
Wakhtigan xaalada
waxbarashada ee Degmadu waxa ay maraysaa meel fiican taasi oo
aan odhan karno intii ay UHWA gacanta ku haysay waxbarashada
degamada waxa ay waxbarashada Degmadu ku talaabsatay horumar
fiican kaasi oo aan maalinba maalinta ka danbaysa qaadaya
talaabo horumar leh taasina loo nisbayn karo dadka maalka
faraha badan u huray in ay dadkooda iyo deegaankoodba ku
caawiyaan si ay uga saaraan jahliga.
Hadaba iyada oo
ay sidaasi tahay waxa baryan danbe dhacda in ay dib u dhac ku
yimaado gunooyinkii Maclimiinta loosoo diri jiray taasi oo ay
Jaaliyadaha qaarkood caajis ka muuqdo taasina ay saamayn wayn
ku yeelanayso habsami usocodka hanaanka waxbarasho ee guud
ahaan iskuulada degmada, iyada oo ay tahay in aad loogu
dadaalo in aan dib looga soo noqon horumarkan lagu talaabsaday
oo ay wax u dhimi karto habsanka ku imanaya lacagaha
gunooyinka ah ee loosoo diraayo macalimiinta, waayo waxa jirta
in ay macaliinta Degmada aanay intooda badan aanay ka
gunaysnayn Wasaarada Waxbarashada ( inga 10 jeer ayaa
wasaaradau balanqaaday, waxba kamay suura gelin, waan laga
quustay ) isla markaana aan ardayda wax lacaga laga qaadin,
lacagta ay macalimiintu qaadataana ay tahay mid aan kaafiyi
karin baahiyaha macalinka iyada oo wakhtigan uu caalamka ka
jiro sixir barar ku yimid maceeshadii .
Hadaba waxa aan
waraysiyo kala yeeshay macalimiinta degmada qaar ka mid ah
sida ay u arkaan habsanka gunada loosoo diro iyo qiimo dhaca
ku yimid lacagta ay qaataan waxayna ii sheegeen in boqolkiiba
40% qiimo dhac ku yimid lacagtii ay qaadanayeen oo ayna u
goynaynn wixii ay hore ugu gayn jirtay, waxayna iigu
yidhaahdeen taasi waxa waliba noosii raacday lacagtii oo naga
habsaantahay, waxa kale oo aan ku idhi maxaad usoo jeedin
lahaydeen Jaaliyadaha gacanta ku haya waxbarashada degmada
islamarkaana idiinsoo dira lacagta gunada ah? Waxayna
yidhaahdeen runtii marka hore waanu u mahadnaqaynaa guud ahaan
jaaliyahaasi gacanta ku haya waxbarashada Degmada, marlabaad
aad ayaanu uga xunahay habsanka ku yimid gunada naloosoo diro
iyada oo ay bishani ahayd bishii ay dhacday habsankii ugu
dheeraa ee ku yimaada gunadii iyada oo waliba ciid kusoo
hagaagtay ayna ahayd in aanu qaadano ciida ka hor. balse aanu
qaadanay gunadii bishii hore ee september bishan october
15keedii taasi oo badhkaayo bilaa qureec ku yimid iskuulkii
markii ay meheradihii magaaladu ay is yidhaahdeen waxba looma
soo dirayo kadib markii ay dayn badan nagu yeesheen ama
aaminiwaayeen , hadaba waxa aanu jaaliyadaha usoo jeedinaynaa
in ay ku dadaalaan in ay ilaaliyaan wakhtiga ay soo dirayaan
lacagta gunooyinka ah intaasi ayay hadalkoodii kusoo koobeen
macalimiintaasi.
Waxa kale oo aan
wax ka waydiiyay dib u dhacaa ku yimid gunooyinka macaliinta
Guddida UHWA ee Allaybaday, waxayna iigu jawaabeen waxa aanu u
aragnaa arin adag oo culayskeeda leh, waxa kale oo aan
waydiiyay maxaad u malaynaysaan habkana in ay usobob yihiin?
Waxayna iigu jawaabeen waxa aanu anigu u malaynaynaa in ay
usobob yihiin isbadalkii lagu sameeyay Guddida.
Faallo:
Hadaba waxa jirta
in ay Macalinka mooraalkiisu fiicnaanayo marka si wanaagsan
gunada loosiiyo, si fiicana loola xisaabtami karo balse wax
imanaaya mooraal xumo marka wakhtigu iska adag yahay gunadiina
habsan ku yimaado hadaba waxa aan talo kusoo jeedin lahaa in
la dardargaliyo hawlaha waxbarashada si aynu uga salgaadhno
himaladeena oo imikaba meel fiican maraysa, balse aad moodo
in jaaliyadaha qaarkood caajiseen taasina ay ku tusi karto
iyada oo wakhtiyada qaar aanay jaaliyudu soo dirin lacagihii
gunada ahaa sida ka muuqata shaxda jaaliyadaha bixiya lacagta
taasi oo jaaliyaha qaar kood dhawr bilood isku gaadheen
taasina ay keentay sidda aan ku arkay email groupka in lasoo
jeediyo in dib loo isticmaalo lacagtii loogu talagalay Dugsiga
sare in boarding loogu dhisaayay oo aad moodo in aad loola
habsamay wakhtigan iyada oo ardayda dugsiga sare ay wakhtigan
heerkoodu maraayo galaaskii saddexdaad ee dugsiga sare,
Taasi oo sidda
shaxda ka muuqata jaaliyada Finland mooyaane aanay jirin
jaaliyad wali soo dirta lacagtaasi boardinka jaaliyadaasi oo
lacagtoodu ku jirto Accountka guud ee UHWA ee Dahabshiil.
Hadaba waxa aan
odhan lahaa waa in aynu ku dadaalaa sidii lacagta macalimiinta
wakhtigeeda loogu soo diri lahaa, tii Boardingkana siddii uu
qorshuhu ahaaba ay jaaliyaduhu kusoo dadaalaan siddii ay usoo
diri lahaayeen sidda Jaaliyada Finland oo kale.
Waxa aan waraysi
indiinka soo diri doonaa Dugsiga sare iyo Xaaladiisa
Waxbarashoba.
Maanta
Bishu waa 24.October, walina Jaaliyada soo dirtay lacagtii
bishan October ma arag.
Dhamaantiin waa la idin wado sugayaa.