
Waxa saaka laga
bilaabay Magaalada Allaybaday hawl wado banayn ah taasi oo ay
fulinteeda iska kaashadeen UHWA-ALLAYBADAY, D/Hoose ee
Allaybaday iyo Dadwaynaha Magaalada iska ururiyay lacagtaasi
lagu fulinaayo hawshaasi.
Hadaba mar aan
kula kulmay Gudoomiya UHWA-Allaybaday, Mr Maxamuud Yussuf
iyo Gudoomiye kuxigeenka Degmada Allaybaday Daahir Cabdi
Jaamac goobta ay shaqadu ka socotay waxa aan waydiiyay su’aal
ah hawshan aad wadaan waxa aad iska kaashateen gudida UHWA
Allaybaday iyo Dadwaynaha Magaalada bal arintaasi kawaran sida
aad ku bilowdeen? waxaanu igu yidhaahdeen markii aanu aragnay
in baahi wayn loo qabo in marka hore biyahay magaalada laga
weeciyo ayaanu shir la galay Odayaasha Magaalada kadibna
waxaanu isla garanay Odayaashaasi in qaadhaan kasoo ururiyaan
Magaalada anan aanu ku darno inta ay soo ururiyaan maahee
wixii kale ee dhinma.

Waxa kale oo aan
waydiiyay hawshani ma waxa ay ku kooban tahay oo kaliya in
aad biyaha Magaalada ka xidhaan islamarkaana aad buuxisaan
Meelihii ay Daadashii kal hore ay gododka ka qodeen mise waxa
jira hawlo kale oo daba socda hawshan aad wadaan imika?
Waxayna
iigu jawaabeen, runtii waxa aanu bilownay maanta Hawshan aad
arkayso oo ah saddex qaybood oo kala ah
-
In
aanu marka hore sino wadooyinka Magaalada oo buuxino
meelihii ay daadashu gododka ka sameeyeen.
-
In
aanu magaalada biyo xidheen u samayno si aanay biyuhu
magaalada usoo galin oo waligeedba magaaladu waxa ay lahaan
jirtay maag biyaha ka qabta balse sanadihii u danbeeyay
maagii ayaa baaba’ay oo biyihii ayaa magaalada soo galay
taasi uu waxyeelo soo gaadhsiiyay guryo badan oo magaalada
ah,
-
In
aanu cagaftan ku banaynaynaa oo dhulkii 5km ahaa ee danta
guud ee magaalada markaasi hawshan aanu bilownay saddexdaa
waji ayay isugu jirtaa.
Gudida
UHWA-Allaybaday ayaa waayo aragnimo weyn u leh, ka warhaynta
baahida iyo bilicday magaalada Allaybaday, waxay aad u yaqaan
hab si fudud loogu ururiyo qadhaan danta guud lagu qabanaayo,
waana waxqabadkii ugu horeeyay ee ka baxsan mashruuca
waxbarashada ee ay la gaashadaan maamulka degmada Allaybaday,
waan bilow fiican oo dadweynaha Degmadau aad u soo dhaween.

