
Waxa aan
shalay kormeer ku tagay Iskuulada Qodaalka kuwaasi oo aan
u kuurgalaayay sidda ay tahay Xaaladoodu, hadaba
Iskuuladaasi oo wakhtigii aan tagay ay ardaydu Fasax ku
jireen ayaanay iisuurta galin in aan la kulmo
Macalimiintii Iskuuladaasi balse waxa aan la kulmay
Guddiyada Waalidiinta Iskuuladaasi aan soomaray oo kala
ahaa Gees Dheere, Taysa, Xidhinta, Geed Abeera, Har
Cadaad iyo Dugsiga Cusub ee Harta Geelle (Cabdalle).
Dhamaan
waxa ay ii sheegeen Gudiyaasi in ay Iskuuladaasi si fiican
u shaqaynayeen intii aanay Fasaxa Galin Walow ay Guddida
Geed Abeera oo uu Wakhtigaasi aan tagay uu la joogay
Oday Cali Nuur ay ii sheegeen uu khilaaf u dhaxeeyo
Maamulaha Dugsigaasi iyo Guddida, balse waxa aan waydiiyay
in ay jirto cid ay u sheegteen arintaasi waxaaanay ii
sheegeen in ay La xidhiidheen Guddida UHWA Allaybaday
ka balansan yihiin arintaasi oo ay dhawaan u imanayaan
Guddidaasi xalinayaana inta fasaxa lagu jiro waxa kale oo
ay yidhaahdeen nasiib wanaag maanta waxa nala jooga isna
Oday Cali-Nuur oo isna ku dhex jira hawlaha
Waxbarashada markaasi arintaasi waxaanu filaynaa in ay
noogu dhamaato si wanaagsan ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddida
waalidiinta Geed Abeera Xuseen Abiib Qaalib oo ay
waheliyeen xubno kale oo Guddidaasi ka mid ahi.
Waxa
kale xusid mudan in Dugsiga Gees dheere arday aad u
badan tahay, loona baahan in uu noqdo dugsiga ugu horeeya
ee hella dhismo rasmi ah, taas oo dhawaan laga sugaayo in
haydaha wax dhisaan bilaabaan, cidkasto wax ka qaban
kartaa ay wax ka qabato.
Dugsiga Har Cadaad arday ayaa aad ugu yar sida
lanoo sheegay, waxaanu rajayna in Gudida Allaybaday wax ka
qabato inta fasaxa lagu jiro.

hadaba waxa
xusid mudan in Iskuulka Cusub ee HARTA GEELE ee
Mitirka laga sameeyay Iskuulkaasi oo imika shaqaynaayay
Muddo bil ah ayaan tagay wakhti ay ardaydu dhiganayeen
casharaduna socdeen, iyada oo ay Iskuulada degmadu ay
fasax galeen sobobta keentay in uu iskuulkaasi shaqeeyo
wakhtigan iyo waliba sidda ay tahay Xaalada Iskuulku iyo
cida suurta galisay in Iskuulkan halkan laga sameeyo waxa
aan ka waraystay Maamulaha Dugsiga Cusub ee Harta Geelle,
C/RAXMAAN C/LAAHI JAAMAC
waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:-
1.
S.
Maamule marka hore waxa aad ka warantaa Xaalada Iskuulkan
Cusub ee Harta Geele sidda ay tahay?
J. Runtii
Iskuulkan Cusub ee Harta Geele aad ayay u fiican tahay
xaaladiisu, arday cusub ayaan maalin walba timaada.
2. S.
Wakhtigan Iskuulada Dalku waxa ay galeen fasax markaa
idinku maxaad u fasixi waydeen Iskuulka?
J. Taasi way
jirtaa oo dhamaan Iskuuladu waa fasax balse Iskuulkani
waxa uu kagaga duwan yahay Iskuulada kale waa bilow oo bil
kaliya ayaanu dhigaynay taasi oo aanu doonayno in aanu
ardayda u dhamaystirno casharadii ka tagay intii ay
ardayda kale dhiganayeen si ay ula jaan qaadaan ardayda
kale takale waxa aanu ku jirnaa qorshe aanu ardayda kusoo
ururinayno marka labadaasi siyaaboodba waanu u
fasixiwaynay Iskuulka.
3. S.
Iskuulka Ma adiga uun baa dhiga mise Cid kula dhigta ayaa
jirta?
J. Iskuulka
waxa aanu ku dhignaa laba macalin oo kala ah Aniga oo
Maamula ah iyo Macalin Rashiid C/laahi oo ah macalim
waxbarash sarre leh.
4. Ayaa
Iskuulka furitaankiisa idinka Caawiyay?
J. Marka hore
waxa hindisaha keenay Odayaasha Deegaanka oo arkay in
baahida loo qabo in iskuul laga sameeyo Hartan Geele
kadibna xidhiidh ayay la sameeyay Guddida UHWA
Allaybaday oo furitaankii Iskuulka waxa Xadhiga ka jaray
Xoghayaha UHWA Maxamed Xaashi Caduur.
5. Waxaan baahida loo qabaa Iskuulkan wakhtigan xaadir ah.
J.
Waa su,aal muhiima, Degaanka Mitirka waa dhul balaadhan oo
dadkii qodaalka degaanaa oo dhan ayaa u soo guuray, Harta
Geelle meesha u dhow ee Skuul lihi waa Xidhinta, waxay u
jirtaa masaafad dheer oo lagu qiyaaso 10 km, ilma yar oo
6-8 jir uma logayn karo masaafada, markaa ama iskuulkan
ayaa shaqayn ama caruurta degaanku way iska iskuul la,aan,
taas ayaa geliftay.
6.
S. Tirada Ardayda waa Imisa?
J. Tirada
ardaydu waa 75 arday oo 25 ka mid ahi ay hablo yihiin.
7..S.
Maxaad Baahiyaha Iskuulka Nooga sheegi Kartaa?
J. Runtii
Baahiyaha Iskuulku way badan yihiin balse way kala
horeeyaan oo imika waxa ugu horeeya siddii loo helilahaa
-
Taandho ay
ardaydu hoos gasho
-
In Gunada
Macalimiinta Degmada nalagu daro Macalimiinta ay UHWA
wax siiso.
-
In naloo
keeno Agabkii Waxbarashada sidda Buugtii.
8.Ugu
danbayntii maxaad usoo jeedin lahayd Guud ahaan UHWA?
J. Marka hore
waxa aan usoo jeedinayaa Salaan qaaliya, marka xiga waxa
aan usoo jeedinayaa iskuduubnaan istixgalin, isu tanaasul,
iyo in ay hawsha khayriga ah ee ay wadaan ayna ka daalin
ee ay halkaasi kasii wadaan. abaal weyn ayaan u soo diraan
cidwalba oo ku hawlaha waxbarashada.




