Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

HORUMAR INTEE LEEG AYAY KU TALAABSADEEN MUDADII AY SHAQAYNAYEEN GUDDIDA HORUMARINTA DEGMADA ALLAYBADAY ? 11.Desember.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

 Afar bilood ayaa laga joogaa wakhtigii la magacaabay gudida horumarinta Degmada Allaybaday, hindisaha iyo fikirka lagu aasasayna waxa iska lahaa xubno ka mida qurba jooga dagmada allaybaday, oo xiligaasi ku sugnaa dalka. waxa xubnahaasi hormood u ahaa Mukhtaar Axmed sh. Adan (taysa) iyo Faysal Loyar iyo Oday Cali.
waxayna martiqaad u fidiyeen isuguna yeedheen kontomeeyo qof oo isugu jiray odayaasha, siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahan, haween iyo dhalinyaraba, waxayna shir ugu qabteen guriga suldaanka beesha Suldaan Axmad-Nuur waxayna shirkaasi u soo bandhigeen baahida beesha iyo dagmadu u qabto gudi dhexe oo wax ka qabata baahiyaha aasaasiga ah ee bulshadu u baahan tahay dhan kasta, waxayna si buuxda uga hadleen ulajeedada ay samaynta gudidaasi ka leeyahiin.

Dood weyn ka bacdi waxaa shirwaynaha si buuxda la isku raacay oo loo ansixiyay todobada xubnood ee ay gudidaasi ka koobnaan doonto.

  1. Mudane Axmed Cumar Cagadable

  2. Mudane Cabdicasiis Muxumed Samaale

  3. Mudane Cabdirisaq Sh. Adan Cali

  4. Mudane Muxumed Aw Cabdi Ismail

  5. Mudane Ibraahim Carab

  6. Mudane Maxamed Odowaa

  7. Mudane Sheekh Xassan
     

Maxay qabteen mudadaa gaaban ee ay jireen gudidaa Degmada ?

Hadaba gudida todobada xubnood waxay yeesheen kulamo badan,
balse talaabadii u horaysay ee ay u hawlgashay waxay ahayd u diyaargarawga ololaha isdiiwaangalin ee dalaka ka socday waxay kulamo la yeesheen lana xidhiidheen qaybaha bulshada gudo iyo dibadba waxayna ku dhawwaaqeen ururinta qadhaan lacageed oo hawlaasi lagu qabanayo.

Inkasta oo ay wakhti danbe bilaabeen waxa u suura gashay in ay ururiyaan xadi lacageed oo fiican wax yar ka hor intii aanay hawlaha is diiwaan galintu bilaabmin waxay ku biiray gudida Dr. Maxamd Aw Dahir oo ka socday qurba joogay dalkana ku soo laabtay
 
Hadaba sida aynu ka warqabno waxa la soo gabagabeeyay hawlahii is diiwaan galinta ee  gobolka  Hargeisa ka socday
hadaba waxa is waydiin leh sidee ayay u guteen gudidaasi hawlahaasi Diwaangalinta  gacan inteeleeg ayayse ka gaysteena?

Waxa aan odhan karnaa guddidaasi waxa ay uguteen hawshaasi diwaangalinta si ay karti iyo geesinimo ka muuqato iyaga oo aan habeen iyo maalin fadhiisan mudadii ay socotay hawlaha diwaangaliintu, balse su’aasha mudan in la iswaydiiyaa waxay tahay
 
Gudida waxay hawshii Diiwaangelinta u galeen sidan :

1.    Allaybaday oo ahayd xarunta hawshu ka socotay

2.   Harta-sheekha ilaa Saxatilay oo dadka laga soo guraayay

3.    koox ka hawlgashay Tuulooyinka Qodaalka.

