Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

DIIWAANGALINTII GOBOLKA HARGAYSA OO SOO GABOGABOWDAY IYO NATIIJOOYIN HORDHACA OO LAGA SHAACIYAY DEG.ALLAYBADAY, 07.Desember.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Waxa soo gabogabowday isdiiwaangalintii ka socotay Gobolka Maroodi Jeex lixdii maalmood ee aynu soo dhaafnay taasi oo xalay si rasmiya loo soo gabogabeeyay Gobolka walaow ay jiraan dad aan nasiib u helaan inay qaataan Kaadh Aqoonsiga iyo kacodaynta dadkaasi oo uu wakhtigii ka dhacay iyaga oo taagan safkii  balse waxa jiridoonta Goob  mudo 15 maalmood ah sii shaqayndoonta oo laga tagi doono Degmooyinka sida Komishanku shaaciyeen.

Hadaba waxa maanta Magaalada Allaybaday shir jaraaiid ku qabtay gudida Horumarinta Degmada, Maamulka Degmada iyo koomishan qaranka qaybta Degmada waxay shaaciyeen natiijooyin  hordhaca oo kasoo  baxaya Degmooyinka Gobolka Gabiley. hadii aan sooqaadano Degmada Allaybaday ayaa waxa la sheegayaa tirada guud ee iska diiwaangalisay inay tahay ilaa 21081 qof ayaa waxaa saaka tafaasiil ka bixiyay hawshaasi Diiwaan galinta iyo sida la iskaga diiwaan galiyay Degmada Masuuliyiinta Degmada u dhalatay waxyna sheegeen in tiradaasi iska diwaangalisay degmada iyaga oo aad ugu mahadnaqay dadwaynaha Degmada oo ay ku amaaneen xilka wayn ee ay iska saaray hawshaasi diwaangalinta waxayna tafaasiishaashi u shaaciyeen sidan:-   

  1. Allaybaday A                             2247  

  2. Allaybaday B                            1865

  3. Allaybday C                             1691

  4. Allaybaday D                           1557

  5. Xidhinta                                  1920

  6. Geed Abeera                            1221

  7. Harcadad                                1020

  8. Taysa                                      1277

  9. Tincada                                  1656

  10. Waadi Xoor                            1230

  11. Laaye                                      1336

  12. Magalo Farxan                      1435

  13. Kambarwaqo                         1660

  14. Diingoobaale                         0986

Total                                   21081 (kow iyo labaantan kun iyo 81 qof )

Tiradaasi waxa ay ku sheegeen Masuuliyiintaasi Tiro hor dhac ah, waxa kale oo xusid mudan in  Afarta goobood ee Magaalada Allaybaday goobta  A ay ka gashay kaalinta labaad Gobolka Gabiley oo ay ka horayso oo kaliya Goob Wajaale ah oo noqotay 2700 lixdaasi maalmood ee ay socotay diwaangalintu.

Degmada Allaybaday waa Degmada ugu yar 3 dad degmo ee uu Goboka Gabiley ka kooban yahay, Dadweynuhu waxa sugayaan tirada ka soo bixi doonta labada degmo ee waaweyn, waa Degmada Wajaale iyo Gabiley.

 

Gudida ka kooban 8 masuul, Godoomiya Degmada iyo Suladaanka Degmada oo Shirka aad ugu hadlay, waxay abaal weyn iyo mahadnaqweyn u soo jeediyeen Dadweynaha Gobolka, maamulka Gobolka iyo Degmooyin, Dawlada, Xisbiyada Qaranka iyo ururka Qurbo joogta Degmada Allaybaday ee UHWA oo qaybweyn oo dhaqaale kaga qayb qaatay Diiwaangelinta laga sameeyay Degmada iyo Gobolkaba.

Masuuliyeenta ka hadlay shirkaa waxay kala ahaayeen :

  1. Mudane C/casiis Maxamed Samaale, Gudoomiyekuxigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada   ee JSL

  2. Mudane Axmed Cumar Cagadable, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Duulista iyo Hawada ee JSL

  3. Mudane C/risaaq sh Aadan Cali, Badhasaab ku xigeen Gobolka Gabiley

  4. Marwo Khadra X Gaydh, Gudoomiye kuxigeenka Degmada Gabiley.

  5. Mudan Xasan Abdi Ali, Gudoomiya Degmada Allaybaday

  6. Mudane Muxumed aw Cabdi  Ismaaciil, Xildhibaankii hore Degmada

  7. Mudane Ibraahin Carab Ceelaabe, Wasiir hore ee Beeraha .

  8. Mudane Maxamed Odwaa Cigaal

  9. Mudane Sh C/raxmaan Xasan

  10. Mudane Mohamed Aw Daahir, Wakiil UHWA - Qurbo joog.

  11. Suldan Axmed-Nuur C/Lahi Samaale, Suldanka Degmada.

Ciid Mubaarik dhamaan Qurbo joog iyo Gudo joogba u dhashay Dalka Somaliland.

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com