Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

WAA SIDEE XAALADA GUUD EE  SADDEXDA  ISKUUL EE MAGAALADU IYO SHAQADA GUDDIDA ALLAYBADAY ? 12.November.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Xaalada guud ee saddexda iskuul ee Magaalada oo kala ah Dugsiga Sare, Dugsiga H/Dhexe ee Sh Axmed Qaalib iyo Madarasada Alfurqaan  waxay waxbarashadoodu maraysaa meel fiican oo hurumar leh, hadaba maanta mar aan kormeer ku tagay iskuuladaasi oo aan u kuur galay sidda ay Macalimiintu u gudanayeen Waajibaadkooda shaqo waxa uu ahaa mid kala gadisan taasi oo uu iskuulada qaar ay jadwalkooda ay iiga muuqatay oo aad si fudud u arki karaysay Iskuulka xiliga la galo iyo xiliga laga rawaxo iyo sidoo kale xeer hoosaad ay Macalimiintu ka leeyihiin Xaga Habsanka Macalinka taasi oo aan gaar ahaan ku arkay Dugsiga Sare oo Macalinkii bilaa fasax maqnaada uu mutaysto Ganaax laga jaro marka gunada lasiinayo, iyada oo aan Maamulaha aan waxa ka waydiiyay arintaasi iyo sidda ay ugu suuragashay in ay dhaqan galiyaan? waxaaanu uu ii sheegay in hawshani tahay arin mihiima oo wax badan ka tartay habsankii macalimiinta( teacher absenteesm and late comers) intaasi kadib waxa aan tagay Dugsiga H/Dhexe ee SH Axmed Qaalib Dugsigaasi oo ay dhigaan 10 macalin balse wakhtigaasi ay xaadir ahaayeen  8 macalin oo sadex ka mid ahi aanay UHWA waxba ka qaadan taasi oo Aan Maamulaha waydiiyay halka ay ku maqan yihiin waxa uu ii sheegayn in uu umalaynayo in ay xanuunsanayaan iyada oo aan waydiiyay maxaa talaabo ah ee aad ka qaadaa Macalinka sidan oo kale u habsaama waxaanu ii sheegay in uu digniin u qoro Guddidana lasocdsiiyo, Intaasi kadib waxa aan u dhaafay oo aan tagay  Madarasada Alfurqaan oo ahayd mid ay macalimiintu xaadir wada ahaayeen isla markaana ay sifiican u wateen shaqadooda.

 Guddida UHWA ee Xaruntoodu tahay Allaybaday ayaa Mushaarada siiyay  Maanta Macalimiinta Saddexdaa Iskuul ana waxa aan waraysi la yeeshay Macalimiintii saaka Gunada qaadatay iyo kuwii aan waxba qaadan ee aanay UHWA waxba siinin iyada oo aan Waraystay Marka hore Macalimiintii Mushaarka saaka qaadatay oo aan marka hore waydiiyay sidda ay u arkaan lacagtan Habsaantay? waxayna ku jawaabeen Macalimiintaasi oo ay yidhaahdeen kolay Anigu waxa aanu Jaaliyadaha soo dira lacagta ka codsanaynaa in ay ku dadaalaan siddii ay usoo diri lahaayeen lacagta wakhtigeeda oo aanay u dhaafi lahayn iyaga oo yidhi mar kasta way ku amaanan yihiin dadkaasi xoolahoodii u huraya in ay dadkooda wax ku baraan, balse waxa aanu leenahay wakhtiga uun ilaaliya, waxa kale  aan waraysi la yeeshay Macalimiin 3 saddex ah oo wax ka dhiga Dugsiga H/Dhexe ee SH Axmed Qaalib isla markaana aan wax mushaara  ka qaadan xaga UHWA waxaanan ku idhi cabasho ayaa aan idinka maqlayaaye maxaa  ay cabashadiinu ku lug leedahay ee aad ka cabanaysaan?

Waxaanay igu yidhaahdeen waxa aanu ka cabanaynaa mushaar la’aan iyaga oo yidhi waxa aanu wax ka qaadanaa Wasaarada Waxbarashada 3 biloodba mar markaasina waxa aanu qaadanaa $ 45 dollar, ardaydiina lacag lagama qaadayo UHWAna wax guno ah oo ay nasiinaysaa ma jirto markaa waxa aanu dadka waxbarashada Degmada Gacanta ku haya ka codsanaynaa in ay simaan Macalimiinta Degmada oo ay anan nasiiyaan gunadaasi Macalimiinta kale lasiinayo Maadaama oo ay UHWA tidhi ardayda lama waydiin karo wax lacag ah haba yaraa dee. 

Dhanka kale waa siddee shaqada Guddida Cusub ee Allaybaday ay Xarunteedu tahay? Mise kasoo baxeen shaqadii loo igmaday?

Guddidan Cusub ee Xaruntoodu ay Tahay Allaybaday waxa Allaybaday looga sameeyay waxa ay ahayd maadaama oo ay iyagu joogaan Degmadii in ay si fiican uga warhayaan Xaaladaha Iskuulada guud ahaan balse waxay waalidiinta iyo dadweynaha magaaladu in gudida Allaybaday joogtaa aanay ka soo bixin hawshii loo igmaday,  ma jirto wax  iska badalay siddii ay Markii hore u socotay hawsha waxbarashadu iyada oo ay Xaalad adag ku sugan yihiin Iskuulada Qodaalku gaar ahaan Taysa iyo Harcadaad taasi oo mudadaasi ay Guddidani Xilka haysay ay tageen Maalin kaliya Maalintaasi oo ay soo mareen  sidda ay ii sheegeen dad joogay Labadaasi Tuulo oo aan la xidhiidhay  iyada oo ay Macalimiintu ka maqan yihiin labada iskuulba oo ay joogaan tuulooyinka , balse ay balan qabsadeen ah bishana hooya haddii aad wax ka badali waydaana talaabo ayaanu idinka qaadi, taasina ay noqotay waxba kama jiraan oo ay bishii danbena lacagtii loo diray halkii laga wardooni lahaa in ay Iskuuladii shaqaynayaan iyo inkale.

Markaasi waxa dadweynaha magaalada Allaybaday u arkaa Guddi dayacday hawshii loo egmaday oo kasoo bixiwayday xilkii loo dhiibay, markaasi waxay 3 maamule ee dugsiga Allaybaday soo  jeedinayaa in UHWA Qurbo jooga iyo UHWA Hargeisa ka wado hadlaansiddii loo heli lahaa Guddi sifiican u shaqa oo dardar galisa Iskuulada Qodaalka oo kawarhayn badan u baahan,

Waxa kale oo jira in iskuulada qaar ama intooda badanba lacag laga qaado ardayda taasina ay ka baxsan tahay Hadafkii u UHWA,

Waxaan dhawaan Qorshaynaa in Kormeer gedis ah aan ku tago, Dugsiga Qodaalka oo dayacbadan laga soo sheegeeyo, taas oo mudo dheer kormeer lagu tagin, marka la eego gudida Allaybaday oo shaqadood ahayd iyo Gudida Hargeisa toona, waraysiyo iyo sawiro buuxda oo ka hadlaaya xaqiiqada dhabta ah ayaan ka soo diri doonaa insha alla.

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com