Waxa kale oo muhiima in la iswaydiyo, sidee Gudida u wado shayqayse, Siday u maamuleen dhaqaalihii ay ururiyeen, Maxaa dhibaato ah ee la kulmay intii hawshan culus ku jireen iyo siday bulsho waynta Degmad u aragtaa gudidan iyo shaqadooda ?

Wado shaqaynta gudidaaas waxaa uu ku salaysnaa ixtiraam, waayoaragnimo iyo wado shaqayn heer sarre ah.

Dhinaca Maamulka dhaqaalihii lagu galay diiwaangelinta Degmada, waxa runtii kala badnayd hawsha iyo lacagta ah ay u ahayeen hawlahaasi, se waxaa ka hayaa in si fiican u maaamuleen, dayn badan ayaa u sii galeen, Xisaab cad oo dhamays tiran iyo lacag wali dhiman dhawaan ayay soo saari doonaa.

Marka hore bulshawaynta reer Allaybaday aad ayay usoo dhaweenyeen guddidan iyaga oo guddidan u arkaayay guddi leh karti aqooneed,  waayoaragnimo iyo dulqaad ay u dulqaadanayeen  baaxada hawshan loo igmaday balse waxa hore loo yidhi maan rag waa mudacyo afkood, oo waxa aad si u arkayso ayaa aad si kale qofka kale ugu muuqda qodobka ugu wayn ee guddidaasi lagu dhaliilayay markii hore waxa ay ahayd arin ay guddinimo go’aan kaga gaadheen oo ahayd in aan cid Hargaysa laga soo qaadin maadaama oo ay Hargaysi tahay caasimadii dalka islamarkaana lawada leeyahay, balse arintaasi waxa ka biyo diiday dad si kale u arkaayay arintaasi oo lahaa guddidu arinkaasi way ku qaldameen ee waxa weeyi in Hargaysa dadka laga soo qaado si ay uga codeeyaan tuulooyinka hoosta sida Geed abeera, Xindhinta, Harcadaad iyo Geesdheer balse guddi go’ankoodii kamay noqon ee waa ay ku adkaysteen, waxaanan odhan karaa waxa uu go’aankaasi ahaa go’aan geesinimo leh iyaga oo yidhi haddii go’aankaasi guuldaro ka timaado waxa ay guuldaradaasi ku suntantahay 8 xubnood ee guddida ah balse haddii guuli timaado waa wax ka dhaxaysa degmada oo dhan, taasi oo ku tusaysa in guushu geesiyo badan tahay halka guuldaraduna ay goblan ka tahay,oo maanta guushii cidna lagama xigo ee waa lawada leeyahay balse haddii ay guuldaro iman lahayd iyaga ayaa lagu canaanan lahaa.

Waxa kale oo jiray xubno iyana aan guddidaasi ka mid ahayn balse aad ula shaqeeyay oo aan fadhiisan habeen iyo maalin mudadii ay socotay hawshaasi diwaan galintu xubnahaasi oo ay ka mid ahaayeen Marwo Khadra X. Gaydh oo runtii ka ciyaartay hawshaasi kaalin wax ku ool ah iyo Gudoomiyaha degmada Allaybaday Xasan Cabdi Cali oo kaalin door ah ka qaatay isna hawshaasi.

Hadal iyo dhamaan waxa aan kusoo gabagabaynayaa samayntii guddidan Horumarinta Degmada Allaybaday waa lagu najaxay ilaahayna waa inagu guuleeyay hawshii ugu horaysay ee ay qabtaana waa ay ku amaanan yihiin .

Gudida Horumarinta Degmada Allaybaday, waxay sidataa magacweyn, qabtii ugu horeyse way qabteen, se waa loo wada jooga siday wax uga qaban doonaa baahiyaha waaweyn ee ka jir degmada Alllaybaday, sida: Jidadka, Caafimaadka, ilaalinta ururka waxbarashada UHWA, Dhaqaale kobcinta Degmada, maamul wanaaga Degmada iyo waxyaabo badan oo muuqda.

 

 

 

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com