
HORDHAC.
Degmada Allaybaday oo aan hore u
lahaan jirin Dugsi Sare ayaa laga aasaasay Sanadkii
2006da, Dugsigaasi oo ahaa mid baahi wayn ay u qabeen
Dadwaynaha reer Allaybaday ayaa waxaa iska kaashaday
Bilowga Dugsigaasi Qurba Jooga Degmada kasoo
jeeda,Wasaarada Waxbarashada JSL, Maamulka Degmada iyo
Aqoonyahanada Degmada oo dhamaantood dareemay Baahida loo
qabo Dugsi Sare una guntaday siddii loo taabo galin
lahaa.
MARXALADIHII UU SOO MARAY DUGSIGA
SARE WAXYAABIHII U QABSOOMAY IYO WIXII AAN U QABSOOMIN.
Marxaladihii Dugsigu soo maray waxaa
ka mid ahaa Dugsiga oo aan lahayn labadii Sanad
Dugsiyeed ee lasoo dhaafay Dhisme u gaar ah balse
Waxbarashadu ka socotay Dugsi H/DHEXE ee SH Axmed Qaalib
iyada oo labadaa sano dugsiyeed uu ka koobnaa hal fasal
Macalimiintuna dhamayd 4 Macalin ayaa waxa sanadkii 2007da
Dabayaaqadiisii La dhagax dhigay dhismihii Dugsiga sare ee
ay Allayabaday abid yeelato iyada oo uu dhagax dhigay
Wasiirka Wasaarada Waxbarashada JSL Mudane Xasan X
Maxamuud ( X Gadhwayne) dhismahaasi oo ka kooban 3 fasal,
Xafiis iyo Istoodh.
Hadaba markii dhismaha Iskuulku
dhamaaday ayaa waxa Haayadii dhistay oo ahayd DRC kala
wareegay Wasaaarada Waxbarashada JSL, oo ahayd sanadkii
dhamaaday ee 2008da bishii 7 ayaa waxa xadhiga laga jiray
21 july oo ah maalinta Waxbarashada Degmada
Allaybaday taasi oo uu Xadhiga ka jaray Wasiirka
Waxbarashada JSL Mudane Xasan X Maxamuud Warsame oo ay
wahelinayeen Masuuliyiin iyo Xubno kasocday UHWA oo fasax
ku yimid dalka.
Hadaba sanad Dugsiyeedkan Cusub ee
2008 ilaa 2009 ayaa waxa Dugsiga kusoo biiray fasal labaad
waxaana Dugsigu hada ka kooban yahay laba fasal oo ay
tiradoodu dhantahay 38 Arday. waxa sidoo kale noo
suuragalay in aan keeno Dugsiga Macalimiin Cusub oo
daboola Xiisadaha Dugsiga si ku habooon kuwaasi oo dhan 3
Macalin iyada oo tirada Macalimiintuna hada dhan tahay
5 Macalin.
Dhinaca gunada Macalimiintu waxay ka
helaan UHWA oo aan odhan karo waa udub dhexaadka
Waxbarashada Degmada Maadaama oo aanay ku filayn
Macalimiinta Gunada Wasaaradu.
Dhinaca agabka waxbarashada waxa
gacanta ku haysa Wasaarada Waxbarashada JSL haddii ay
tahay Buugaagta syllabuska Science Equipments iyo
Stationerygaba, waxa xusid mudan In Iskuulka siddoo kale
agab waxbarasho kasoo gaadheen Xubno ku nool U.K kuwaasi
kala ahaa C/Xakiin Sulub iyo Sandy Young oo
keenay Dugsiga Sare Computers ,Xasan Mataan oo
keenay photo copy, Axmed Siyaad Axmed oo keenay
Science and Mathematics books iyo scientific calculators.
Dhanka kale waxyaabaha aan Dugsiga u
qabsoomin waxa ka mid ah in aan Iskuulku helin
Macalimiinta Masaarida ah ee Dugsiyada dalka wax ka
dhiga kuwaasi oo Wasaaradu Iskuulada u qaybiso, kuwaasi oo
Mushaaradooda ay Jaamacada Carabtu siiso, balse u baahda
oo kaliya Guri la dajiyo horena aan u codsanay ka Maamule
ahaan in Dugsiga la keeno balse aan suuro galin, halka
laga geeyay Iskuulo mar aan wada bilownay sidda Wajaale,
taasi oo isla maalintii la qaybiyay Macalimiintaasi aan la
xidhiidhay Madaxa Wasaarada u qaabilsan Macalimiintaasi oo
aan waydiiyay sobobta macalimiintaa naloogu keeni waayay?
