Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

HAYADA HAVAYOCO OO DHAGAX DHIGTEY ISKUUL WAXBARASHO OO AY KA DHISEYSO TUULOOYIN KATIRSANDEGMADA ALLEYBADEY 24.Desember.2008

Dib Unoqo

Ma aha markii ugu horeysey ee ay Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco ka dhisto ama

Hargeysa (Gabileynews)- hay,ada Wadaniga ah ee HAVAYOCO ,ayaa dhagax dhigey Iskuul Cusub oo ay ka dhiseyso tuulada heeryo oo ka tirsan Degmada Alleybadey ee Gobolka Gabiley,iskuulkaas oo ay Hay,ada Havayoco raacineyso Bali biyood ay isagana ka qodeyso isla deegaankaasi.

Masuuliyiin ka socdey Hay,ada Havayoco oo uu wehelinayo Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Xasan Cabdi Cali (Xasan Shahar)ayaa dhagaxa qormada iskuulkaa Cusub ee ay maalgalineyso Haya,ada Havayoco wadajir u dhigey saaka barqadii Tuulada heeryo oo ka tirsan Degmada Alleybadey,iskuulkaas oo la filayo in dhismihiisa ay bilaabeyso dhawaan Ha,ada Wadaniga ah ee Havayoco.

Gudoomiyaha Degamda Alleybadey Mr Xasan Cabdi Cali (xasan shahar),oo ugu horeyn saaka ka hadley dhagax dhiga iskuulkaasi ayaa u mahad celiyey Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco oo uu uga mahad celiyey waxqabadyada isdaba jooga ah ee ay Hay,adaasi ka hirgaliso meelo badan oo kamid ah Deegaanka Degmada Alleybadey ,sida Tuulada laaye,Ceelka Dameero boob oo ay dib u habeyn ku sameysey dhamaan qalabkii,matoorkii iyo agabkii kale,xidhitaankii baliyada Degmada Alleybadey oo ay xidhey Hay,adaasi ,xoolo door ah oo ay Hay,ada Havayoco u iibisey meelo deegaanka Degmada Alleybadey ka tirsan ,kuwaas oo lamid ah mashaariicda guud ee adeegyada bulshada ee inta ay dalka ka hirgaliso Hay,ada Havayoco. Ayuu uga mahad celiyey Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Hay,ada Wadaniga ah ee Havoyoco.

gabagabadiina waxa uu sheegey Gudoomiyaha Degamda Alleybadey in ay rajeynayaan in Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco oo abaal weyn ku lihi in ay mashaariic door ah oo bulshada deegaankaasi anfaca ay wax uga qaban doonto ha ugu sii muhiimsanaado iskuulkan oo ay wax ka baran doonaan boqolaal caruur ah oo awal hore meelo aad uga fog u doonan jirey Waxbarashada Dugsiyada Hoose.

Ma aha markii ugu horeysey ee ay Hay,ada Wadaniga ah ee Havayoco ka dhisto ama qorsheyso iskuulo Waxbarasho Tuulooyin ka tirsan Degamada Alleybadey laakiin waxey Hore uga dhiseen Tuulooyin kale oo ay kamid tahey Tuulada laaye oo ka tirsan Degmada Alleybadey oo dadweynaheedu u aayeen wax qabadyo badan oo ay ka howl gashey Havayoco.




Wariye C/raxmaan Nuux Axmed (hiiraan)
Gabileynews Hargeysa Office
Email:hiiraan07@hotmail.com


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com