
Waxa la soo gabagabeeyay
dhamaan imtixaanaadkii Dugsiyada termka kowaad ee sanad
dugsiyeedka. hadaba waxaan saaka booqday Dugsiga Sare
Allaybaday xili ay ardaydu imtixaankii Maadadii ugu
dambaysay u fadhiyeen, kadib markii imtixaankii ka soo
baxeen ayaa waxa uu Maamulaha Dugsigaasi ardaydii kula
hadlay barxada Dugsiga isaga oo ugu horayn ku bogaadiyay
sidii fiicnayd ee ay imtixaanka ugu soo diyaargaroobeen
isaga oo sheegay in arday waliba intii uu dadaalay uu
natiijadeeda heli doono marka fasxa laga soo laabto hadii
Alla yidhaah. sidoo kale waxa uu Maamuluhu xusay in Fasax
macnihiisu ahayn in Waxbarashadii joogsatay balse larabo
in aad dadaalkiina sii labalaabtaan oo aad saacadihii aad
Iskuulka joogteen aad ku badashaan Wax Akhris oo waa inaad
samaysataan goobo aad wax ku akhrisataan oo aad ku
kulantaan waayo Cilmigu wuxuu yaalaa dhexdiina ayuu yidhi.
Maamulaha Dugsiga Mr. Maxamed Daud ayaa hadalkiisa ku
bilaabay sidan: Aniga oo ku hadlaay afka maamulaha,
Macalimiinta iyo dhamaan arday u soo gudbinayaa dhamaan
Xubnaha UHWA salaan iyo Su,aal ah:
Halkuu marayaa qeybtii Dugsiga Sarre
ee Qurbo joogto balanqaadeen 3 sanno ka hor, qorshaha ma
waxbaa iska bedelay ?
Dhanka
kale wuxuu Maamuluhu ardayda kawacyigaliyay Balwadaha
isaga oo sheegay in cunista Qaadka, cabista Sigaarku ay
waxyeelaynayso caafimaadka, dhaqaalaha, akhlaaqda iyo
Waxbarashada isaga oo yidhi qof balwad lihi waxba ma baran
karo, sidaa awgeed waa inaad ka digtoonaataan dhamaan
wixii Waxbarashadiina wax udhimaya.
Ugu
danbayntii wuxuu ku dhiiri galiyay Sportska isaga oo
halkaasi ku gudoonsiiyay qalab Sports oo ka koobnaa
dress, shabagyo kala ah Football iyo
basketball iyo Kubbadahoodii.

Hadaba
waxa ardaydii saaka uu Maamuluhu qalabkaasi gudoonsiiyay
Wajigooda ka muuqday Farxad ay ku Faraxsanaayeen
Qalabkaasi la gudoon siiyay, waxa aan wax ka waydiiyay
Xasan Ismaaciil Muxumed sida uu dareenkiisu yahay iyo in
ay wakhtigan u baahnaayeen Qalabkaasi? Wuxuuna iigu
jawaabay aad ayaan ugu faraxsanahay Marka hore Qalabkaasi
uu Maamuluhu noogu Deeqday,aadna waanu ugu baahnayn
wakhtigan oo aanu galayno fasax taasi oo wakhtiyada
Fasaxa ay wareegyo ciyaareed ka bilaabmaan Magaalada imika
uu bilaabmayo Tartankaasi ayaanu haddii aanu nahay Kooxda
ku ciyaaraysa Dugsiga sare ee Allaybaday ay dresskan iyo
kubaduhuba ay wax wayn noo taridoonaa oo aanu kaga maarmi
doono in aanu kubado iyo drees soo iibsano ayuu yidhi
Xasan yare.




