S.Caydaruus
halkay ahayd halkii kuugu horaysay ee aad iskuul ka bilowdo?
J.Waxa aan ka
bilaabay Allaybaday gaar ahaan madarasada Alfurqaan ee
Allaybaday halkaasi oo markii aan gaadhay fasalka 6 lixaad
oo lagaga bixi jiray madarasada aan u wareegay iskuulka
H/Dhexe ee Sh
Axmed Qaalib
oo aan isna ku
dhigtay fasalka 7aad iyo ka 8aad.
S. Halkeed ku gashay
Imtixaankii fasalka 8aad?
J. Waxa aan ku galay
hargaysa gaar ahaan Dugsiga H/Dhexe ee Xusen Giire, madaama
markaa uun Mashruuca bilow ahaa oo aanay jirin fasalka 8
aad.
S.Balwaxa aad ka warantaa
waxyaabihii aad la kulanteen Adiga iyo Ardaydii kale ee aad
Allaybaday kawada tagteen ee hargaysa imtixaanka aad kuwada
gasheen?
J.Waxyaabihii aanu wakhtigaasi
la kulanay waxa ka mid ahaa in aanu tagnay Magaalo aanu
qariib ku nahay iskuul nagu cusub arday aanaan garanayn
imtixaan farabadan oo dhawr waraaqood ah(pages) oo aanaan
hore u arag iyo iyada oo ahayd markii ugu horaysay ee uu
Macalin aanaan garanayn oo aan hore waxba noogu soo dhigini
uu Imtixaan naga qaado oo ay markaasi noogu horaysay, balse
waxa xusid mudan Gudoomiyihii waxbarashada Degmada
Allaybaday ee xiligaa Mr. C/laahi Xasan ayaa aad noo
dhiirigaliyay intii aanaan Imtixaanka galin markii aanu
imtixaanka ku jirnayna waxa uu noogu iman jiray Kormeer
kaasi oo aanu runtii ardaydaydaasi aanu abaalwayn u wayno
isaga oo ahaa Gudoomiye firfir coon.

S. Ardaydaasi aad
wakhtigaasi aad isku galaaska ahaydeen isla markaana aad
Allaybaday kawatagteen ma jireen arday idinka dhacday?
J. Nasiib wanaag ardaydaa aanu
isu galaaska ahayn isla markaana allaybaday kawa tagnay may
jirin cid dhacday ee waanu wada baasnay.
S. Maadaama oo ayna
wakhtigaasi aad ugudubteen Dugsiga sare aanay Allaybaday
Dugsi sare lahayn sida maanta oo kale xageed ka bilowday
Dugsigii sare?
J. Waxa aan ka
bilaabay Dugsigii sare, Dugsiga Sare ee
26 Juun
kaasi oo aan ku dhamaystay waxbarashadaydii sare,
S. Caydaruus maadaama oo
aad noqotay ardaygii ugu sareeyay Imtixaankii Shaadiga ahaa
ee Dugsiga sare ee dalka JSL balkawaran dareenkaagu sidda uu
yahay?
J. Runtii guushani waxa ay igu
abuurtay farxad aad u wayn maalintaa Imtixaanka lagu
dhawaaqay Natiijadiisana waxa ay ii ahayd maalin wayn oo
noloshayda Xasuus gaara ku reebtay, waxayna ahayd farxadii u
waynayd ee aan waligay dareemo.
S. Ma filaysay in aad
noqon doonto ardayda ugu sareeya imtixaanada dugsiyada sare
ee dalka?
J. Horta wax kasta oo aad ku
dadaasho waa dhab in aad gaadhaa waayo Maahmaah Soomaaliyeed
ayaa tidhaahda”Dadaalaa X Cabaas gaadhaa dhaafaana”in
aan soo galo tobanka arday ee ugu horeeya dalka( Top Ten)
waxa ay igu dhalatay markii aan Form Two ga ahaa wakhtigaasi
oo inan aanu saaxiibo ahayn inta badana aanu isku majlis
ahayn oo aanu wax wada akhrisan jirnay uu noqday ardaygii
ugu sareeyay imtixaankii Dugsiyada sare ee dalka ayaan ka
Caydaruus ahaan go’aan ku gaadhay in aan ka mid noqdo
ardayda soo gasha tobonka arday ee ugu horeeya dalka, laga
bilaabo wakhtigaasi aan go’aankaasi gaadhay ilaa intii aan
Imtixaanka Shaadiga ah u fadhiisanayay waan waday
dadaalkaygii ahaa in aan ku guulaysto kaalmahaasi hore ee
Imtixaanka, balse ilaahay waa igu guuleeyay wayna ii
rumowday himiladaydii taasi oo aan noqday ardaydii ugu
sareeyay Imtixaankii Dugsiga sare.
