
Waxa maalintii
labaad ay dadwaynaha Magaalada Allaybaday ay aad ugu soo
dareereen Diwaangalinta taasi oo aad arki karaysay safaf
dhaadheer dad ugu jira in ay is diwaangaliyaan si ay u qaataan
labada kaadh ee kala ah Kaadhka Muwaadinimada iyo ka
codbixinta, balse waxa ay ka kooban yihiin goobaha
diwaangalinta Magalaada Allaybaday 4 goobood afartaasi goobaad
ayaa Saaka mid ka mid ahi ay ahayd mid aanay wax shaqo ahi
kasocon ilaa 1;00 duhurnimo balse wixii kowdii ka danbeeyay
lagu guulaystay in dib looga shaqaysiiyo goobtaasi oo cilad
farsamo ku timid, sidoo kale waxa iyana shalay cilado ku
yimaadeen 3 goobood oo ka mid 14 Goobood ee Degmada Allaybaday
goobahaasi oo kala ahaa Xidhinta, Geed Abeera
iyo Tincada oo aan iyada shalay wax Diwaangalin ahi
aanay ka dhicin haba yaraatee balse saaka ay si fiican ay
shaqadii dib uga bilaabantahay .

14 Goobood ee Degmada Allaybaday sida fiican uga socdaa hada
waa
-
4
Goobood ee magaalada Allaybaday, ( Dhismaha Dawlada hoose,
Xaafada Hilaac, Xaafada Onkod iyo Allaybaday-Ethipia )
-
Suuqweynaha magaalada Xidhinta
-
Dugsiga
Taysa
-
Dugsiga
Tincada
-
Dugsiga
HarCadaad
-
Dugsiga
Geed Abeerah
-
Dugsiga
Gees Dheere .
-
Dugsiga
Diinigoobaale .
-
Dugsiga
Waadi Xoor .
-
Dugsiga
Laayo
Waxa ay
dadwaynahaasi isdiwaan galinaayay wajiyadooda ka muuqday
farxad taasi oo mar aan qaar ka mid ah su’aalo aan waydiiyay
ah sidda ay u arkaan in ay Isdiwaangaliyaan waxaanay iigu
jawaabeen Diwaangalintu waa hawl qaran waananu ku faraxsanahay
in aanu Isdiwaangalino, hadaba ilaa hada Diwaangalintu waxa ay
guud ahaan Degmada Allaybaday uga socotaa si habsamiya.
Dhanka kale waxa
saaka Socdaal ku soo gaadhay Gudoomiyaha Xisbiga-qaran ee
Kulmiye Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Musharaxa M/xigeenaka ee
Kulmiye Mr. C/raxmaan Saylici iyo Xubno kale oo ka mid
ahaa Xisbiga Kulmiye waxaanay dhamaan soo mareen Goobaha ay ka
socotay Diwaangalintu iyaga oo dadkii Isdiwaangalinayayna ku
boriyay in ay Isdiwaangaliyaan iyaga oo u sheegay in ay
Diwaangalintu qayb ka tahay Muwaadinimada oo waxa ay ku
yidhaahdeen dadkaasi ay lahadlayeen in qofkii aan
isdiwaangalin ay Muwaadinimadiisu aanay dhamaystirnayn.

Dhinaca
kale waxaa shalay wafdi balaadhan ku yimid Dhamaan meelaha
diiwangelintu ka soco shirgudoonka Golaha wakiilada
Somaliland, Mr. Cabdirahman M. Ciro, Cabdiasis M.Samaale,
Baashe M. Farah iyo wafdi balaadhan oo ay hogaaminayeen
gormeer ku soo maray dhamaan degmooyinka gobol weynaha
Gabiley.






