Ururka Horemarinta Waxbarashada
Degmada Allaybaday


      "Ilayska Waxbarashada ee Baxaya Dhankaaga Ka iftiimi"

XAALADA ISKUULKA  H/DH EE SH AXMED QAALIB OO MARAYSA MEEL FIICAN IYO IMTIXAANKII TERMKA HORE OO UGA SOCDA SI HABSAMIYA. Allaybaday. 25.Desember.2008 (Sawiro)

Dib Unoqo

Guud ahaan waxa ka socda Iskuulada JSL Imtixaanaadkii Termka hore kaasi oo sida caadiga ah ay ardaygu gasho fasax bil ah.

Hadaba maanta ayaa waxa aan kormeer ku tagay D/H/Dhexe ee Sh Axmed Qaalib kaasi oo ay ardaydu wakhtigaasi ku mashquul ahaayeen Imtixaanada ayaa waxa aan waxa ka waydiiyay Maamulaha Dugsigaasi Axmed Qani Sh Muxumed Cali marka hore sidda ay tahay xaalada Iskuulku guud ahaan iyo wakhtiga ay bilaabeen Imtixaanadan waxaanu iigu jaaway oo yidhi Xaalada Iskuulku aad ayay u fiican tahay walow uu iskuulku aad ugu baahan yahay Dayactir lagu sameeyo Dhismihii hore, waxa kale oo uu yidhi imtixaanadu waxa ay guud ahaanba ka bilaabmeen Dugsiyada H/Dhexe ee Dalka 20/12/08 Anaguna kuwaasi uun baanu mar labilawnay walina way socdaan oo may dhamaanin ayuu yidhi Maamule AxmedQani.

Waxa kale Goormeer ku maraayay dugsiyada Magaalada Allaybaday. Cabdi Daauud IRIR oo ka mid ah Gudida UHWA London UK.  iyo Gudoomiyaha UHWA Allaybaday Maxamuud yuusuf Cige oo  u kuurgalaay sida ay imtixaanadu uga socdaan iskuulka, waxa kale oo halkaasi ardayda uga soo jeediyay hadal ku sahabsan Faa’idada waxbarashada isaga oo uu uga waramay Taariikhdii Iskuulka iyo Marxaladihii uu soo maray isaga oo yidhi anagu wakhtigii aanu iskuulkan dhigan jirnay wax kastaa noomay ahayn sida ay idinka maanta idiin yihiin, waayo ayuu yidhi anagu marka hore Imtixaanka fasalka 8 deedaad kumaanaan gali jirin Allaybaday ee waxaanu tagi jirnay Gabilay balse idinku Allaybaday ayaad kugalaysaan waxa kale oo aanu iskuulka sare ka gali jirnay ayuu yidhi Meelo fog fog oo ay ugu dhawdahay Iskuulka Maanta Timacade la yidhaahdo horena loo odhan jiray Qalax, balse idinku Allaybaday ayaad ku haysataan Dugsi sare oo runtii si fiican u shaqaynaaya kana waxbarasho fiican Iskuulo badan oo dalka ku yaala taasina waa tu labaad oo aad na dheertihiin ayuu ku yidhi Cabdi Ardaydii.

Ugu danbaytii waxa uu ardaydii kula dardaarmay in aanay lumin fursada ay haystaan maanta ee aanay jiilal badan oo reer Allaybaday ahi aanay helin  kuna dadaalaan  waxbarashada, isaga oo yidhi haddii aanu nahay Qurba joogta reer somaliland gaar ahaan kuwa reer Allaybaday waxa aanu isku hawlay oo aanu ku dadaalaa in aan waalidna Jeebkiisa uuna shilin feeya kasoo bixin ee aanu dabaro gunada Macalimiinta si aanay u dhicin in ardayda la waydiiyo Lacag feeya, markaais waxa uu yidhi idina ku dadaala waxbarashada ayaan idin leeyahay ayuu hadalkiisii kusoo koobay,

waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye UHWA Allaybaday MR. Maxamuud Yuusuf oo si kooban ula hadalay ardaydii kuna boriyay in ardaygii waxbartaa uun  uu naftiisa,waalidkii iyo wadankiisaba wax u qaban karo balse kii saaqidaa uuna cidna waxba taraynin.

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

DEGMADA ALLLAYBADAY , SOMALILAND

Telefon: + 2522357702 (Telecom, Allaybaday)

Email: hilqadm@hotmail.com

Website: http://www.allaybaday.com/


   Visit Us : Bahsane center  10,
   P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
   Somaliland (Xarunta guud)

Telefon:   + 44 208 819 5310
                  +
252 2-4425918

                  +
252 2-4477041

Accon-ka – Gunada Macalimiinta: D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre:
D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com