maamulaha ayaa dhisay Madarasadan Cusub?

J. Madarasadan
waxa dhisay XAAJI CABDI MUHUMED ISMAACIIL.
2.Madarasadu
imisa fasal ayay ka kooban tahay?
J. Waxa ay ka
kooban tahay 4 fasal iyo xafiis waxa kale oo uu
dhismahiisu socdaa Masaajid weyn.
3. S. Imisa
Macalin ayaad ku dhigtaan Madarasada?
J.Waxa aanu ku
dhignaa Madarasada saddex Macalin kuwaasi oo kala ah sidan:
1. Muuse Aw
Daauud Iriir, maamule
2. C/casiis
Macalin
3. Xamse
Lixle
4. S. Ardayday
intee leeg ayaa ka faa’idaysta oo aad wax ugu dhigtaan
Madarasadan?
J. Runtii
Madarasadu waa ay cusub tahay sidda aad lasocoto balse
hadana tirada ardaydu imika waxa ay maraysaa 250 arday oo
iskugu jira inamo iyo habloba, taas oo kale ah 140 wiil iyo
110 gabdho ah, arday waxay isku jiraan, kuwa maalintii
dhigta oo aan magaaladada ka soo ururinay iyo kuwa dhigta
labada dugsi ee magaalada ku yaala oo galinta danbe Quraanka
iyo tacliin dheeraada la siiyo.
6.S. Maxaa ka
mid ah waxyaabaha lagu barto Madarasada?
J. Waxa lagu
bartaa xifdiga Quraanka Kariimka ah, Saynis, Cilmiga
bulshada, xisaab iyo soomali iyo Atarbiya taasi oo baraayo
ardayga in uu barto xaqa uu waalidku ku leeyahay iyo xaqa uu
ku leeyahay qofkasta oo kaalmeeyaa, waxaanu noogu tallo
jirta in aanu ku darno maadamadaha lag caawin lahaa arday
Dugsiga Sarre ku jirta. iyo Waliba waxbarashada dadwaaweyn.
7.S.Kawaran
Maamule qorshiina ah in ay ardaydu madarasada wado ama ilaa
heerkeebaad ugu talagasheen?
J. Horta waxa
ay ahmiyadayadu tahay xafidaada Quraanka Kariimka ah,
taasina waxa aanu ugu talagalay haddii ale yidhaahdo in uu
ardaygu ku xafido 30 ka jis ee Quraanka muddo sadex sano ah,
intaasi kadibna uu ardaygu iska sii wato waxbarashadiisii
Maadiga ahayd. taasi oo ah xaga iskuulada kale ee magaalada
balse madarasada qorshaheedu waa in quraanka la xafidsiiyo
ardayga.
8.S. Inkasta oo
ay madarasadu Cusub tahay hadana Baahiyaha haysta maxaa ugu
wayn baad ordhan kartaa Maamule?
J. Haa runtii
waa cusub tahay hadana waxa jira baahiyo dhawr ah kuwaasi oo
ay ugu horayso Macalimiinta Madarasada oo runtii ay ka badan
yihiin ardaydu iyo fasaladuba madarasadu waa 4 fasal aniguna
3 macalin ayaanu nahay hadaba waxa aanu aad u jeclaan
lahayn in nalaga kaalmeeyo in Macalimiin naloogu soo
kordhiyo sobobtoo ah saddex Macalin ma dhigi karaa 4 fasal
waliba waxa jirta arday yar yar oo aanu iyana imika diba wax
ku barno kuwaasi oo maalin walba soo kordhaayay oo iyaguna
culuskooda wata, haddii ardayda lacag lagu dabaro macalimiin
kale lagu soo rogana waxa suura gal ah in ay ardaydu ka
yartaato sidan ay imika yihiin ama ay usoo kordhayaan waayo
wax iska jira imika dalka dhaqaala xumo, sidaasi awgeed
waalidku ma awoodo wakhtigan lacag ku filaatanta
macalimiinta in uu bixiyo markaasi waxa aanu codsanaynaa in
nalaga caawiyo xaga macalimiinta.
9. S. Ugu
danbayntii maxaad usoo jeedin lahayd jaaliyadaha ku hawlan
horumarinta waxbarashada?
J. Runtii marka
hore waxa aan usoo jeedinayaa salaan kal iyo laab ah, waxa
kale oo aan usoo jeedinayaa in aanay ka daalin hawshan
samafalka ah ee ay wadaan.