
Waxa aan kormeer
ku tagay Dugsiga Waadi-Xoor aan u kuurgalay intii aan joogay
Iskuulkaasi sidda ay waxbarashadu uga socoto,Iskuulkani waxa
uu ka mid yahay Dugsiyada ay UHWA aasaastay kaasi oo aan
odhan karo waxa uu sameeyay horumar balaadhan, taasi oo ay
ardaydu dhigato labada galinba, hadaba waraysi ayaan la
yeeshay maamulaha dugsigaasi waxaanu u dhacay siddan:-

S.Maamule
Marka hore waxa aad guud ahaan kawarantaa xaalada Iskuula iyo
sidda ay tahay?
J. Xaalada
Iskuulku xaga waxbarashada aad ayay u fiican tahay oo
waxbarashadii waxa ay usocotaa siddii loogu talagalay, balse
waxa ay dhib naga haystaa xaga dhismaha oo ay ardaydii qaar
badani laayihiin meel ay wax ku dhigtaan, iyo taandhada uu
iskuulka ka dhisan yahay oo iyana imika aan fiicnayn oo
gabowday, waa taandho loogu tallo galay 1 sanno, oo maraasa
sanadkii 3 aaad.
S.Imisa
Macalinbaad ku dhigtaan Dugsiga?
J.Waxa
aanu ku dhignaa 2 macalin oo kala ah
1. Mustafe
Ismaaciil Muxumed, Maamule
2. Maxamed Cali
Axmed
S. Ardayda
Lacag maad ka qaadaan mise Iskuulku waa bilaash?
J, Ardayda lacag
waanu ka qaadnaa walow ayna badnayn oo waxa aanu ka qaadnaa
5000 shiling, waxaana bilow intii sixir bararka xumi dhacay,
hadii gunada yar ee lasiiyo lanoo kordhiyo, arday waxba ka
qaadi mayno, $ 50 waxba nooma taray, mida kale macalinka
dheeraad ayaan wax ka siinaa lacagta aan arday ka qaadno
S.Tirada Ardaydu
waa imisa ?
J, Tirada ardaydu
waa 161 arday ay 50 hablo yihiin.
S. Ardaydu
ma galinbay dhigtaan mise labada galinba waad dhigtaan?
J. Labada galinba
waanu dhignaa oo galinka danbe waxa naga caawisa NRCDA
oo 70 arday oo gender balance ah kusoo biirisay
iskuulaka oo 35 waa gabdho 35 waa wiilal.
S. Ma
isleedahay haddii aad ardayda lacagtaasi ka dayn lahaydeen
ardaydu intan waa ay ka badan lahaayeen?
J. waa suuragal
balse imikaba waxa jirta in aanu arday meel u waynay waayo
waxa isku dhexdhigta 3 fasal oo kala ah 1,2,3, saddexdaa fasal
way isku dhexdhigtaan.
S. Dugsigu
fasalkeebuu ku joogaa ama waa ilaa heerkee?
J. Iskuulku waxa
uu ku joogaa fasalka 4 aad.
S.Ka
Maamul ahaan ma kala hadasheen Haayada NRC in ay dhisme
Iskuulka kusoo kordhiso maadaama oo uu Iskuulkii iyo ardaydii
kala bateen?
J. Haa wayna naga
aqbaleen oo waxa ay yidhaahdeen markii horeba waa ay noo
qorshaysnayd markaasi sidda ay ii sheegeen dhawaan ayaa la
dhisayaa 4 fasal.
S.
Maadaama oo aad laba macalintihiin Fasaladuna ay yihiin 4
fasal inkasoo aad ii sheegtay in ay saddex ka mid ahi isku
dhexdhigtaan dhib intee leeg ayaad ku qabtaan ka macalimiin
ahaan?
J. Koloy
Macalinimada lafteedaaba iska hawl badan anan waanu kasii xag
jirnaa oo waxa kala badan ardayda iyo macalimiinta oo 4 fasal
iyo 2 macalin waad arki kartaa faraqa u dhaxeeya iyada oo
haddii dhismahasi lagu soo biiriyana ay hubaal tahay in ay
ardaydu kasoo badan doonto sida ay tahay imika.
S.Baahiyaha
haysta Dugsiga maxaa ka mid ah Maamule?
J.Kolay baahiyuhu
waa ay iska badan yiih balse way kala xag jiraan oo way kala
horeeyaan waana sidan.
1. Macalimiin
yaraan, ugu yaraan 2 macalin oo kale ayaa loo baahan yahay
2. Mushaarka oo
nagu yar, macalin 10 saacadood shaqeeya, waxba uma goynaaso,
caruurta badankoogu waa reer miyi oo lacag lagama qaadi
karo, markaa UHWA waxaanu waydiisanaa in mushaarka loo
kordhiyo dhamaan macalimiinta Degmada, tirada macalimiinta
la isku dheeri tiro.
S,Ugu
danbaytii maxaad usoo jeedin lahayd UHWA oo aad ogtahay in ay
gacanta ku hayso Iskuulada Degmada?
J, Marka waan
salaamayaa mar labaad waxa aan leeyahay dadaalkiina wada oo ha
kadaalina hawsha aad haysaan waad ku liibaani doontaan aakhiro
iyo aduunbee. mahadnaqwey iyo abaal dhinaca rabi iyo aakhir
ayaa ka heli doontaa.


haddii rabbi
yidhaahdo bal waxa aan ku dadaali doonaa haddii ay suurgal
noqoto in aan warbixino kasoo diro iskuuladii qodaalka
La soco warbixinada danbe ee dugsiyadan
sidda:-
Harcadaaad
( xaalad adag ku jirta )
Xidhinta
Taysa