
Harta oo ka mid ah 77 harood ama Balay
ee Haydu maanta Bilowday
Waxaa maanta si raxmi ah u
bilowday haayada wadaniga ah ee havoyoco howl galkii ay ku
xidhaysay dhaamamkii ay daadku jabiyeen ee degmada
allaybaday .

Harta weyn ee Galbeedka Magaalada
Allaybaday ku taala, " Harta Loyar"
Howshaasi bilaabi deedu
waxaay aad ugu faraxay dad waynaha ku nool degmada
allaybaday kuwaasi oo ay wajiyodooda ka muuqatay farxad iyo
rayn rayn aadna ugu mahadnaqaayay madaxda ka socota haayada
wadaniga ah ee havoyoco howshaasina u fulinaayay
dadka deegaanka gaar ahaan kuwii ay dhaamamkooda jabiyeen
roobabkii ka da’ay degmada waxyeeladana soo gaadhsiiyay
dhaamamkaasi maanta la bilaabay xidhitaankooda, howshaasi
maanta bilaabantay oo runtii u bilaabantay si dar dar leh
dadkuna aad ay ugu amaanayeen howsha fiican ee ay u
qabanayaan hawl wadeenada ka socda haayada wadaniga ah ee
HAVOYOCO. howshan lagu xidhayo dhaamamka jabay oo
socondoonta muddo sida ay ii sheegeen howl wadeenada Hayada
wadaniga ah ee HAVOYOCO oo fulinaaysa mashruucan
xidhitaanka dhaamamka jabay .

Waxa kale oo la filayaa in Bari
oo ay bishu tahay 17/05/2007 ay yimaadaan wafti balaadhan
kaasoo ka koobnaan doona Haayahada caalamiga ah oo isgu jira
kuwii Mashruuca bixiyay lagu xidhaayo dhaamamka jabay iyo
kuwa kaleba iyo madax ka socota dowlada JSL.

"Gudoomiya Degmada Allaybaday iyo
Sarkaal ka socda Hayda wadniga ah ee
HAVOYOCO"
Sida ay ii sheegeen ilo
xogogaal ah oo ku dhadhaw Maamulka degmada Allaybaday.
Wariye:ISMAIL
ABDI MUXUMED (Hilqad)
DEGMADA ALLLAYBADAY ,
SOMALILAND
Telefon: + 2522357702
Email:
hilqadm@hotmail.com