Maanta
oo ay bishu tahay 15/05/007 waxa magaalada
Allaybaday ay keentay haayada wadaniga ah ee
HAVOYOCO, ee fulinaysa Mashruucan lagu xidhaayo
dhaamamkii jabay ee ay jabiyeen roobabkii ma
hiigaanada ahaa ee da’ay 14/04/007, Cagafyadii
xidhaayay dhaamamkaasi jabay, kuwaasi oo bilaabi
doona hawshaasi xidhitaanka ah bari sida ay ii
sheegeen Madaxda Hayaadaasi Wadaniga ah ee HAVOYOCO
hadii alleh yidhaahdo.
Waxa
aad u soo dhaweeyay dadwaynaha ku nool degmada I
maantinka cagafyada oo baryahanba aad loo sugaayay,
dadkuna ay aad ugu farxeen imaatinkaasi waayo waxa
jirtay in dadku ay dadaal sameeyeen ay ku
xidhayeen dhaamamkaasi jabay iyaga oo
isticmaalaayay bacaha raashiinka si ay ugu sii
hayaan biyaha yare e ugu hadhay dhaamamka ugana sii
faaidaystaan biyahaasi xaga wax beerista, laakiin
markii ay roobab kale oo waawayni de’en uu si dhib
yar u qaadaayay bacahaasi raashiinka ee ay u
isticmaaleen xidhitaanka dhaamamka jabay, wax
yeelana soo gaadhsiiyay abuurkii ay marlabaad
beereen, ayay dadku ka niyad jabeen wax beeristii
maadaama oo dhamaamkii biyaha ka qaban jiray
dhulbeereedka ay jaban yihiin si fududna uu u qaadi
karo haddiiba ay mar saddexaad beeraan
dhulbeereedkaasi iyaga oo jaban dhaamamkaasi, ayay
dadka deegaanku aad u soo dhaweeyeen imaatinka
cagafyadaasi u xidhaya dhaamamka jabay

Waxa kale oo ay dadka
deegaanku mahadnaq balaadhan u soo jeedinayeen
Haayadaha caalamiga ah , kuwa dawliga ah iyo
Gudoomiyaha degmada oo isna ugalay dadaal badan oo
qaylo dhaana ah,
Dadaalkiisaana ku
guulaystay in dadka dhibku soo gaadhay wax loo
qabto.
Waxa
kale oo iyana maanta kulan isugu yimid Ururka
Horumarinta Beeralayda iyo Haralayda ee Degmada
Allaybaday, Kulan koodaasi oo ay kaga hadlayeen
siddii ay Contrabition ugu hore gudoomiyaha
degmadu u balan qaaday ay ugu darsan lahaa yeen
Mashruucan dhaamamka loogu xidhayo iyo siddii ay
wada shaqayn buuxda ula yeelan lahaayeen hawl
wadeenada haayadaasi,
Ugu danbaytii waxay
go’aam ku gaadheen ururkaasi in ay kaga qayb qaataan
hawshan loo qabanaayo in uu dhaamkastaa bixiyo
saddex saacadood lacagtood iyo in si fiican loola
shaqeeyo Haayadaasi fulinaysa hawsha.
Wariye:ISMAIL
ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: +
2522357702
Email:
hilqadm@hotmail.com