S. Ujeedada ugu wayn ee
aad u hiigsanaysay in aad gasho tobonka arday ee ugu horeeya
Imtixaanada Dugsiga sare ee dalka maxay ahayd?
J.Waxa ay ahayd ujeedada ugu
wayn ee aan u hiigsanayaayay in aan noqdo tobonka arday ee
usareeya Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare kow
waxa ay ahayd in aan helo scholarship bilaash ah taasi oo
lasiiyo tobonka arday ee ugu sareeya imtixaanada Dugsiyada
sare, talabaad waxa ay ahayd in aan marka hore ka farxiyo
waalidkay oo aanaan meel wada joogin anigu waxa aan arday ka
ahaa hargaysa oo maan ahayn arday xaafadoodii jooga markaasi
waa in aan ka farxiyaa waalidkay iyo dadkii kale ee aanu
qaraabada ahayn ee aan la joogayba tusayayna in aanan
dayacin tacabkoodii taasina ilaahay waa igu guuleeyay,
waxaana kale jecel ahay in aan tusaale fiican u noqday 2000
arday ee Degmada Allaybaday wax ku barata hada.
S. Caydaruus adigu waxa
aad ka mid ahayd ardaydii reer allaybaday islamarkaana
markii ay Dugsiga Dhexe ka baxeen aan nasiib u helin in ay
Dugsiga sare Allaybaday ka bilaabaan, markaasi iyaga maxaad
kula talin lahayd ardayda nasiibka u helay in ay isla
magaaladoodii ka bilaabaan Dugsigii sarana?
J. Marka hore waxa aan aad ugu
faraxsanahay Dugsiga sare ee Allaybaday ka hirgalay kaasi oo
runtii wakhtigayagii aanaan nasiib u helin balse ardayda
maanta nasiib u heshay in uu dugsi sare ugu yimaado
magaaladoodii ay aad nooga nasiib fiican yihiin runtii waayo
anagu waxa aanu dulsaar ku ahayn xaafado aanu qaraabo nahay
balse iyagu waxa dugsigoodii sare heleen iyaga oo jooga
magaaladoodii oo aan meela tagan, sidoo kale waxa ay
imtixaankii Fasalka 8aad kugaleen isla magaaladoodii taasina
waa wax ayna laqan ardaydii ka horeysa iyaga. markaasi waxa
aan ardayda marka hore ku dardaari lahaa in ay ku dadaalaan
siddii ay ugaadhi lahaayeen heer kasareeya ka maanta aan
gaadhay, waayo waxa ay haystaan waxyaabo badan oo
usuuragalin kara in ay gaadhaan heerkan iyo ku kasareeyaba
waa haddii ay dadaalaan.
S. iyaga Maxaad usoo
jeedin lahayd Ururka Khayriga ah ee UHWA oo waxbarashada
Degmada Gacanta ku haya isla markaana aan odhan karno
heerbuu gaadhsiiyay?
J. Horta UHWA marka hore waxa
aan usoo jeedinayaa salaan qaaliya, marlabaad waxa aan ku
amaanayaa hawsha wax ku oolka ah ee ay hayaan taasi oo durba
midho dhal ah, madaama laba arday oo soo kalay 10 ka arday
ee JSL uga sareeyaa yihiin, arday ka soo baxay mashruuca
UHWA, waayo marka laga yimaado Dugsiyada Cusub waxa isna si
fiican u shaqeeya Dugsigii sare kaasi oo wakhtigan ay ku
jiraan arday ah 30, walow ay ardaydaasi kala yihiin form one
iyo form three,hadana horumar fiican ayaa ka muuqda guud
ahaan Deegaanka Allaybaday taasina waxa suuro galiyay
Jaaliyadaha reer Somaliland ee kasoo jeeda Degmada
Allaybaday,hadaba waxa aan leeyahay UHWA oo aan usoo
jeedinayaa in aanay ka daalin hawshaasi wax ku oolka ah ee
ay dadkooda iyo deegaankooda u wadaan ee kasii badaniyaan
dadaalka siddii hore.
Waad mahad san tahay Caydaruus.