Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

WAXA MAANTA DAB QABSADAY SUUQA MAGAALADA ALLAYBADAY, 24.October.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Dab wayn ayaa ka qarxay bartamaha suuqa Magaalada Allaybaday,dabkaasi qabsaday   suuqa ayaa waxyeelooyin balaadhan soo gaadhsiiyo meherado isugu jiray Bakhaaro Pharmaciyo Hotelo ayaa dhamaanba waxay noqdeen meheradahaasi qaar shufbeelay.kadib markii uu Dab xoogan oo ka dhashay Bakhaar lagu kaydiyo Shidaal uu ka uu qabsaday Dab ka dhashay Booyad shidaal ah  oo wakhtigaasi shidaal ku shubaysay Bakhaarkaasi kadib markii Matoorkii ku istaadhnaa booyadaasi uu dab dhaliyay, kadibna uu dabkii si dhakhso ah ugu fiday bakhaar kaalintaasi kayd u ahaa kadibna uu si xawliya ugu gudbay qaybihii kale ee magaalada.

Taasi oo markii uu dabkii magaalada ku fiday ay dadwaynihii magaaladu guud ahaanba aragagexeen iyada oo dadkii agagaarkaasi ka dhawaa ay  waxba qaadi kari waayeen oo ay xaalaadoodu ahayd alow ila baxso, dhanka kale xaafado badan ayaa iyana caruurtoodii kala cararay  kadib markii ay ka yaabeen xawliga dabkaasi iyo hanqadhka ka baxaayay  bakhaarkaasi istoodhka u ahaa kaalintaasi shidaalka oo ay qarax iyo dhawaaq xoogan ay samaynayeen foostooyin shidaal ahi kuwaasi oo inta ay cirka isku shareeraan hadana dib dhulka ugu soo noqonaayay.

Hadaba bakhaarkan istoodhka  shidaalka ahaa ayaa waxa iska lahaa ganacsade Maxamed Aadan C/laahi( maxamed Aadan Cagay) hadaba dabkan ayaa bilaabmay abaaro 2:40( labadii iyo afartan daqiiqo) taasi oo la bakhtiiyay ilaa 5;30 badhkii fiidnimo ayaa ay dadku kula tacaalayeen booyado ah kuwa magaalada biyaha  u dhaamiya ,

 

Hadaba dadwaynaha reer allaybaday ayaa ahaa kuwo aan hore u arag dab noocan oo kale ah,dabkan ayaa khasaare soo gaadhsiiyay 11 maheradood  oo dhamaantood shufbeelay balse aan wax dad ahi waxba ku noqon. 

Hadaba marka la eego dabkan iyo halka uu ka dhacay  ayaa ah mid guud ahaan khasaare balaadhan soo gaadhsiiyay ganacsadayaal fara badan oo guud ahaanba kuwaayay hantidoodii.

Balse nasiib wanaag wakhtiga dabkani dhacay ayaa ay na dhacaynin wax dabaylo ahi, balse uu dabku ahaa  mid sare u baxaayay haddii ay dabaylo jiri lahaayeena waxa la fililahaa khasaare intaasi ka badan marka loo eego xaruntan dabku ka dhashay oo ahayd u bucudii magaalada.

Hadaba intaasi kadib waxa jiray shir deg deg ah oo ay ka yeesheen Maamulka Degmadu,shirkaasi   oo ay ku xogwaraysteen ganacsatadii xoolahooda uu dabku qabsaday lahayd  taasi oo ay kasoo saareen qiimayn hor dhac ah oo ay ku sheegeen in ay hanti gaadhaysa $480200  dollar  uu ku baaba’ay dabkaasi. 

 

Waxa kale oo ay baaq usoo jeediyeen xukuumada JSL haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba  waxayna yidhaahdeen waxaanu ka codsanaynaa in gurmad degdeg ah ka gaystaan dhibkaasi soo gaadhay ganacsatadaasi.

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com