Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

Xaflado Loo Sameeyey Sanadguuradii 20aad Ee Somalida Degan Degmo Lagu Magaabo Vinje Oo Ku Taal Dalka Norway Iyo Warbixinihii Wax Qabad Ee Ururka Horumarunta Waxbarashada Degmada Allaybaday,30.October.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo



(
Sawiro) ”Somalida Degmadeydu Waxay Noqdeen Kuwa Tusaale Wanaagsan Loogu Soo Qaato Xagga Wax Qabsiga iyo Is Dhexgalka Marka Loo Eego Dhamaan Somalidii Dalkan U Soo Hayaantay” Cali Cabdi Maxamed Mudane Ka Tirsan Golaha Degaanka Degmada Vinje


Oslo(Ramaas) Okt.30, 2008 - Xaflado iyo damaashaad is dabajoog u socday muddo saddex cisho ah(24/10-26/10) ayaa ka dhacay Degmada Vinje ee gobolka Telemark  ee dalka Norway. Xafladahaas oo ujeedadda dabaaldegoodu ahayd 20 guuradii ka soo wareegtay markii Somalidii ugu horeysay degtay degmadaa. Waxa kale oo dabaaldega qeyb ka ahaa warbixin maqal iyo muuqaal ah oo ka hadlayey waxqabadkii Ururka Horumarinta Waxbarashada Degmada Allaybaday(UHWA) oo hal ku dhig looga dhigay ”Qaxooti caawinaya qaxooti kale”.

 Images: IMGA1583.JPG 

Somalida ku nool degmada Vinje ayaa tusaale wanaagsan loo soo qaataa marka loo eego isku filaanshahooda nololeed ee xagga shaqada iyo is dhexgalka. Halka Somalida kale ee ku nool dalka Norway ay dhaliil badani kaga timaado warbaahinta dalka, iyaga oo lagu sifeeyo dad aan wax badan ka qabsan dalkan cusub ee ay usoo haa

 Images: IMGA1570.JPG

Haddaba, xafladahaa oo lagu soo casuumay  dad kala duwan oo kala yimi gobolada dalka, waxa ka mid ahaa aqoonyahano dawladda norway kala shaqeeya arimaha Somalida, cilmi baadhayaal iyo siyaasiyiin. Kuwaas oo isugu jiray Somali iyo Norwejiba. Duqa degmada Arne vinje oo ka hadlay xafladaa ayaa wuxuu amaan u soo jeediyey somalida degmadu sida naf hurida ah ee ay ugu guulaysteen in ay wax la qabsadaan dadkii ay la soo degeen. Waxaanu sheegay in tacab badan la geliyey sidii loo fahmi lahaa dariiqyada ugu haboon ee wax lagula qabab karo qaxootigii cusbaa. Iyadoo xoogga la saaray xagga luqada, isla markaana uu qeyb weyn ka qaatay hawshan baaxada leh urur haweenka degmadu leeyahay oo loo yaqaan Kjeringar. Waxa kale oo uu sheegay Arne in Amnesty ku siisay degmada Abaalgud Caalami ah sidii ay wax ugu qabteen dadka soo galootiga ah siiba Somalida.
  Images: IMGA1605.JPG 

Waxa iyaguna goobtaa ka hadlay Baashe Muuse iyo Fawsiya Maxamed Xaashi oo iyagu ah laba aqoonyahan oo aad looga yaqaan dalkan Norway, oo iyagu goobtaa ka sheegay sida ay u xanuun badan tahay in qofku la qabsado nolol cusub iyo dhaqan cusub. Waxaanay caddeeyeen in ay u baahan tahay samir, dulqaad iyo tacab.

  Images: IMGA1630.JPG 

Xasan Samaale ayaa dadkii xaflada fadhiyey u soo bandhigay warbixin maqal iyo muqaal ah oo ku saabsan Ururka Horumarinta Waxbarashada Degmada Allaybaday(UHWA). Warbixintaas oo ka hadlaysay sida ururku uga caawiyey xagga waxbarashada dhalinta ku nool degmada Allaybaday iyo nawaaxigeeda, waxaana uu goobtaa ku soo bandhigay dugsigii ugu horeeyey ee Ururka UHWA ka hirgaliyo degaankaas. Dugsigaas oo dhismihiisu ahaa ood la soo wareejiyey, kuraasida ardeydu ku fadhiiyaana ahaayeen dhagxaan, iyada oo dadkii daawanayey aad u damaqday dareenkoodiina kicisay.  Jan M. Haakonsen oo la taliye khaasa u ah Guddiga Cilmi Baadhista Norway, isla markaana  sanado badan Laanqeyrta Cas uga soo shaqeeyey Somaliya ayaa isna ka hadlay dhibaatooyinka ka dhacay Somaliya. Kana faalooday bandhigii wax qabad ee Ururka UHWA, kaas oo uu ku tilmaamay in ay tusaale wanaagsan u tahay bulsho isku tashatay oo iyadu wax qabsaneysa. Waxaanu ku guubaabiyey dadkii xaflada fadhiyey in ay garab is taagaan oo wax la qabtaan.
                                      
Images: IMGA1543.JPG 

Dhanka kale waxa warbixinaha iyo khudbadaha barbar socday madadaalooyin, heeso iyo daawashada carwo lagu soo bandhigay agabka hidaha iyo dhaqanka Somalidu u leedahay.                                           Images: IMGA1549.JPG                                       Images: IMGA1553.JPG          
Images: IMGA1572.JPG
Images: IMGA1574.JPG
Images: IMGA1586.JPG
Images: IMGA1607.JPG
Images: IMGA1551.JPG
Images: IMGA1558.JPG
Images: IMGA1569.JPG
Images: IMGA1585.JPG
Images: IMGA1604.JPG
Images: IMGA1614.JPG
Images: IMGA1511.JPG
Images: IMGA1521.JPG
Images: IMGA1544.JPG
Images: IMGA1550.JPG
Images: IMGA1556.JPG
Images: IMGA1567.JPG
Images: IMGA1601.JPG
Images: IMGA1643.JPG
Images: IMGA1613.JPG
Images: IMGA1607.JPG
Images: IMGA1605.JPG


Abdirisak FadalRamaasnews

Norway

 

 


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com