
1.S.
Gudoomiye wax aaad ka warantaa xaalada degmada
?
J. xaalada
guud ee degmadu aad bay u fiicantahay xaga
nabadgalyo iyo xag waxbarasho.
2.S. gudoomiye
waxaad noooga warantaa wax yaabaha qabsoomay mudada
aad xilka haysid
J.
Runtii waxyaabo badan ayaa qabsoomay , waxaana ka
mid ah : ceelkii dameero boob oo ay wasaarada
macdanta iyo biyuhu noogu deeqaday Engine wayn oo
biyaha soo tuura waxa kale oo iyana hirgalay in ceel
labaad laga qodo meel aan ceelkii hore ka fogayn oo
qarka Ethopia ah taas oo aan filayo in xaga biyaha
dadka deegaanku ayna ka cabandoonin,
Xaga xoolahana
waxaa noo suuragashay in lagu soo biiriyay
xanaanadii hore ee xoolaha qayb cusub oo xoolaha
lagu talaalo, waxa kale oo aanu rajaynaynaa in la
dhiso HALL GROUND lagu xanaaneeyo xoolaha taasi oo
aanu ku wareejinay dhulkii laga dhisayay hall ground
kaa wasaarada xanaada xoolaha ee JSL.
Xaga
caafimaadka ma leh dhakhtar laakiin waxay leedahay
M.C.H kaasi oo ay maamulka D/Hoose ee degmadu
gacanta ku hayn jiray laakiin ay imika la wareegtay
hayada bisha cas oo ay gacanta ku hayso maamulka
mch kaa iyo bixinta musharka shaqaalaha.
Waxa kale oo
ay bisha cas ka furatay degmada xafiisyo cusub
kuwaasi oo aanu maamul ahaan ugu deeqnay kana
shaqeeya magaalooyinka ku soo dhadhaw Allaybaday
kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wajaale iyo Farawayne.
Waxa kale oo
noo suuragashay in aanu xarunta D/Hoose dayr wayn u
samayno iyo in xafiis cusub ku soo biirino. Waxa
kale oo aanu howl gal ka samaynay wadadii u
dhaxaysay Allaybaday iyo Hargaysa oo aanu jirnay
22kgm, waxaana noo suura gashay in aanu ku darno
mashruuca balaadhan ee GNA ee lagu samaynayo
wadooyinka JSL ayaa lagu daray hagaajinta wadan.
Waxa kale oo
qorshaha sanadkan noogu jaray in aanu samayno 4
saldhig rugeed oo aanu u kala qorshaynay in aanu ka
dhisno toolooyinka kala Xidhinta, Taysa ,Geed
abeera, iyo Waadi xoor, oo aanu bilownay tii u
horaysay oo ah Taysa .
3.S.
Gudoomiye waxaad nooga warantaa xaga beeraha ?
J. Horta waxaa wax lagu farxo ah sida ay degmadeenu
wax soo saarka caan ugu noqotay taasi oo in badan oo
khudaarta ka soo go’da loo iib geeyo suuqyo badan,
hadaba waxaa noo suura gashay in aanu keeno degmada
haayad wadaniya oo la yidhaahdo ADO taasi oo
waxyaabaha ay qabatay ay ka midyihiin in ay dadka u
qoday 300 oo saacadood , 15 Engine iyo 1000 mitir oo
tuunbooyina iyo siidhis waxa kale oo ay u
siiyaan siminaaro aqoon korodhsi ah.
4.S. Gudoomiye
waxaynu la soconaa in ay masiibo ka dhacday degmada
ilaa hadana aanay helin dadku wax caawimo ah,
markaasi howshaasi caawimadu halkay maraysaa?
J. Haa runtii
roobabkii mahiigaanada ahaa ee da’ay 14/04/2007 waxa
ay keeneen khasaare balaadhan kaasi oo ay
waxyeeleeyeen in ka badan 77 harood iyo 261 higtar
oo dhulbeereed ah, hadaba ka maamul ahaan waxaanu
galanay dadaalk wayn oo aanu qaylo dhaan ugu
gudbinay haayadaha caalamiga ah iyo kuwa dowliga
ahba waxaanu u soo jeedinay dhinaca degmada
Allaybaday si ay indhahooda ugu arkaan wixii ka
dhacay deegaanka. Waxayna ka bixiyeen haayadahaasi
jawaab ka farxisay dadkii deegaan Allaybaday.
5.S.Gudoomiye
waxaad ka dhawaajisay in ay ka soo baxday jawaab
dadka ka farxisay, markasi taasi waa maxay maadaama
oo ayna muuqan wax talaabo ah?
J.way jirtaa
talaabooyin la qaaday waxaana ka mid ah howl galkan
aniga iyo haayadii fulinaysay aanu u wada socono
taasi oo 15/05/2007 haayadaasi ay bilaabi doonto
hawsha, howshaasi oo ay ugu horayn doonto xidhida
dhaamamkii jabay waxa kale oo dadka loo qaybin
doonaa dhamaan agabkii beeraha ee daadku qaaday oo
ay ka mid yihiin water pumps, seeds kii iyo
tuunbooyinkii, waxa kale oo iyana la qaban doonaa in
haraha la dhoobo qaado markay dhamaadaan.
6.S.Gudoomiye
maxaad u soo jeedin lahayb jaaliyada dibada ee
degmada ka soo jeeda?
J. Marka hore
waxa aad iga gudoontaan salaan dhamaantiin anigu aad
iyo aad ayaan idiinku amaanayaan sida
mutadawacnimadaleh ee wadaninimadu ku dheehantahay
ee aad degmadiina u soo xasuusateen gaar ahaan xaga
waxbarashada oo runtii maraysa meel fiican
amaanteeda iyo wanaageedaba aad idinku iska
leedihiin waxaan idin leeyahay dadaalkiina halkaa ka
sii wada ilahay ha idinku garab galee.
Aniga ka
Gudoomiye ahaan waxaan idinka codsanayaa in aad
masiibadan dhacadayna ka qayb qaadataan waayo cid
waliba cida ay tabayso ayay u qaylo dhaan u
dirataaye ana waxaan idiin soo jeedinyaa in aad kaga
qayb qaadataan hal sheewal ah si loogu aaso jeex
jeexyada iyo laagaha ka dilaacay magaalada waxaanan
idiin soo jeediyaa mahadnaq balaan
Wariye:ISMAIL
ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: +
2522357702
Email:
hilqadm@hotmail.com