Waxa caawa markay
saacada ahay 8 fiidnimo la xidhay dhamaan 337 goobood ee laga
Diwaangalinta Gobolka Maroodi jeex, hadaba waxaan caawa soo
maray 4 goobood ee la iska diiwaangelin magaalada Allaybaday,
meelkasa waxaa horjooday dad gaadhay 400 ilaa 600 boqol oon
nasiib u helin in ay is diwaangeliyaan, mar aan la xidhiidhay
dhamaan tuulooyinka Degmada waxaa la ii sheegay in meelo badan
hore loo xidhay, taas oo dad badani aanay jaanis u helin in is
diwaangeliyaan.
Waxaan
xidhiidh la sameeyay masuulinta koomishkan doorashada ee u
qaabilsan Degmada Allaybaday, waxay ii sheegeen in Tirada ilaa
hada la tiray ee diwaanta gashay in ay tahay qiyaasta 17
000 ilaa 20 000 (laban kun ) qof,
balse Tirada
Dadka iska Diwaangaliaya oo Rasmiya waxa aan kusoo sheegi
doonaa marka ay Diwaangalinta Degmada iyo Gobolka la shaaciyo
maalmaha soo socda.
Dhanka kale waxa
iyana lixdan maalmood ee Diwaangalintu kasocoto Degmada
Allaybaday iyana kusugan Masuuliyiinta Degmada kasoo jeeda oo
siweyn ula shaqaynaayay koomishka qaran, waxay kala ahayeen :
-
Mudane C/casiis
Maxamed Samaale, Gudoomiyekuxigeenka Koowaad ee Golaha
wakiilada ee JSL
-
Mudane Axmed
Cumar Cagadable, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Duulista
iyo Hawada ee JSL
-
Mudane C/risaaq sh Aadan
Cali, Badhasaab ku xigeen Gobolka Gabiley
-
Marwo Khadra
X Gaydh, Gudoomiye kuxigeenka Degmada Gabiley.
-
Mudane Muxumed aw Cabdi
Ismaaciil, Xildhibaankii hore Degmada
-
Mudane Ibraahin Carab
Ceelaabe, Wasiir hore ee Beeraha .
-
Mudane Maxamed Odwaa Cigaal
-
Mudane
Sh C/raxmaan Xasan
-
Mudane Mohamed Aw Daahir,
Wakiil UHWA - Qurbo joog.
-
Suldan Axmed-Nuur C/Lahi
Samaale, Suldanka Degmada.
Xubnahaa oo
dhamaantood la shaqaynaa koomishan qaran ee gobolka.
Hadaba
waxaa
Magaalada
Allaybaday maanta ka Muuqatay Dhaqdhaaq kabadan kii hore oo
aad moodaysayba in ay maanta kow tahay Diwaangalintu safafkuna
aanay isdhimin hal maridh ilaa saacadii ugu danbayse ee 8
habeenimo ka jiray, waxaan la kulmay dad faro badanoo hawda
sarre iyo dhul fogfog ka yimid oo aan jaanis u helin in
qaataan, maadaam ayay safafku dhaadheeraayaan.

Hadaba mar aan
maanta kula kulmay Wasiir kuxigeenka Duulista iyo Hawada Axmed
Cumar Cagadable isaga oo kusugan Goob ka mid ah Goobaha
Magaalada Allaybaday oo aan waydiiyay sidda uu arko sidda ay
usocoto Diwaangalintu iyo sidda uu yahay Dareenkiisa
shaqsinimo waxa uu iigu jawaabay, Marka hore waxa aan
Dareemayaa Farxad dheeraad ah waxaanan hawshan ku ugu
hambalayaynayaa guud ahaan dadka Degmadan Allaybaday oo
xilwayn iska saaray siddii ay u dhamaystiri lahaayeen
Muwaadinnimadooda ee ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka kala ah
ka jinsiyada iyo ka codaynta, waxaanan leeyahay halkaasi kasii
wada wakhtiga idiin hadhay oo ka daalin safafkan aad ugu
jirtaan in aad heshaan wixii aad xaq u lahaydeen,
Diwaangalintuna sifiican oo habsamiya ayay uga socotaan Guud
ahaan Degmada walow ay ku yar yihiin Goobuhu iyo wakhtiguba
ayuu yidhi Mr. Axmed Cumar Cagadable.
Guud
ahaan Diiwaangelin ka dhacday gobolka Maroodi jeex waxay u
dhacday si fiican oo nabad ah, gaar Degmada Allaybaday waxay
ugu dhacday si fiican, culuska qudhaatee la dareemay waa
wakhtiga iyo goobaha oo yaraaday.





