Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

War farxad leh: DUGSI CUSUB AYAA GUDIDA UHWA-ALLAYBADAY KA FUREEN DEGAANA HARTA-CABDALLE 12.Desember.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Waxa aan  maanta raacay Guddida Horumarinta Waxbarashada Allaybaday ee UHWA ee Xaruntoodu tahay Allaybaday iyada oo ujeedada Safarkayagaasi uu ahaa iyaga  oo Guddu soo furaysay dugsi hoose oo cusub oo ay ka furayeen HARTA-CABDALLE  iyo iyaga oo kormeer kusoo sameeyay dugsiyada Qodaalka oo ay u kuurgalayeen sidda ay waxbarashadu uga socoto.

Waxaanu gaadhay maanta subaxii hore degaanka weynaha "MITIR-KA" la yidhaahdo ee u dhexeeya Qadowka iyo magaalooyinka Qodaal, waxaan halkaa si diiraan noogu soo dhaweeyay Odayaashii iyo Ardaydii Degaankaa lagu sii diyaariyay, waxaa isla markiiba lanoo duway makhaayida Harta-Cabdalle oo ahayd Goobta Dugsi cusub laga furaayay.

Soo dhawayn balaadhan ka bacdi, waxaa halkaa hadalo ka soo jeediyay Odayaasha Deegaankaasi kuwaasi oo aad iyo aad ugu heelanaa furitaanka dugsigan cusub oo farxad dheeraad ah ka dareemaysay wajiyadooda.

Dadka hadlay waxaa ka mid ahaa 3 oday oo ka mid ahaa odayaasha Dugsi soo abaabuley, kana mid ah Gudida Degaanka ee dugsiga gacanta ku haysa, Odayaasha waxaa ka mid ahaa, Oday C/laahi Jaamac Maxamuud, Oday Cismaan Maxamuud iyo Oday Maxamuud Daud waxaanay hadaladooda ku bilaabeen Mahadnaq ay marka hore usoo jeediyeen Guud ahaan UHWA gaar ahaana Guddida UHWA-Allaybaday oo ay yidhaahdeen waxa aanu idiinku mahadnaqaynaa sidda fiican ee aad nooga aqbasheen codsigayagii ahaa in aad waxa nagala qabataan Dugsigan cusub ee aanu rabnay in aanu furno mudo dheer.

Odayaasha Degaanka Mitirka loo yaqaanaa waxay ka wareemee baahida waxbarasho ee ka jirta degaanka, waxa ay yidhaahdeen Dugsina waxa uu badhe u yahay 5 booto kaasi oo aanu 5 tayadaasi Bootoba ka wadahadalay in aanu Dugs ka furano halkaas oo aanu soo ururinay arday gaadhaysa 65 balse aanu rajaynayno in aanu gaadhsiino ugu yaraan 120 arday.

Degaankan waa degaan balaadhan, oo aad uga dheer degaanada Qodaalka, meesha ugu dhow waxa uu jiraa 10 km, ilma yar oo 6 jir ahi ma gaadhi karo halkaa maalin kasta, waxa kale oo yidhaahdeen anagu markii dugsiyada kale la furaayay Nasiib umaanaan helin in anana dugsi naloo furo balse waxa aanu isugu nimid wadatashi  ah siddii aanu dugsi u heli lahayn maadaama oo aanan dugsi kale noo dhawayn, Waxaanu rajayn in uu Dugsigani noqdo dugsi ay caroorta yar yare wax barato, inta aanay u gudbin dugsiyada Dhexe ee Xidhinta.

Dugsiga hoose ee Harta-Cabdalle waxa uu ka gooban yahay maanta waab dadka degaanku sameeyeen, 65 ardayd, 2 macalin, Bishan hore gudida dagaanka ayaa gunada macalimiinta siinaaya, qalabka waxbarashada ee aasaaska waxaa noo keenay Gudida UHWA-Allaybaday, mahadnaq balaadhana ayaad ku leedihiin.

Codsi: Aniga oo ah Odayaasha iyo Gudida Degaanka Mitirka, waxaanu codsanaa in UHWA Worldwide, gaar ahaan Qurbo Joogta iyo Gudida Hargeisa joogta, in Dugsigaa laga soo caawi dhinaca Gunada Macalimiinta, Dhismaha Taandhada ee hore iyo wixii kale qalab ee Dugsiga u baahan yahay, Anigu waxaanu balanqaadanaa in Dugsigaa aanu keeno arday intay ugu yartay ah 100 arday,  sidaa waxaa ku soo gababeeyay Odayaasha Degaanka.

Intaasi kadib waxa isna halkaasi ka hadlay Xoghaye Maxamed Xashi Caduur oo marka hore Odayaashaasi ku amaanay sidda fiican ee ay ugu dadaalayaan waxbarashada ubadkooda  isaga oo yidhi waxa aad mudan tihiin in la idinla qabto wax kasta oo la idinla qaban karo waayo ayuu yidhi waxa aanu wadnaa ayuu yidhi haddii aanu UHWA nahay oo ah Urur ka shaqeeya  horumarinta waxbarashada Degmada Allaybaday in aanu ka caawino Meelkasta oo aanu aragno in ay kasocoto hawlo waxbarasho wixii aanu u qaban karno walow aanu imika dabarno Gunooyinka Macalimiinta  iyo in aanu meeshii aanu aragno in ay waxbarashadu sifiican uga socoto in aanu iyana Haayadaha Codsi ugayno ah siddii Iskuul loogu dhisi lahaa markaasi haddii aad sidaasi ugu dadaashaan waxbarashada waxa aan idiin hubaa ayuu yidhi Xoghaye Maxamed in aad helidoontaa dhisme rasmiya oo ay ardaydu ka bixi doonto Waabkaasi ay saaka fadhiyaan balse waxa aanu idinku dardaarayaan ayuu yidhi in aad u dadaashaan sidaasi aad u dadaasheen waxa aad mudan tihiin runtii ku dayash, waxaanu intaasi raaciyay Iskuulkani waxa aanu u caawin doonaa marwalba sida la idinka arko ee aad wax u qabsanaysaan maantana aduunka ninkii waxqabsanaya ayuun baa wax loogu daraa ayuu hadalkiisii kusoo koobay.

Dugsiga Harta-Cabdalle waa dugsi 13 ee laga furay Degmada Allaybaday, waana Dugsi baahi weyn loo qabay, Dhinaca kale Degaan weynaha kale ee la yidhaahdo Tincada ee ku yaala Badhtama qadowka ayaa iyaga loo qabaa baahi weyn dugsi Hoose, taas oo ay wadaan odayaasha Degaanka.

UHWA Worldwide ayaa laga sugayaa jawaab, siday u caawin karaan dugsigan cusub !

Dhinaca kale goormeerkii Magaalooyinka Qodaalka waxaan ka soo diri doonaa warbixin danbe .

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com