
Waxaa dadweynaha dhamaan Degmada Allaybaday ay calaamo
qoyan ku soo dhaween Rashiin iyo qalabkii waxbarashada
ee keenay dhamaan Dugsiyada Degmada, Hadaba Dugsiyada
sida rasmiga u helay mashruuca quudinta Ardayda sannada
soo socda waxa aka mid ah :
-
Hoose/Dhexe Sh. Ahmed Qalib, Allaybaday
-
Hoose
Gees dheere
-
Hoose Geed-abeera
-
Hoose/Dhexe Xidhinta
-
Hoose Harcadaad
-
Hoose Taysa
-
Hoose Waalid Xoor
-
Hoose Diini gooble
Magaalo
kasta oo la keenay qalabka Raashinka lagu samaynaayo iyo
Raashin labada bilood ee soo socda waxa loo sameeyay
xalfado waaweyn oo lagu soo dhawaynaa. dhanka kale
Ardaydaasi raashinka feedingka ah loo bilaabay ayaa ah
kuwo aad ugu diirsaday raashiinkaasi, Raashiinkaasi ayaa
wax wayn ka tari doona waxbarashada Deegaanadaasi iyada
oo halkii uu markii hore ardaygu bilaa cunto dib ugu
noqon jiray reerkooda uu imika dib ugu noqonaayo isaga
oo sii cunteeyay.
Dhinaca kale magaalo kasta oo caruurta cunto laga
siinaayo waxaaa ka shaqaynaa ugu yaraan labo qof oo
dumara.
Hadaba waxaa dhamaan la ogowsinayaa Deeqbixiyaasha
ururka dugsiga gacanta ku haya ee UHWA, gudo iyo dibad,
in dhamaan dugsi kasta ay arday ay labo jeer libin
laabin doonta, Taas oo ah in macalimiintu ay kordhi
doonto, waa in diyaar garow weyn loo kalaa, sidaa waxaa
yidhi Xoghaye UHWA Allaybaday Mr. Mohamed Haashi Cadur
oo shalay kula kulmay isaga gormeer ku jooga dugsi ka
mid dugsiyada magaalada Allaybaday.
Waalidiinta, Ardayda iyo Macalimta Degmada Allaybaday
waxay u diyaargaraabayaan arday oo aad u soo kordha,
suaashu waxa weeyi Qurbo joogta iyo UHWA Hargeisa diyaar
ma u yihiin in macalimtiinta la kordhiyo.
Dhamaan dadweynaha Degmada Allaybaday waxay mahadnaq
weyn u soo dirayaan dhamaan deeqbixiyasha UHWA Worldwide
iyo Gudida Guud ee Hargeisa fadhigeedu yahay iyo waliba
shakhsiyaada sida gaarka uga shaqeeya mashruucan
Horemarinta Degmada, gaar ahaan kan raashinka lagu
saaray.



.







