
Roobab shalay ka day
degmada allaybaday ayaa marlabaad khasaare soo
gaadhsiiyay dhaamamkii, bustaanadii iyo dhulbeereed
kaleba.

Roobabkan oo ahaa
Mahiigaan balse ka laxaad yaraa roobobkii hore ee
baabiyay dhaamamkii iyo dhulbeereedkiiba, Ayaa
marlaabaad roobobkani ay khasaare balaadhan u
gaysteen balayadii bustaanadii iyo
dhulbeereedkiiba,Khasaarahan oo loo aanaynayo
roobabkii hore waayo waxa ay baabi’yeen
dhaamamkii, kuwaasi biyaha ka qaban jiray
bustaanada iyo dhulbeereedkaba .
Roobabkii hore oo laga
joogo muddo dhan 23 maalmood, balse dadka deegaanku
aanay helin wax kaalmo ah inkastoo ay yimaadeen
Haayado caalamiya iyo Madax dhinac dawlada
kasocotayba, Saddex iyo labaatankaasi maalmood ee
aynu soo dhaafnay ayay dadku ku dadaaleen siddii
ay dhamaamkii jabay ay ugu guntan lahaayeen in ay
joojiyaan waxa yare e biyaha ah ee sagxada ku
hadhay, Iyaga oo aan haysan wax cagafya ah ayaa wax
ay isticmaalayeen gacmahooda, iyaga oo ku
isticmaalaayay baco tiro badan oo kuwa raashiinka
ah kuwaasi oo dhaamamka qaar kood loo isticmaalay
tiro dhan 300 kiis oo ay camuud ku gureen si ay
biyahaasi ugu hayaan.

Dhan kale wax iyana
dadku ku hawlanaayeen siddii ay abuurkii hore ee ay
daadadku qaadeen marlabaad u beerilahaayeen,balse
maanta waxaasi oo dadaala ee ay dadku sameeyeen
aanay waxba ka jirin.
Waxyeeladan labaad ee
soo gaadhay dhaamamka ayaa wax ay tahay mid
adkaynaysa wax ka qabashada dhaamamkaasi,ugu
danbaytii dadka deegaanka ayaa ah qaar niyad
jabsan,kadib markii laba jeer tabacoodii uu
khasaaray,
Balse marka aad dadka
ka waraysato sidda ay u arkaan waxyeeladan labaad
ee dabiiciga ah ayay waxa ay kuugu jawaabayaan in ay
nimco waliba nusqaan leedahay,waxayna leeyihiina
anagu daadad baanu ka cabanaynaa dhulka qaar aan
naga dheerayna wali rooba kama di’in, oo aabaarbay
ka cabanyaan, ,ilaahayna waxa aanu ka rajaynayaa in
uu nimcadan wax khayr leh noogu badali doono.
BY:ISMAIL ABDI
MUXUMED
ALLLAYBADAY SOMALILAND

ISMAACIIL
CABDI MUXUMED(HILQAD)