
Asalaamu Calaykum dhammaan reer UHWA
Allayabaday. Waa maalin farxad leh insha-allaahu.
Waxa shalay gallinkii dambe u baxay degmada Allaybaday
raashinkii iyo Maacuunkii dugsiyada degamada ee kala ah:
-
Geesdheere,
-
Geedabeera,
-
Harcadaad,
-
Xidhinta ,
-
Taysa,
-
Diinigoobaale
-
Waalid xoor.
Suurtagalnimada arrintan oo anu ka
shaqaynanay ilaa toddobadii maalmood ee ugu dambeeyey ayaanu
shalay ku guulaysanay in la raro sida aad ka aragtaan
sawirka baabuurkii siday oo aanu sii raacnay.laakiin galay
dooxa u dhexeeya Arabsiyo iyo geeshdeere halkaasi oo uu
xalay u hoyday.
Allaabta uu sido 2 baaburka oo uu iska leeyahay Axmed
Aw Geesh waa:
1) Maacuunkii oo dhammaystiran( Dussud, koobab iyo
suxuun)
2) Weelkii biyaha oo ka kooban foosto caaga, laba baaldhi oo
daboolle, iyo laba
jeerican dugsi kasta.
3) Korjad caw ah oo loogu talagalay in ardaydu ku fadhiisato
marka la qadaynayo.
tirada cawdu waxay ku xidhantahay tirada ardayda
dugsiga.
4) Raashinku wuxuu ka koobanayahay
Bariis, Sonkor, Saliid iyo Misir waxa doorkan ka maqan
boorashkii.
5) Raashinka oon badanayn darteed doorkan dugsiyada waxa loo
diray
bil raashinkeed halkii looga diri lahaa saddex bilood.
Arrintaasi waa guul inoo soo hoayatay oo ay ku mahadsantahay
wasaaradda waxbarashadu waayo dalaka dugsiyo dhisan ayaan
helin raashin, innagana
shiraacyadeenii ayaa ardaydii raashinkii loo raray.
Waxayna ku timid taakulaynta UHWA iyo dedaalka
guddida gudaha.
Waxaan ku soo gabogabaynayaa in hawlihii inoo
dhinnaa ee aanu ballan qaaday waxa ka hadhay :
Dhammaystirka dhismaha oon filayo inay
dhamaanto horraant 2009--- waayo.
-
Barwaaqo waa la dhameeyey,
-
Waalidxoor wuu bilaabmay( NRC),
-
Geesdheere wuxuu bilabmayaa inta ka
horraysa dhammaadka sannadka( CARE).
-
Diinigoobaale ilaa january 2009( SCF
Denmark).
-
Harcadaad ilaa january 2009( SCF Denmark).
Macalimiintii waxa mushahar qaadan doona
december 10 macallin ( toddobada maamule ee dugsiyada
raashinka loo sido) iyo saddex macallin oo ah Allabaday.
Hadaba waxaanu dhamaan UHWA Gudo iyo
Qurbo-joogba aan xasuusinaa in ay caruurt ay kordhaaso,
maanlinta cuntada la bilaabo, taas laga rabo in gudo iyo
dibadba loo diyaargaraabo in hawsha iyo macalimiintu
kordhaaso, dhamaan deeqbixiyaasha Hargeisa, Allaybaday iyo
Qurbo-joog oo dhami waa in u diyaargaroobaan isku duubni iyo
hawl dheeraad oo balaadhan.



Allaa Mahadle
Axmed Cabdi Bakaal
Xubin Deeqbixiyaasha UHWA Hargeysa.
