
Allaybaday ayaa
waxa lagu qabtay Isku soobax balaadhan oo lagu cambaaraynaayay
qaraxyadii shalay lala beegsaday Madaxtooyada JSL, Xarunta
Qaramada midoobay ee UNDP iyo Safaarada itoobiya ee Hargaysa
isku soobaaxsi ay dadku ku muujinayeen sidda ay uga xun
yihiin falalkii foosha xumaa ee ismiidaaminta ahaa, ayaa waxa
ay dadku isoo bax ka dhigeen Faagaaraha Xoriyada ee Mujaahid
Maxamed Ali ee Magaalad Allaybaday. dadkaasi oo ay
shucuurtooda ka muuqatay Murugo iyo Cadho farabadani ayaa
waxa dadkaasi hadalo uga jeediyay halkaasi Masuuliyeen ay ka
mid ahaayeen Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Gabiley C/risaq sh
Aadan, Gudoomiyaha Degmada Xasan Cabdi Cali, Madaxa
waxbarashada Degmada Allaybaday Maxamed Aadan Daauud, Suldaan
Maxamed Daahir, Cuqaal, Culimo aw Diin iyo Odayaal.
Ugu horayn
halkaasi waxa ka hadlay Sh. C/laahi Muxumed Xuseen( Sh C/laahi
aw Gaab) waxaanu halkiisii ku bilaabay oo yidhi waxa halkan
aan isugu soo baxnay falkii foosha xumaa ee ka dhacay Magaala
Madaxdeenii hargaysa isaga oo yidhi dadkaasi waa dad ka xun
horumarka iyo masiirka Somaaliland gaadhay,waxaaanu sheekhu
sheegay oo yidhi nafta ku geeriyootay falkaasi ilaahaybaa
kulaa balse dhagar qabaa ku dhagaroobay oo ku galaaya Naar
kumana taalo diinta Islaamka dad nabad qaba oo Islaama oo
dagan in dhexdooda laga sameeyo fitan kumana banaan diinta
Islaamaka, waxaanu sheegay in dadkaasi ayna u dagaalmaynin
diin balse ay fulinayaan umado kale dantood, waxaanu halkaasii
ku soo koobay oo yidhi ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo
dadkaasi ku geeriyooday falkaasi,waxa kale oo isna halkaasi ka
hadlay Caaqil Axmed Aadan Cagay waxaanu halkiisii ku
bilaabay oo yidhi waxa ka dhacay Magaala Madaxdeena Hargaysa
aad baan uga xumahay waxaanan ka tacsiyaynayaa dhamaan
shacabwaynaha JSL isaga oo yidhi ninka Hargaysa u cadow ahi
adna waa kuu cadow ninka raga u cadow ahi Dumarkana waa u
cadow, ninka wadanka u cadow ahina dhamaanteen waa inoo cadow
ee aan iska ilaalino oo aan dhan ugasoo wada jeedsano.

Waxa kale oo
halkaasi ka hadlay Maxamed Aadan oo ah Madaxa waxbarasha
Degmada isaga oo sheegay in uu aad uga xun yahay falkii
argagixiso ee ka dhacay Hargaysa isaga oo yidhi waxa cadowga
Somaliland rabaa in uu ku waxyeeleeyo horumarka uu ku
talaabsaday dalkani, waxaanu yidhi waxa aan dadka ku
baraarujinayaa in ildheer looyeesho cadowga Somaliland ugu
danbayntii waxa uu ka tacsiyeeyay guud ahaan dalka JSL iyo
eheladii ay qaraabadoodu ku geeriyootay falkaasi.
Waxa kale oo
halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gabiley
C/risaaq sh adan iyo Suldaan Maxamed Daahir oo labadooduba si
kulul u dhaleeceeyay falalkii aragagixiso ee ka dhacay
Hargaysa iyaga oo siddoo kale guud ahaanba ka tacsiyeeyay
shicibwaynahay JSL.
Ugu danbayntii
waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Xasan
Cabdi Cali oo hadalkiisii ku bilaabay oo yidhi waxa aan
halkan isugu nimid in aan cambaarayno wixii shalay ka dhacay
Magaalada hargaysa waxa kale oo aan halkan ka tacsiyaynaynaa
dadwaynaha JSL iyo dadkii ay dadkoodu wax kunoqdeen ama ku
geeriyoodeen, waxa kale oo uu yidhi waxa aan dadwaynaha reer
Allaybaday ku borinayaa in ay nala shaqeeyaan oo ay soo
sheegaan cid kasta oo aad ka shakidaan indhihiinana kor u
qaada waxa kale oo uu yidhi waxa aan rajaynayaa in wakhti aan
fogayn in la shaacin doono dadka falkaasi ku kacay, waxa kale
oo uu yidhi degmada Allaybaday waa degmo balaadhan oo heegan
ugu jirta siddii ay cadawga somaliland uga hortagi lahayd s
waxayna shicibwaynaha Allaybaday ay guryaheeda iyo
meheradahoodaba uga soo baxeen waxa weeyaan cadhada ay u
qabaan cadowgooga iyo tiiraanyada ay ka tiiraayaysan yihiin
faldanbiyeedkii ka dhacay Magaalada Madaxa JSL. Waxaanu yidhi
waxa aan aad iyo aad u cambaaraynaa falkaasi argagiso ee ka
dhacay Hargaysa waxaanu yidhi waxa aan marlabaad ka
tacsiyaynayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay dadkoodu ku
dhinteen falkaasi waxaanan leeyahay ilaahay samir iyo iimaan
ha inagasiiyo iyagana naxariistii jano ilaahay kaga waraabiyo,
ugu danbayntii waxa uu shicibka somaliland usoo jeediyay gudo
iyo dibadba in ay isbarbartaagaan ciidanka qaranka iyo
booliskaba