
Waxa maalintii
Afraad gashay isdiiwaan galinta ka socota Gobolka Maroodi Jeex
ee Hargeisa hadaba dadwaynaha Degmada Allaybaday ayaa ah kuwo
si wayn ugu soo baxay diiwaan galinta waxaanad arki karaysay
boqolaal dad ah oo kuyuu ugu jira safaf dhaadheer sidii ay u
qaadan lahaayeen labada Kaadh ee kala ah Kaadhka Jinsiyada
iyo ka codaynta hadaba dadkaasi ayaa ahaa kuwo aad ugu
heelanaa sidii ay ugu guulaysan lahaayeen inay helaan
labadaasi Kaadh, hadaba waxaa si habsamiya u socota hawsha
goobaha diiwaan galinta Degmada Allaybaday taasi oo aanay
jirin wax cilado ah oo la soo sheegayo.
Tirada ilaa hada iska diiwaangelisay Degmada Allaybaday
waxaa lagu qisaaya in maalin walba tiro 2 000 ilaa 3000
qof, sidaa waxaa ii sheegay gudoomiyaha Diiwaangelinta
Degmada, qiyaasii shalay magaalada Allaybaday waxaa iska
diwaangeliyay 1000 qof labo meelood oo ka mid afarta
meelood ee magaalada ku yaala.
Hadaba waxa
maanta shir jaraa’id Ku qabtay magaalada allaybaday G/Xigaanka
koobaad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Mudane
C/casiis Maxamed Samaale shirkaa Jaraa’id oo ay ku
waheliyeen Wasiir ku xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL
Mudane Cali Sh Maxamed Cabdi iyo Suldaanka guued ee
Degmada Allaybaday Suldan Axmed-nuur C/laahi Samaale.
ŕyaa uu ugu horayn shirkaasi jaraai’d uu ka hadlay Mudane
C/casiis Maxamed Samaale waxaanu yidhi 339 goobood ee Gobolka
Maroodi Jeex aad ayay ugu yar yihiiin isaga oo yidhi Gobolka
Maroodi Jeex waa Gobolka ugu Baaxad wayn Guud ahaan
Somaliland sidaasi daraadeed kuma filo goobahaasi waxa oo uu
yidhi waxa iyana aad ugu yar Maalmaha 6 lixda ah ee loo
qoondeeyay in ay Diwaangalintu ka socoto Gobolka isaga oo
sheegay in aanay maalmahaasi dadka Gobolka Maroodi Jeex
isuwada diwaangalin karin taasi oo uu Marka hore Komishanka
Qaranka usoo jeediyay in loo kordhiyo Gobolka Maalmahaasi ay
ugu talagaleen si ayna u dhicin in laga tago dad aan
isdiwaangain oo gobolka u dhashay, waxa uu aad uga hadlay in
mihiim tahay in ugu yaraan lagu kordhiyo labo maalmood.
Siddoo kale waxa
iyana shirkaasi Jaraa’id ka hadlay Wasiir ku xigeenka
Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudane Cali sheekh iyo Suldaan
Axmed-Nuur C/laahi Samaale oo labadooduba Komishanka Qaranka
iyo Guud ahaan Madaxda Qarankaba ka codsaday in loo kordhiyo
Maalmahaasi loo qoondeeyay in ay Diwaangalintu kasocoto
Gobolkan Maroodi Jeex .
Meelo
badan oo ka mid Gobolkan Gabiley waxay diiwaangelin si fiican
ugu dhacday labadii maalmood ee ugu danbeeyay, sida 6 goobood
oo ka mid ah 14 goobood ee degmada Allaybaday.