Ayaa uu iigu jawaabay Masuulkaasi waxa la eegaayay Tirada
fasalada sidaasi daraadeed idinku ma lihidin form 2 oo
waxa la rabay in uu iskuulku ka koobnaado 3 fasal, hadaba
waxa xusid mudan in sanad dugiyeedkii hore ay jireen arday
aan u bilownay waxbarashada oo kasoo baxday Madarasada
Alfurqaan balse ayna sii socon waxbarashadii ardaydaasi
sobobo jiray awgood.
Waxa kale oo ka dugsi ahaan fursad
ay noo siisay Wasaarada Waxbarashadu iyada oo dareensan
Baahida Macalimeed ee ka jirta Degmada siddii loo heli
lahaa Macalin deegaanka u dhashay oo u tababaran
Waxbarista Dugsiga sare, taasi oo ay tidhi ardaydii reer
Allaybaday ee sanadkan ka baxday Dugsiyada Sare usoo
dirsada arday Jaamacada Camuud kaasi bilaash kusoo baran
doona 2 sano oo ah Diplom Education ah kadibna wax ka
dhigi doona Dugsiga Sare ee Allaybaday kadib markii aan
fursadaasi helnay waxa aan la xidhiidhay dhamaan ardaydii
sanadkan inooga baxday Dugsiyada Sare, balse Nasiib daro
Maan helin cid fursadaasi ka faa’idaysata.
Waxa kale oo aan jecelahay In aan
idiin sheego Mashruuc ay bixiso Haayada AET (AFRICAN
EDUCATION TRUST) oo Wasaarada Waxbarashada kala shaqaysa
dhinac Waxbarashada kaas oo ah in Communityga lacag iska
soo ururiya ee raba in ay Iskuulkooda wax ugu qabtaan in
ay ugu darayaan Lacagtooda libin laabkood tusaale ahaan
haddii aan rabno in aan Iskuulkeena usoo iibino
Mishiinwayn oo aan hayno $1000 dollar waxa ay ku darayaan
$2000 dollar taasi oo aan hore ugu gudbiyay xubno guddida
Gudaha ka mid ah.
Baahiyaha Dugsigeena waxa ka mid ah
in aanu lahayn
-
Electricity.
-
Lap.
-
Labrary.
-
Dayr
-
Water Tank.
-
Fence.
walow ay kala mudan yihiin xiligan
la joog.
TALLO SOO JEEDIN
1.Waxa aan usoo jeedinayaa Ururka
khayrka ku bahoobay ee UHWA WORLD WIDE isku duubnaan isku
tanaasul iyo istixgalin,
2. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa
in la helo Guddi Qiimayn ku samaysa Macalimiinta Degmada
iyo in Macalimiinta Mushaarkooda lagu saleeyo
Aqoon,Khibrad, Xiisado Badnaan IWM. Iyada oo aan anigu ka
Maamul ahaan aan Ogahay in aanay hadda isku dheeli tirnayn
Hawsha iyo gunada ay Macalimiinta qaar kood qaataan oo
aanay in wada qaadan Macalimiinta Dugsiga wax ka dhigta,
sidaasi awgeed waa in la helaa Guddi Qiimayn ku samaysa
Macalimiinta oo lagu darsadaa Agendayaasha Sanadkan
cusub.
3. Waxa kale oo aan usoo jeedinayaa
Jaaliyaha In ay Qorshaha ku darsadaan Siddii Agab
Waxbarasho ay usoo gaadhsiin Lahaayeen Degmada.
Waxa kale oo aan waydiinayaa
Jaaliyadaha Halkuu Marayaa Qorshaheenii Saddex Sano ka hor
aan bilownay ee ahaa Dugsigii Boardingka ahaa???
Ugu danbayntii waxaan Ilaahay
inooga rajaynayaa in sanadkan sanadkiisa aan ku gaadhno
guul iyo horumar balaadhan,
Gabagabo.
Dugsiga sare ee Allaybaday waxa uu
daboolay baahi dhinaca waxbarashada sare ah ee Degmada
waxaanay waalidiin fara badani kaga raysteen in ay
ubadkooda la raadsadaan Dugsi sare taasi oo hore ugu kali
fijirtay in ay Caruurtooda la raadsadaan Xaafad ay la
joogaan ama se ay u guuri jireen waxbarashada Caruurta
awgeed,halka ay qaar kalena aanay usuura galin in ay
helaan waxbarasho sare.balse maanta aynu haysano Dugsi
sare oo ay ardaydu bilaash wax ku barato, Amaanteedana ay
iska leeyihiin cid kasta oo gacan ka gaysataa.
ALLAA MAHAD LEH
Ingeneer Maxamed Aadan Da’ud
Maamulaha Dugsiga sare ee
ALLaybaday
