
Waftiga
booqday Allaybaday ee uu hogaaminaayo G/Xigeenka Koowaad ee
Golaha Wakiilada JSL C/Casiis Maxamed Samaale waxa ku
wahelinaayay masuuliyiin sare uu ka mid yahay Wasiir
kuxigeenka Wasaarada Duulista hawada Amed Cumar Cagadable ,
Maayar kuxigeenka degmada Gabiley Khadra X Gaydh iyo Gudoomiye
kuxigeenka Gobolka Gabiley C/risaaq Sh Aadan Cali,
Maxamed Odwaa
cigaal,
Ibraahin Carab
ceelaabe
iyo Sh,
A/rahman Xassan
waxayna
ujeedada safarkoodu la xidhiidhay laba arimood oo kala ah
qiimaynta dab shalay qabsaday Maherado ku yaala badhtamaha
magaalada Allaybaday oo khasaare wayni kasoo gaadhay
ganacsatadii maheradaha ku lahayd iyo dhismayaashii
meheradahaasi kuyaaleen iyo olole balaadhan oo ay dadka
deegaanka degmada allaybaday kuwacyigalinayeen sidii ay ugu
diyaargaroobi lahaayeen diiwaangalinta.
Waftigaasi waxa ay soo mareen tuulooyinka hoos yimaada Degmada
allaybaday waxaanay dadwaynaha deegaanadaasi ku nool kala
hadleen meelo fagaarayaal ah waxaanay u sharaxeen faaidada ay
diwaangalinta iyo kaadhka muwaadinimadu ay u leeyihiin,iyagoo
dadka u sheegay in ay usoo baxaan oo ay qaataan labada kaadh
ee lasiin doono si ay ugu codeeyaan doorashooyinka soosocda .

Markii
ay soo gaadheen Xarunta Degmada Allaybaday waxa ay booqdeen
goobtii shalay dabku qabsaday waxaanay indha-indheeyeen
baaxada uu leegyahay khasaarihii shalay uu dhaliyay dabkii
qabsaday Meherado Ganacsi oo gaadhaya 14 maheradood kuwaasi oo
dhamaantood shufbeelay wixii hanto hoos taalayna ay ku
baaba’day.
Gudoomiyaha degmada Allaybaday warbixin uu waftiga goobtaasi
kusiiyay waxa uu ku sheegay khasaaraha goobtaasi ka dhacay in
ay degmo ahaan ku qiyaaseen lacag gaadhaysa 480200 dollarka
maraykanka ah waxaanu baaq usoo jeediyay in la caawiyo loona
gargaaro dadka khasaarahaasi soo gaadhay oo dhibaato wayni
haysato .

Gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada JSL C/casiis Maxamed
Samaale iyo Wasiir kuxigeenka oo dadwaynaha allaybaday kala
hadlay burburkii goobta uu dabku qabsaday ayaa dadwaynaha ka
tacsiyadeeyay khasaarahaasi soo gaadhay waxayna u balan
qaadeen in ay gaadhsiin doonaan baaq caalamiya Hay’adaha iyo
Xukuumada somaliland si wax loogala qabto khasaaraha soo
gaadhay ganacsatadaas, sidoo kale waxa ay dadwaynaha ku
wacyigaliyeen in ay usoo baxaan diwaangalinta .