
Waxa maanta
kormeer ku yimid Magaalada Allaybaday Madaxwayne kuxigeenak
JSL Axmed Yuusuf Yaasiin waxayna ujeedada Safarkiisu la
xidhiidhay sidda uu sheegay Wacyigalinta Diwaangalinta, waxa
kale oo uu soo maray goobtii uu ka dhacay dab baabiiyay
Meherado ganacsi kuwaasi oo dhamaantood ku shufbeelay
dabkaasi, halkaasi oo uu isaga oo indho-indheeyay baaxada uu
khasaarahaasi ugaystay Guud ahaan maheradaasi ganacsi intaasi
kadib waxa uu dib ugu soo laabtay khayriyada Allaybaday oo uu
dadka kala hadlaayay, hadaba intii uuna halkaasi ka hadlin
waxa hadal kooban ka jeediyay fagaarahaasi Gudoomiyaha
Degmada Xasan Cabdi cali oo kawaramay guud ahaan xaalada
Degmada iyo sidda ay tahay wakhtigan, waxa kale oo uu warbixin
ka bixiyay dabkii dhawaan qabsaday Meherado Ganacsi oo
gaadhaya 14 Meheradood oo uu ku sheegay Masiibo Qaran, waxa
kale oo uu intaasi raaciyay oo uu ka hadlay wacyigalinta iyo
sida ay Degmada Allaybaday ugu diyaargarowday,waxaanu sheegay
in Cuqaasha, Odayaasha, culimo awdiinka iyo dhalinyarada ku
dhaqan Degmada Allaybaday ay xilwayn iska saareen siddii ay
dadka u fahansiin lahaayeen qiimaha Diwaangalintu leedahay
isaga oo yidhi waxa aanu hawshaasi ugalay markii aanu waynay
NGOyadii qaatay wacyigalinta oo aan Degmada Allaybaday kasoo
Xaadirin, waxa kale oo uu ka codsaday M/wayne kuxigeenka
Gaadiid booliska loo helo isaga oo yidhi waxa soo socda
Doorashooyin isdaba jooga booliska degmaduna malaha wax
gaadiida intaasi ayuu gudoomiyaha degmadu hadalkisii kusoo
koobay.

Intaasi kadib
waxa makarafoonkii lawareegay M/wayne ku xigeenka Axmed Yuusuf
yaasiin waxaanu hadalkiisii ku bilaabay oo yidhi waxa aan soo
aragkay dhibkii uu dabku ugaystay Magaalada waxaanan ka
tacsiyaynayaa dadkii Maalkoodu ku baaba’ay goobtaasi wixii
aanu idinkala qaban karnan waanu idinkala qaban,waxa kale oo
uu yidhi waxa aan baryahanba waday wacyigalinta diwaangalinta
arintaasi oo ah ayuu yidhi hawl Qaran,markaasi waxa mihiima in
la qaato kaadhka muwaadinimada oo aan la’aantii laga qayb
qaadan karin doorashooyinka soocoda,waxaanu yidhi dadwaynaha
Degmada Allaybaday waxa aan aad ugu dhiirigalinayaa in ay ka
qayb qaataan diwaangalinta,isaga oo yidhi waxa wax lagu
qaybsan doonaa saamiyo oo degmo kasta waxa lagula xisaabtami
doonaa inta iska diwaangalisa oo sinaanmaayaan degmada ay iska
diwaangaliyaan 30.000 kun oo qof iyo tay iska iska
diwaangaliyaan 2000 qof oo waxbaa lagu qaybsan hadii ay noqoto
iskuulo,dhakhtaro iyo waxkastoo laqaybsanaayaba dib la isku
dulmiyimaayo ee ku dadaalka diwaangalinta ayuu yidhi, isaga
oo intaasi raaciyay 5 cisho ee hadhay fadhiga ka kaca ugu
danbayntii waxa uu hadalkiisii kusoo afmeeray oo yidhi hala
ilaaliyo Amaanka oo ah kaynu wax kasta ku gaadhnay.
Waxaa 2 cisho ka hor kormeer ku saabsan Diiwaangelinta iyo
Masiibada dab ee ka dhacay magaalada Allaybaday wafdi culus oo
hogaaminaayo Gudoomiya/xigeenka golaha wakiilada JSL Mudane
Sh. Abdiasiis Mohamed Samaale.