
Waxa aan maanta
booqasho ku tagay dugsiga sare ee Allaybaday wakhtigaasi aan
dugsiga tagay oo ahayd wakhti hore oo subaxnimo ah oo ay
ardaydu ay safka ku jireen sida caadaada u ah
dugsiyada,halkaasi oo ay ardayda khudbad uga jeedinayay
Maamulaha dugsigu , khudbadaasi oo dhinacyo badan taabanaysay
waxa uu Maamuluhu aad ugu dheeraaday Displineka iyo
akhlaaqiyaadka toosan ee ardayga looga baahan yahay iyo
waxbarashadu faa’idada ay leedahay,waxaana hadaldiisii kamid
ahaa isaga oo akhlaaqda ka hadlaayay ayuu yidhi akhlaaqdu waa
dariiqo kugu hagta shaqsiyan in aad noqoto qof adeeca oo
nidaam leh ardaygana waxa looga baahan yahay in uu noqdo
arday nidaam leh oo lagaga daydo akhlaaqiyaadka wanaagsan aanu
ka duwanaado inanka suuqa jooga oo ay ka muuqato
ardaynimo,sidoo kale mar uu ka hadlaayay iskuulka waxa uu
sheegay in uu iskuulku leeyahay hiigsiyo iyo himilooyin u
dajisan oo lagu gaadhi karo in la raaco sharciyada iyo
qawaaniinta u dajisan Dugsiga, waxa kale oo uu ardayda u
sheegay oo yidhi dhamaanteen waxa aan iskuulkan ka
rajaynaynaa natoojooyin wanaagsan, waxaanu sheegay in uu
iskuulku yahay dariiqda idiin suuragalinaysa in aad gaadhaan
himilooyinkiina, waxa kale uu Maamuluhu ka hadlay faa’idada
waxbarashadu leedahay isaga oo sheegay in ay waxbarashadu
tahay shayga kaliya ee lagu kala horeeyo , sidoo kale waxa uu
ardayda ku boriyay in ay ku dadaalaan waxbarashada isaga oo
yidhi maanta idinku waxa aad haysataan fursad qaaliya oo aanay
hore u helin ladadkii idinka horeeyay.intaasi kadib waxa aan
Maamulaha Dugsiga waraysi kula yeeshay xafiiskiisa
waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S. Maamule marka
hore waxa aad warbixin iga siisaan Xaalada Guud ee Dugsiga?
J. Runtii xaalada
Dugsiga sare meel fiican ayay maraysaa haddii ay tahay dhinac
waxbarasho iyo jawiga guud ee Dugsiguba.
S.Imisa Macalin
ayaad ku dhigtaan Dugsiga wakhtigan?
J. Waxa aanu ku
dhignaa Dugsiga 5 Macalin oo kala ah sidan:
1, Maxamed
Aadan Daauud( Maamule)
2.
C/raxiim Axmed C/laahi
3.
Maxamuud Xasan Maxamed
4.
Siciid mawlid Iiman
5.
Maxamed C/raxmaan
S. Maamule Waxa
jirta in Iskuulada Degmada Qoorkood ay Wakhtigan yihiin kuwa
ardayda lacag laga qaado markaasi Adigu waxa lacag ah maad ka
qaadaa Ardayda?
J. Maya runtii
anagu arday wax lacag ah kama qaadno habayaraatee ee waa bilaa
lacag Dugsigu,oo imika waxaaba jira arday dugsiyadii sare ee
ay Hargaysa ka dhiganayeen dib uga soo badashay markii ay
arkeen Iskuulkan ay Magaaladoodii yeelatay islamarkaana
bilaashka ah sidda fiicana wax loogu dhigaayo.
S. Waxa sanad
dugiyeedkan uu iskuulku yeeshay dhisme ugaar ah markaasi waxa
aad kawarantaa isbadalkaasi dugsiga iyo waliba xaaladiisa
waxbarasho ee xiligan?
J. Xaalada
waxbarasho ee dugsigu meel fiican ayay maraysaa wakhtigan,
takale haa oo waa runtaa oo sanad dugsiyeedkan wuu ka duwan
yahay kii hore oo waxa uu dugsigu yeeshay dhisme ugaar ah
waxa kale oo soo kordhay fasal cusub iyo waliba Macalimiin
cusub oo aanu iskuulka kusoo kordhinay,taasi oo maanta ay
iskuulka joogaan Macalimiin ku filan, waxbarashaduna waxa ay
Dugsiga uga socotaa sifiican sidda imikaba kaaga muuqata
iskuulka.siddoo kale ardaydu waxa ay maalin kasta qaataan 6
xiisadood iyada oo aanu raacayno Manhajka u dajisan Wasaarada
Waxbarashada JSL.
S. Waxa aad
kawarantaa baahiyaha Dugsiga ka jira xiligan?
J. Haddii aan
kawaramo baahiyaha ka jira Dugsiga way badan yihiin waxayna
kala yihiin sidan:
1.
iskuulku malaha wax biyo ah taangi ama barkad toona.
2. Dugsigu
malaha wax laydh ah taasina waxay dhaxalsiisay in aan lagu
baran Computeradii loo keenay ardayda si loo baro.
3. Iskuulku
waxa uu u baahan yahay oo kale Lab iyo Libarary
Kolay baahiya
Iskuulku way badan yihiin balse inta u mihiimsani waa intaasi.
S. Maamule Maxaad
usoo jeedin lahayd UHWA oo aad ogtahay in ay Gacanta ku hayso
Iskuulada Degmada?
J. Marka hore
waxa aan usoo jeedinayaa Salaan qaaliya, Marlabaad waxa aan
usoo jeedinayaa Hambalyo iyo Bogaadin aan ku bogaadinaayo
hawsha waxa ku oolka ah ee ay ka hayaan Dalkooda, Deegaankooda
iyo Degmadoodba, waxaanan leeyahay Hakadaalin Hawshaasi aad
haysaan ee halkaasi kasii wada, Dhamaan aniga oo ku hadlaayaa
ardayda, macalamiinta iyo waalida waxaanu Hanbalyo weyn u soo
diraan xubnaha joogta ah ee UHWA.
Warbixino kala ayaan idiinka hayaa
Madarasada Alfurqaan iyo Dugsiga Hoose ee Waadi-Xoor





