Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

AKADAMIYADA NABADA  AYAA ALLAYBADAY KA  FULINAAYA  BARNAAMIJKA WACYIGALINTA DIWAANGALINTA. Allaybaday, 14.October.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Barnaamij wacyigalineed ayaa shalay galab ilaa saaka ay ka fulinayaan Magaalada Allaybaday koox kasocota Akadamiyada Nabada, kooxdan oo sidda uu ii sheegay hogaamiya kooxeedkoodu Mr. Cumar Siciid Qaloon yidhi waxa aanu kasoo kicitinay Magaalada Madaxda Somaliland ee Hargaysa waxayna Ujeedadayadu ahayd in aanu dadka fahamsiino Mihiimada ay Diwaangalintu u leedahay Muwaadiniinta iyo in ay ka qayb qaataan hawlaha wacyigalinta codbixiyaasha. hadaba sidda uu ii sheegay waxa ay hawshooda wacyigalineed kasoo bilaabeen Xarunta Gobolka Gabiley ee Gabilay islamarkaasi waxa ay wacyigalin kasoo sameeyeen tuulooyin dhawr ah oo katirsan gobolka gabiley halkaasi oo ay ay kasoo fuliyeen Barnaamijkii wacyigalinta ee ay usocdeen. Intaasi kadib waxa ay shalay galab soo gaadheen Magaalada Allaybaday oo ay shalay ilaa saakaa ka wadaan barnaamijkoodii wacyigalineed ee khuseeyay ahmiyada ay diwaangalintu muwaadiniinta u leedahay iyo in ay wadaninimadu ku jirto in uu qofka muwaadinka ahi isdiwaangaliyo si uu uqaato kaadhka aqoonsiga muwaadinimadan oo uuna qofku codayn karin ilaa uu isdiwaangaliyo. waxa kale oo ay ii sheegeen in ay maanta galinka danbe u bixi doonaan deegaanada ka tirsan Degmada Allaybaday kuwaasi oo ay ka mid yihiin Diini-goobaale, Tincada, Taysa, Xidhinta, Geed Abeera, Harcadad iyo Geesdheere kuwaasi oo ay dhamaantood dadka u fahamsiin doonaan qaabka diwaangalinta iyo shuruudaha looga baahan qofka isdiwaangalinaaya iyo waliba faa’idada ay diwaangalintu  u leedahay muwaadinka.

Hadaba waxa aan odhan  karnaa Degmada Allaybaday iyo deegaanada ka tirsanba waxa aan dadka wali si fiican loo fahamsiin qiimaha diwaangalinta iyada oo  labada NGO ee qaatay Barnaamijkaasi wacyigalinta ee Gobolka Gabileyna ayna walisoo gaadhin Deegaana Degmada Allaybaday oo ay ahayd in ay Wacyigalin kasameeyaan sida kuwa Gobolka Gabiley ay uga samaynayaa iyada oo ay maantaba diwaangelintii qaranku si rasmiya uga bilaaban tahay Gobolka Saaxil islamarkaana ay ka bilaabmi doonto Gobolkan Gabilay 24 october wakhtigaasina ay ka hadhsan tahay mudo yar ayaa ay su’aasha iswaydiinta mudani tahay labadan NGO ee qaatay  Barnaamijka wacyigalinta Gobolka Gabiley goorma ayay Degmada Allaybaday u qorshaysan tahay in ay wacyigalinta ka fuliyaan?

Dhinaca kale Dadweynaha Degmada Allaybaday waxay aad u sugayaa qaybta ay ka qaadan doonaa Qurbo-joogta degmada u dhalatay ee ku midoobay ururka UHWA, ururkaas oo aad looga ixtiraamo degmada, awoodbadan iyo sharafbadane ku leh dadweynaha dhexdooda, Dadwweynuhu waxay suganaa qaybta ay ka qaadan doonaa Diwaangelingta ? 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com