
Xaalada waxbarasho ee Dugsiga
Degmada Allaybaday ugu weynaa, ayaa baryahan danbe aad iyo aad
u liidata, qabtii weynayd ee ahayd fasal kowaad iyo 6 ayaad
ayaa la xidhay sabab la xidhiidha dayactar lahaan haysay mudo
2 sanno ah, ardaydii maalinba maalinta ka daybaysa ka sii
tagaa dugsiga, sababo la xidhiidha dhismaha dumaaya,
macalimiinta oo yar, lacag laga qaado arday, bilaa cunto,
habada waxaan waraysi la yeeshay maamulaha dugsiga Alfurqaan
Allaybaday Mr. Ahmed Abdi XIRSI.
Wuxuuna u dhacay sidan:
S.
Maamule Marka hore waxa aad ka warantaa xaalada Madarasada iyo
sidda ay tahay xiligan?
J.
Xaalada Madarasadu way fiican tahay marka aan xaga
waxbarashada ka hadlo balse xaga dhismaheedu ma fiicno oo
galaasyo ayaanu uga soo guurnay markii aanu ka baqanay in ay
ardayda ku dumaan, markaa waxaanu wax dhiganaa oo qudhaata 3
fasal oo uu xafiisku ku jiro.
S.
Imisa Macalin baad ku dhigtaan Madarasada?
J.
Waxa aanu ku dhignaa 5 macalin kuwaasi oo kala ah sidan:
1. Axmed Aadan xirsi, Maamule
2. Maxamed Xasan Caydiid
3. Axmed muuse Cabdale( axmed
ciisood)
4. C/xakiin Muxumed Xaashi
5. Maxamed Cabdi yuusuf
S.
Madarasada Magalin uun baad dhigtaan mise labada galinba waad
dhigtaan?
J.
Labada galinba waanu dhignaa oo galinka danbena anaga uun baa
soo noqona, waxaa jirtay qayb dadwaaweyn oo hada aanu xidhnay
waayo, dhismo ayaan jirin.
S.
Ardayda lacag maad ka qaadaan mise waa bilaash Madarasadu?
J.
Ardayda lacag waanu ka qaadnaa, waxaan ka qaadnaa 5 000 ilaa
10 00 SL Shilings, lacagtaa oo la siiyo 3 macalin ee aan qurbo
joogto waxba siin, mida kale sixirbarbara xun ayaa dhacay oo $
50 waxba uma tarayaan macalin shaqayn labada gelinbta, Anagu
hadii aanu nahay ardayda, macalimiinta iyo waalida madarasada
waxaanu qabnaa in loo kale eexday Ardaydii Degmada, taas oo
ula jeeda, in macalin 3 sacadood shaqeeya la siiyo $ 200
dollar, ka shaqeeya 12 sacadood $ 50 dollar la siiyaa, waa
arin farsamo xumo ku timid, jecel nahay in UHWA Worldwide
saxo. waxaan tallo ahaan ku soo jeedin lahaa waa in la simaa
macalimiinta wax ka dhiga 3 dugsi ee magaalada Allaybaday ku
yaala.
S.
Maamule Tirada Ardaydu waa imisa sanadkan?
J.
Tirada ardaydu waa 170 wiil iyo 65 gabdhood, waa tiro
aad iyo aad u yar, waana markii ugu horeyse ee sidaa u
dhacaan, waxaana ugu wacan, dhismo la,aan, macalimiinta oo yar
iyo lacagta aanu ka qaadno ardayda, taas oo aanu rabno in aanu
ka dayno waa hadii UHWA guno joogta ah ka helaano.
S.
Maamule madarasada waxa ka muuqda Burbur farabadan oo qaybtii
hore ee madarasadu sidda aad hore u sheegtay waa ay dumaysaa
waxaana jirtay lacag loo ururiyay Madarasada si loogu dhiso
markaa arintaasi dhismaha maxaad kala socotaa?
J,
Runtii qaybtii hore ee Madarasada ee loogu hor dhisay oo aan
sida qaybtaasi aan jaajuur ahayn waa ay dumaysaa oo balse
qorshahaasi dhismaha waan maqlay in lacag loo ururiyay balse
ma ogi halka ay marayso wakhtigan, qolada Hargeisa ayaan ka
sugaanay in ay noo sheega wakhtiga la bilaabo, se mudo dheerba
waxba kamaanu maqal, emailka ayuunbaanu ku arag in lacag loo
ururiyay, se wax intaa ka badan lama arag, se hadii aan hada
wax laga qaban oo aan la isla gaashaan, caruurtaas meel ay wax
ku dhigtaan ma jirto, waxaan soo socda wakhti jilaal ah oo
aanay caruurta dibada fadhin karin, Markaa Qurbo jooga iyo
qolada Gudahaba waa la sugaaa.
S.
Baahiyaha ugu wayne ee haysta Madarasada maxaa ka mid ah?
J.
Baahiyaha Madarasadu waa ay badan yihiin balse hadana way kala
mudan yihiin waxaana ka mid ah kuwa ugu daran
1.
Qaylo dhaan: 6 fasal oo xidhan, ardaydii dibada
ay fadhiistaan, hadii aan wax laga qaban in aanu madarasada
xidhno ayay noqo.
2. Macalimiin yaraan. ugu
yaraan waa in lagu kordhiyaa 4 macalin
3, kuraas yaraan oo iyana jirta
4. Buugaagta Englishda iyo
Somaaliga oo aanu iyana u baahan nahay.
5.
Cuntada la siiyo Ardayda kale Degmada in caruurteean
Madarasada loo raadiyo.
S.
Ugu danbayntii maxaad usoo jeedin lahayd Jaaliyadaha ku
hawlan horumarinta Waxbarashada Degmada?
J.
Jaaliyadaha waxa aan usoo jeedinayaa marka aniga oo ku
hadlaaya magaca ardayda, macalimiinta iyo waalida waxaanu
leenahay aad iyo aad ayad u mahadsantihiin, dariq fiican ayaan
bilowdeen, in wax la saxo mooyi wa in aan dib loo noqon,
duruufo adag ayaa dibada iyo gudahaba ka jira, markaa wixii
aad qabateen waxweyn ayuu ka taray Degmada Allaybaday, wado
tashi badan iyo wado shaqayn badan ayaana wax lagu sixi karaa,
marka xigta in ay kordhiyaan dadaalkooda ay dadkooda iyo
deegaankooda ay ku horumarinayaan in ay isku duubnaadaan oo ay
iska ilaaliyaan wixii turaanturo ku ah hawlaha wax ku oolka ah
ee ay hayaan iyo in ay xoojiyaan tixgaliyaana Madarasada,
waxa kale oo aan usoo jeedinayaa in ay iyana tixgaliyaan oo ay
hoos u eegaan baahiyaasi Madarasada.




