|
Dadweynaha
Allaybaday Oo Mudaharaad Balaadhan Kala Hortagay Maamulka
Degmada Iyo Ka Gobolka Gabilay.
09.Januar.2009 (Sawiro) |
Dib Unoqo |
| |

Hadhwanaag
2009-01-10 (Hadhwanaagnews)
Allaybaday(HWN):-Dadweynaha ku
dhaqan Magaaladda Allaybaday ayaa shalay
Mudaharaad aan dhib gaysan oo ay kaga soo
horjeedaan dad lagu kala xidhay Gabilay iyo
Allaybaday ka sameeyay gudaha Allaybday,
kuwaaasoo socod ku marey wadooyinka magaalada
dhexdeeda, ugu dambayntiina is hor dhoobay
Xarunta Maamulka Degmada oo ay ku sugnaayeen
Masuuliyeen ka timi Gobolka Gabiley oo ay ka mid
ahaayeen Badhasaab ku-xigeenka Gabilay
Cabdirisaaq Sheekh Aadan Cali iyo Taliye ku
xigeenka Qaybta Ibraahin Axmed.
Dadkan Mudaharaadayay ayaa Masuuliyiinta heer
Gobo lee goobta ku sugna u gudbiyay cabasho,
codsi iyo sidda ay uga xunyihiin dad lagu
xidhxidhay Saldhiga Booliska Allaybaday iyo qaar
loo gudbiyay Jeelka Gabiley, dadkaasi oo isug
jiray Waalidiin uu ka mid yahay Maxamuud Yuusuf
Cige oo ah Gudoomiyaha Ururka Waxbarashada
Degmada Allaybaday, isla markaana ahaan jiray
Gudoomiyihii Degmada Allaybaday ee ugu Mudda
dheeraa.
Xadhiga waalidiintan ayaa daba socday Mudaharaad
gacan ka hadal watay oo Allaybaday ka dhacay
05/01/09 Mudaharaadkaasi oo ay sabab u ahayd
Koox Ciyaartow ah iyo Maamulka Degmada oo
khilaafkaas soo kala dhex galay ka dib markii
Shidaal ay Ciyaartoygaasi ka dalbadeen Maamulka
ay ka waayeen, taasi, ka dibna la sheegay in uu
Maamulkuna Xidhay, 3 ka mid ah Kooxdaasi
Ciyaartowga ah, kuwaasoo loo gudbiyay Jeelka
Magaaladda Gabiley. Hase ahaatee, xadhigaa
Ciyaartowdu waxa uu sababay in Kooxdii ay ka
tirsanaayeen khasaare burbur ah soo gaadhsiisay
Xaruntii Maamulka ee Degmada Allaybaday.
Isla markaana, Maamulka Degmada ayaa mar la
badaan talaabada ay dhalinyartu qaaday waxa ay
kaga jawaabeen, in haddana la xidhxidho 6 ka mid
ah Kooxdii, kuwaasoo ka dib markii ay Guddida
Nabadgalyadu ka fadhiisteen, la xukumay, isla
markaana loo gudbiyay Jeelka Gabiley, hase
ahaatee intii lagu sii waday Magaaladda Gabilay,
waxa dhacday in uu mid ka mid ah kooxdaas uu
gaadhigii ka dhaco, iyada oo silsiladi Lugta
kaga xidhan tahay, taasoo sababtay in uu isaga
oo Gaadhiga ka dhacay uu cabaar daba jiitamo
gaadhiga oo socday, iyada oo isla halkaa ay qaar
kale ku baxsadeen.
Si kastaba ha ahaatee, dadwaynahan
mudaharaadayay ayaa Masuuliyiinta heer Gobol ee
Gabilay oo halkaa u tagay dejinta dadka arrintaa
ka cadhooday, ka codsaday in shuruud la’aan lagu
sii daayo dadka xidhan, iyada oo Masuuliyiintuna
dhinacooda balan qaaday in ay sida ugu
suurtagalsan uga hawl-galayaan siidaynta
dhalinyarta rabshadu ka dhalatay. Hase ahaatee,
lama balan-qaadka Masuuliyiinta waxa ka dhab
noqon doona, inuu noqon doono mid dadka lagu
dejinayo iyo mid ka dhab ah ka uu yahay.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.
Mustafe-Janaale
Janaale94@gmail.com

|
|
|
| |
Submited By hadhwanaag :
2009-01-10 |
|
|
|
Visit Us : Bahsane center 10,
P.O. Boxs: 25, Hargeisa,
Somaliland (Xarunta guud) |
Telefon: +
44 208 819 5310
+252 2-4425918
+252
2-4477041 |
Accon-ka – Gunada Macalimiinta:
D0518, Dahabshil
Accon-ka – Dhismaha Dugsiga Sarre: D0532, Dahabshil
Email:
allaybaday@hotmail.com |
|
|